Abdiyare Posted August 6, 2003 Mudaneyaasha Beesha Sool kaga jira Baarlamaanka Somaliland oo cambaareeyey fara-gelinta C/llaahi Yuusuf ee deegaanada Somaliland - Monday, 4 August, 2003 Hargeysa, Somaliland (Somalihome Online) - Mudaneyaasha Beesha Sool kaga jira Baarlamaanka Somaliland, ayaa cambaareeyey fara-gelinta iyo saamaynta maamulka C/llaahi Yuusuf ku leeyahay deegaamadooda, iyada oo uu dhawaan ku dhawaaqay gobol uu ugu yeedhay “Cayn” oo ay magaalo madax u tahay magaalada Buuhoodle oo ah degmo ka tirsan gobolka Togdheer. Baaqan oo uu magaalada Hargeysa nooga soo diray Weriyaha Shebekada Somalihome Online, Mr. Mustafe Axmed Hirad, waxa ay Mudaneyaasha sidaa ku sheegeen qoraal ay shalay soo saareen, qoraalkaas oo ay ku saxeexan yihiin 20 Mudane oo ka kala tirsan Guurtida iyo Wakiillada waxa uu u dhignaa sidan: “Sida laga warqabo waxa dhawaan Idaacadda BBC-da iyo Internet-kaba laga sii daayey war uu maamul Majeerteeniya ku sheegay inay Degmada Buuhoodle oo ka tirsan gobolka Todheer ee Jamhuuriyadda Somaliland yahay gobol ka tirsan maamulka Majeerteeniya, taas oo ah wax lagu qoslo iyo arrin daan-daansi ah, waxaananu u aragnaa arrintaa ay Baarlamaanka Majeerteeniya ku kaceen Islaantii Xaabadda qaadi kari weyday ee xaabada kale ku biirsatay. Haddaba iyaga oo ka faa’iidaysanay nabadgelyo jaceylka Somaliland, waxay qaadeen saddex tallaabo oo cadaawad leh oo ay ugu soo gudbeen gudaha Somaliland, saddexdaa tallaabana waxay kala yihiin, Weerarkii Madaxweynaha JSL, Ciidamo ay ku soo gureen gudaha Somaliland iyo ugu dambeyn gobolka ay Cayn ula baxeen oo ah inay sheegtaan Baarlamaanku sheegoodu dhul ka mid ah Somaliland. Laakiin waxaanu u sheegaynaa maamulka Majeerteeniya inay u diyaar garoobaan, dhabarkana u ritaan wax alaale iyo wixii ka dhaca falalka argagixisada ah ee ay ka wadaan gudaha Somaliland. Ugu dambeyn waxaanu beesha Caalamka, Midawga Afrika, Jaamacadda Carabta, Midowga Yurub iyo dhammaan cidii kale ee danaynaysa Geeska Afrika aanu u sheegaynaa in arrimahaas wixii ka dhaca ay masuuliyadooda leeyihiin maamulka Majeerteeniya, iyaga oo caadaystay inay nabadda iyo horumarka Somaliland khal-khal geliyaan. Somaliland waa dal, dhul iyo dad uu Caalamkuba og yahay xadkeeda dhuleed, badeed iyo hawadeedaba, cidii soo fara-gelisaana way ku guban doontaa. Waxaanu C/llaahi Yuusuf u sheegaynaa inta uu Buuhoodle iyo Caynaba ku riyoonayo, inuu maamulkiisa gaadhsiiyo Badhaxle oo ah xaafad Gaal-kacayo ka tirsan, waxaananu ugu baaqaynaa Xukuumadda, Goleyaasha, Axsaabta siyaasiyga ah iyo dhammaan Shacbiga Somaliland, inay si deg deg ah heegan u galaan, jawaab deg deg ah oo gacan ahna ka bixiyaan arrinta, isla markaana haddii uu C/llaahi yuusuf dhibaatada ka deyn waayo Sool iyo Buuhoodle meel aanu hadda filayn ayay ka dhici doontaa.” Ayay ku soo xidheen hadalkooda Mudaneyaashu, waxayna kala yihiin:- “ Mudaneyaasha Beesha Sool 1. Cumar Faarax Budeeye 2. C/qaadir Maxamed Xasan 3. C/rashiid Sh. C/llaahi 4. Axmed Xasan Saalax 5. Cali Cumar Axmed 6. Cawil C/llaahi Caydiid 7. Maxamed Warsame Cali 8. Muuse Ciise Faarax 9. Cabdi X. Faarax 10. Cismaan Cali Cabdi 11. Maxamed Yuusuf Cabdi 12. Maxamed Jaamac Cabdi 13. Yaasiin Ismaaciil Cali 14. Maxamed Axmed Dhakool 15. Cali Ismaaciil Cali 16. C/qaadir Jaamac Cilmi 17. Cismaan Xuseen Gurxan 18. C/Waaxid C/qaadir C/raxmaan 19. Maxamed Xirsi Jaamac 20. Cabdi Warsame Xayir Quote Share this post Link to post Share on other sites