Sign in to follow this  
General Duke

Gen Maxamed Ali Samatar interview : Foreign Troops

Recommended Posts

Wareysi aan la yalanay Sarreeye guuto Jenaral Maxamed Cali Samatar ciidan in la keeno waa loo baahan yahay baan qabaa aniga

 

http://www.dayniile.com/Raadiyo/www.dayniile.comsamatar.rm

click on the above for Audio

 

Su,aal: Janaralle Su,asha ugu horeysa aan ku weydiinayo waxaa ay tahay, waxaa jirta in 10kii October Sandkii 2004ta , waxaa Dalka Kenya Magaalada Neyrobi lagu soo dhisay Dowlad Federal ah taas uu Madax ka yahay, Madaxweyne Cabdulahi Yuusuf Axmed, see u aragataa adiga Dawladaas?

 

Jawab Jenaral Samatar: waxaan u arkaa, muddo badan uu Dalka Dowlad la,an ahaay marka waa loo baahanaa in ay Dowlad dhalato aniga iyo waxii igu fikir ah waxaan leenahay Welcome waana arki doonnaa sida ay u shaqeyso Dowaladda.

 

 

Su,aal: Janaralle waxaa jirta in Dowladii aad ka mid aheyd madaxdeeda 15 Sano ay Dalka ka sii maqan tahay Soomaaliya waxaana jirto in uu Dalka soo maray 2 Dowlo xukumadiina ka dib adigana kama aadan qeyb galin shirarkaas lagu soo dhisay Dowaladaas?

 

Jawab Jenaral Samatar: Dowaladahi tan ka horeeyay waa dhismeen laakin hadana mashaqeen waxa ay lashaqeyn wayeena looma wada dhameyn waa lagu beegsanaa oo waa leyska soo wada horjeeday marka tan baa lo wada dhan yahay ama hala yiraa Ragii warlordareska lagu magacabay iyo Mujtamacii dhammaa, marka tan ayaan u maleey nayaa in loo dhan yahay oo ay macquul u egtahay.

 

Su,aal: Janaralle waxaa jirta in Shirka Jabuuti Tuulada Carata lagu soo dhisay Dowalad Sanadka 2000 in lagu soo dhisay Dowalad, Dowaladaas oo ay ka soo qayb galeen dhammaan Madax dii hore ee Soomaaliyeed, adiga ma,aadan ka qayb galin Shirkaas taas maxaa sababay janaralle?

 

Jawab Jenaral Samatar: maya maya Dowaladaas waxyaabahi ay la shaqayn kari weysay ahayd in aan loo dhameyn waana wada xasuusannahay go,aan kii Carata, waxa uu ahaay in aan laga qayb galin Nimanka loo bixiyay worlordeska in laga qeyb galinna waxa ay keentay dhibaatada aan wada og soonahay, marka taas aawadaed ma,ayan shaqeynin.

 

 

Su,aal: Janaralle marka aan uu soo laabano Dalka in muddo ah buu ku sugan yahay xaalad Nadaam darro ayaa ka jirta Dalka ragga adiga kula midka ahna oo Dowladii horena iskala mid ka aheydeen waxa ay ka qeyb galeen shirka Nayrobi sida Cabdi raxaman Jaamac barre oo kale, adiga maka heshay marti qaad inta aad ku sugneyd Dalka Mareykanka?

 

Jawab Jenaral Samatar: maya maya aniga kama qeyeb galin .

 

 

Su,aal: wax marti qaad ah oo lagu so garsiiyay ma jiraan ?

 

Jawab Jenaral Samatar: maya maya wax Marti qaad ah oo aan ka helay ma jirto shirkaas diyaarna uma ahayn in aan ka qayb galo.

 

Su,aal: Janaralle Dalka waxaa loo dhisay Dowlad xukuumadda Dowalada waxa ay dalabatay Ciidan sida uu ku dhawaqay Madax weyne Dowaladaas Cabdulaahi Yuusuf Axamad in uu dalabaday ciidamo ka socda wadamada IGAD, hadaba sidee u aragataa adiga hadii aa tahay Janaral Maxamed Cali Samatar in muda ahna ku soo dhex jiray Siyasaddi hore ee Soomaliya?.

 

Jawab Jenaral Samatar: Ciidamo in la keeno waa loo baahan yahay baan qabaa aniga maxaa yeelay kuwii hore waxa ay la shaqeyn wayeen waa nabad galyo la,aan, Dalka hadaan Nabad galayadiisa la sugin Dowlad shaqeyn kartana ma jirto Nabad galayadiisa in la sugana waa loo bahan yahay ciidan Wadani ah oo wax ka qaban karana ma jiro arimahaas sida aawadeed waa loo baahan yahay ciidan dibadeed hase yeeshee Ciidan Dibadeed kaligii wax ma qaban karo mana sugi karo nabad galyada hadii uu san ciidan kaas dibadeed uu san kaa shaneynin ciidan wadani ah ciidankii soomaliyeed nuuc kastaba ha ahaadee sida Ciidanka Boliska iyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomliyeed nuucwalbo ba ha ahadee ma wada dhiman kamana wada tagin Dalka in badan waa ay nool yahiin waana joogaan Dalka haddii loo yeerana waxaan qabaa aniga in ay diyaar u yihiin howl Qaran in loo dhiibo marka hadii Ciidamadaas Ajnabiga ah kaashaneen Ciidan Soomaaliyeed waligood waxna ma qaban karaan. .

 

Su,aal: waxaa jirto in Dowladaha Safka hore ay ku jiraan sida Dowladda itobiya oo kale waxaana jirto in banaabaxyo is daba joog ahna ay ka dhaceen Magaaladda Muqdisho taas oo ay dhigen bulsahada Rayidka ah oo kale Maxakamadaha Islaamiga Ciidanka Xoogga DalkaSoomaaliyeed, dhammaan intaba waxa ay ka so horjeesteen in ciidan itoobiyaan ah la keeno Dalka Soomaaliya adiga oo fiiro gaar ah u haya taa in muda ahna xil kasoo hayay soomaliya adiga oo hugan magacii soomaliyeed mu kula tahay in aad taas taageero uu heysid janaral Maxamed Cali Samatar?

 

Jawab Jenaral Samatar: maanta soomali maxay raadineysaa arinta ma waxaan ku wadnaa midi midi ku taag mise xaal baan la raadinayaa ,hadaan xal raadineyno maslaxo rabno nabad galayadii Dalka in la sugo hadana aan ognahay in aan ku filneyn Nabad galayadii Dalka Somaaliyeed ahan waqitagan xaadirka ah waxaan u baahanahay ciidamo dibad laga keeno Ciidamada Dibada laga keenay Ninka wax bobayo oo wax baryayo, asaga go,anka ma laha codsi buu leeyahay oo kaliya haddii uu codsado ciddii markaa u Tabarucdo uunbuu ka qaadanayaa cidda aan diyaar ba uu ahayn waxa uu ka sameen karo ma lahan marka ciidamo isku dhafan oo Africa ama Aduunkalaba ka yimid in la keeno waa lagama maar maan , marka Ciidamada Africa oo Dalka imaanayo kubaas ay ka mid tahay Itoobiyana Africa ayey ka mid tahay haddii ay ka mid naqato Ciidankaasna ay ku soo biirto wax la shareesto oo dhibaato weyn hadda leyska saaro aniga iima muuqato annaga iyo Itpobiyana waan dagaalnay muddo dheerna waa tii aan Dagalameynay Dagaal badanna waa na dhax maray,. marka laso dhaaf tariikhdaas ,Diris wanaag in la sameyana way haboon tahay in maslaxo laga taliyo waa habon tahay Diimadama macana la,aanta ah aniga macna weyn iguma fadhido kaligeed aniga ma lahi Itobiya hala keeno laakiin haddii ciidamo kale oo Ajnabi ah iyo ciidamo kale oo Soomaliyeed ay meesha ku jiraan wax in la shareesta ah ilama muuqdaan aniga.

 

 

Su,aal: Janaralle waxaa jirta in xukuumadda fedaralka ku meel gaarka ah ay iminka ku kala qeybsantahay dalbashada ciimadama da shisheeye ee soo galay gudaha Soomaaliyeed in ay ku kala qayb san tahay xukuumadda dhaxdeeda ay diidan yihiin sida Muuse Suudi Yalaxaow iyo Cusmaan Xasan Cali (Caato) oo ka tirsan golaha Wasiiradda xukuumada kumeel gaarka ah oo labadaba ku dhawaaqay in ay ka soo horjeedaan in Dalka la keeno Ciidan shisheeye hadaba sow lama moodo in ay Dowaladaba ay kala qeyb san tahay fikirka Cidan shisheeye?

 

Jawab Jenaral Samatar:Dowlada waxa weeye in ay iida waxayda mideyso aragtideeda mideyso barlamankeeda iyo Xildhibaanadeeda iyo Wasiiradeeda go,aana leyskama qaadan karo in leen waa la doodaye go,aan lees kama qaadan karo hadaanan loo dhameyn go,anka hal ama labo ama sedax waa diidi karaan oo waa ka soo hor jeedi karaan lakin Manjoranti ayaa lagu xisaab tamaa mar haddii ma aragtay Organestaion ay tahay Munadamad Dowladeed waxa mar walbo lagu xisabtamaa xaggee Dadka badan aragtidooda jirtaa marka haddii Shaqsiyaad labo Sadax Afar ay diidan yahiinLabaatan ama Sodan ay ogashahay marka meesha loo badan yahay ayaa la eegaa.

 

 

Su,aal: Janaralle in mudda ah ayaa ku so dhex jirtay Siyaasadda Soomaaliya iminka maxaa u aragtaa in Soomaaliya ay Xal waara ay ku gaari karto oo ay dowladaas Soomaliyeed na ay ku hana qaadi karto, adiga oo la dar daarmaya Labada Gole ee Dowladda fikir ahaan maxay kula tahay ?

 

Jawab Jenaral Samatar: waxaan qabaa in ma aragtay Dowaladda waa loo baahanyahay in ay dhalato Shacbiga muddo badan buu ku soo jiray dhibaatada ay leedahay Dowlad la,aan wayna iska wada garan karaan haddii aan isku sheeg shegen, marka waxaase loo baahan yahay Dowladda in ay ku shaqeyso yacni is hordhigto marka horeba Barnaamij ah sidee dhibaatoyinka jira aan u xalinaa dhibaatooyinka way badan yahiin hal Sano iyo dhoor bilood wax ku xalismi karana ma aha laakiin wax walba waxay leeyahiin Qorsho iyo Mudanaan ,marka wax yaabaha Mudnaanta kowaad leh waa in la siiyaa mudnaanta kowaad wax Mudnaata kowaad lehna waa in aan la geyn Mudnaanta tobanaad marka waxaa loo baahan yahay ,lobo dhacdo sida ay u kala hoereyaan baa loo kala qaadaa ba la yiri in Dowlada iyo Barlamaankaba yacni ay is xil qaamaan , isku meelna wax ka wada arakaayaan dhibaatooyin waa ween baa horyaala, dhibaatooyinkaasna xalal kooda cid walba waa ay u muuqaneysaa laakiin sida loo kala hormariya weeye, maxa daran marka hore lagu dhaqaaqo marka waxaan qabaa in ayna maraya habaabin qorshahodana uusan qaldamin sida ay u kala culus yahiina howshana loo kala qaado.

 

 

Su,aal: Janaralle .marka aan ku su,aalo su,aasha ugu danbeyso waxa ay tahay Janaraal Maxamed Cali Samatar in muddo ah ayaa ku soo dhax jirtay Siyasadda Soomaaliya muddo shan iyo toban Sano ah na la guma arag Masraxa Siyaasadeed ee Soomaaliya, marka Siyaasadda maka hartay, mise diyaar ayaa u tahay mar kale in aad isa soo taag to Siyaasadda Soomaliya ?

 

Jawab Jenaral Samatar: Wallaahi waxa markii ay qasmeen Siyaasadiina si kale noqotay baan ka haray, aniga haddii wax hagaagaan leygana baahdo Contorobotion keyga diyaar baan u ahay, laakiin anna waa ikan ma lahi ,waxa weeye haddii Dalka iyo Dadka uu kuu baahanyahay baa wax laga qabtaa anna waa i kan uma socdo.

 

waxaa wareysta Wariye dayniile Al-ustaadMahad Carabow Cali oo Ku Sugan Magaalada Qaahira ee Xaruunta Wadanka Masar.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this