Jacaylbaro Posted October 7, 2010 Kaddib markii Gelinkii hore ee shalay koox sahan-deegaaneed ah oo watey hal baabuur degaanka degmada Dhahar (Sanaag-bari) uu raggaas iyo baabuurkoodiiba rasaas Oodda kaga qaaday nin u dhashay degaankaasi ayaa waxa halkaas ku geeryoodey laba ka mid ah raggii sahanka ahaa waxana sidoo kale dhaawac culusi soo gaadhey hal nin oo isla kooxdaas ka mid ahaa sidoo kalena baabuurkoodii ayaa waxyeello soo gaadhey halka raggii kale ee kooxdaas sahanka ahaa qaarkood duurka u firxadeen qaar kalena magaalada Dhahar gudeheeda cararkii ku galeen. “Saaka abbaara 10:30-am ayaa koox sahan deegaaneed ah oo baabuur watey magaalada Dhahar agteeda nin degaankan ka mid ahi rasaas ku furay halkaasna laba nin ayaa raggaas kaga geeryoodey hal nin-na dhaawac culus ayaa soo gaadhey, waxana dhaawacii iyo dhimashadiiba Odayaal dhinacaas (Puntland) ka yimid u qaadeen xagga Qardho, baabuurkoodii oo waxyeello gaadheyna weli halkan (Dhahar) ayuu yaallaa”. Sidaas waxa yidhi Maayorka Degmada Dhahar Cali Kilwe Cismaan oo isagoo halkaas ku sugan aannu khadka telefoonka kula xidhiidhnay. Waxana Maayorku intaas kusii daray “Arrintu wax laga tashaday ma ahayne waxay daba joogtaa Aano la xidhiidha ninkan oo aabbihiis hore loo diley”. I sagoo ka hadlaya dhaqdhaqaaqyo arrintan ka dhashay oo isugu jira ciidammo la sheegay dhinaca Puntland in ay ka yimaaddeen iyo diyaargarowga ciidammada Somaliland ee Aaggas deggan wuxu yidhi “Arrintu sawir ahaanteedu waa Aano marka hore degaankuana Ooshu waa isku soo guurtey dhinac kastaba haseyeeshee waa jiraan dhaqdhaqaaqyadaasi iyo ciidammo dhinacaas (Puntland) ka yimid oo caawadan/xalayto aan kula hadlayo gaadiidka iyo ciidammada Puntland waa soo gadheen degaankan(Dhahar), ciidammadii Somaliland ee Aaggan degganaana waa diyaar amniguna khatar ayuu ku jiraa magaaladuna (Dhahar) caawa waa Bandoo”. Sikastaba ha ahaatee arrintan ayaa abuuri karta mar kale dagaallo hor leh oo degaannadaas (Sanaag-bari) ka soo cusboonaada, tasoo sababi karta isku dhac labada maammul (Somaliland iyo Puntland) ee had iyo jeer ka dhex jiro muranka maammul iyo gacan ku haynta degaankaasi. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted October 7, 2010 ilahay ha u naxaristo labbadaba Quote Share this post Link to post Share on other sites