MoonLight1 Posted May 27, 2009 Qaar ka mid ah dadkii deganaa xaafadaha degmada Dharkeenlay ee gobolka Banaadir oo bilaabay in ay guryahooda ka cararaan. Posted: 5/27/2009 10:01:00 PM Shabelle: MUQDISHO Qaar ka mid ah dadkii deganaa xaafadaha degmada Dharkeenlay Ee gobolka Banaadir ayaa bilaabay in ay guryahooda uga barakacaan cabsi la xariirta in degmadaasi ay dagaalo ku dhexmaraan ciidamada dowladda iyo Xoogaga ka horjeeda kuwaasi oo maalmihii u dambeeyay dhaq dhaqaaqyo ciidan ka wada xafadahaasi. Kadib markii dhawaan qeybo ka mid ah degmada dharkeenlay ee gobolka Banaadir ay soo dageen ciidamo ka tirsan dowladda KMG Soomaaliya ayaa waxaa degmadaasi ka bilowday cabsi ay dadku ka qabaan dagaal ciidamada dowladda iyo xoogaga hubaysan ee ka soo horjeeda ku dhexmara gudaha degmadaasi. Xaafado ay ka mid yihiin Abbe Godey,Shuuriga,Dabaq eynka iyo Suuq Liif ayaa waxaa ka bilowday barakac Aan badneyn iyo cabsi dadka deegaanka ay ka qabaan in dagaal halkaasi uu ku dhexmaro labadaasi dhinac sida uu Idaacada Shabelle u sheegay mid ka mid ah dadka deegaanka. Afhayeenka Ciidamada Militariga dowladda KMG Soomaaliya Farxaan Casaanyo oo Shabelle la hadlayay ayaa sheegay in halkaasi ay ciidamada u geeyeen sugida Ammaanka sida uu hadalka u dhigay. Wel welka iyo cabsida ay qabaan dadka deegaanka ayaa waxaa ay tahay in xili walba ay filanayaan dagaal degmadaasi ku dhexmara dhinacyada dowladda KMG Soomaaliya iyo Xoogaga Mucaaradka kaasoo sababi kara barkac iyo qasaare soo gaara dadka deegaanka. Shabelle media Quote Share this post Link to post Share on other sites