MoonLight1 Posted June 2, 2009 Col. Cumar Xaashi Aadan oo wata maleeshiyo fara badan oo uu kala soo talaabay xadka Itoobiya ayaa soo gaaray gobolka Hiiraan Maleeshiyaad boqolaal gaaraya kuna hubeysan gaadiidka dagaalka iyo hubka noocyadiisa kala gedisan ayaa soo gaaray saaka isgoyska Kala beyrka oo ku yaala meel illaa 20-km dhinaca bari kaga toosan magaalada B/weyne ee gobolka Hiiraan, halkaasoo ay maalmahanba ay joogeen ciidamada Itoobiya. Maleeshiyadan oo ahaa kuwo bilo ka hor laga aruuriyey qaar ka mid ah gobolada dalka mudooyinkankana tababar ku qaadanayey gudaha dalka Itoobiya ayaa la sheegay inuu hogaaminayo wasiirka amiga qaranka ee Dowlada Somalia Col. Cumar Xaashi Aadan waxaana la socda sida wararku ay sheegayaan mas’uuliyiin ka tirsan maamulkii TFG-dii hore ee gobolka Hiiraan sida Aadan Garaase iyo Yuusuf Dabageed. Lama oga illaa hadda ujeedada Col. Cumar Xaashi iyo ciidamada uu wato ay u yimaadeen gobolkaasi hase ahaatee waxa ay ku soo beegmaysaa xili la hadal hayo in abaabul dagaal oo ka dhan ah xoogaga ah ee gacanta ku haya inta badan gobolada dalka uu ka socda degmada Doolow, dhinaca kalena ay faraha ka sii baxayaan dagaalada ka socda magaalada Muqdisho ee u dhexeeya ciidamada DF iyo xoogaga ka horjeeda kuwaasoo maalin kasta ay ku dhintaan dad aad u fara badan, kuwo kalena ku dhaawacmaan. Quote Share this post Link to post Share on other sites
MoonLight1 Posted June 2, 2009 Wasiirka Amniga dowladda iyo masuuliyiin la socda oo galabta gaaray Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan. Posted: 6/2/2009 9:05:00 PM Shabelle: BALADWEYNE Wararka laga helayo magaalada Baladweyne ee xarunta gobolak Hiiraan ayaa sheegaya in galabta ay magaaladaasi gaareen Masuuliyiin uu horkacayo Wasiirka Amniga Qaranka dowladda KMG Soomaaliya Cumar Xaashi Aadan. Xubnahaani uu hor kacayo wasiirka Amniga Qaranka dowladda KMG Soomaaliya ee gaaray Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa waxaa ka mid ah gudoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf dabageed) iyo C/kariin Faarax Laqanyo oo ka mid ahaa dowladam KMG iyo masuuliyiin kale. Masuuliyiintaani ka tirsan dowladda KMG Soomaaliya ayaa waxaa gudaha Magaalada ku soo dhaweeyay islamarkaana u soo galbiyay Maamulka Maxkamadaha Islaamiga ee halkaasi ka arimiya iyadoo Ammaanka Magalaada iyo deegaanad ku dhow dhowna si weyn loo adkeeyay. Masuuliyiintaani ayaa waxaa la dajiyay Hoteelka Madiina ee Magaalada Baladweyne halkaasi oo ay kulamo kula qaadanayaan Gudoomiyaha xiligaani ee gobolka Hiiraan ee Midowga Maxkamadaha Islaamiga iyadoo aan la ogeyn waxyaabah ay kaga wadahadlayaan kulankaasi. Wadooyinka Waa weyn ee Xaafadaha Magaalada Baladweyne ayaa waxaa la dhigay ciidamo fara badan oo ka tirsan Maxkamadaha Islaamiga kuwaasi oo si weyn u sugayay Ammaanka Magaaladaasi. Quote Share this post Link to post Share on other sites