Liibaan Posted November 7, 2010 Sawirka Todobaadka:Maamulka SNM ee Siilaanyo Iyo Faroole oo Kulan Qarsoodi Ah Yeeshay Source: Qabiilnews .com (Somalidiid website) Sawirkani waxa ka dhex muuqda Wasiirka Cadaalada Somaliland Ismaciil Muumin Aare iyo Wasiirka Kaluumaysiga ee maamul goboleedka Puntland Siciid Maxamed Raage iyo xubno ay kala wateen labadaasi wasiir oo ku kulmay todobaadkii hore dalka Danmark, kadib markii si isku mid ah loogu marti qaaday dalkaasi iyaga oo isku mansab ah kana kala socda laba gobol oo ka mid ah Somaliya, taasi oo ayna dawlada Denmark wax aqoonsi ah siinin Somaliland. Waa markii u horaysay ee wasiir ka tirsan xukumada Somaliland uu kulan wada shaqayneed la qaato, madaxda dalka Somaliya taasi oo had iyo gooraale ay xukumadihii hore ee Somaliland ay diidi jireen in ay wada jir ula qaataan wasiirada dalkii la odhan jiray Somaliya ee lagala laabtay xornimadii 1960'kii Sida ay doontaba ha ahaatee waxa soo ifbaxaysa, in xukumada cusubi ay ku milmayso Somaliweyn oo aad iyo aad loogu xaman jiray, ka hor intii ayna ku guulaysan xukunka, sidoo kale xukumada Jabuuti oo ka soo hor jeeda gooni isu taaga Somaliland ayaa, xukumada cusub ay aad isugu soo dhawaadeen taasi oo muujinaysa in aan Jabuuti ka tanaasulin mawqifkeedii ee ay xukumada cusubi muujinayso dabacsanaan xoogan. Hadaba sawirkani waa kii noociisa ah ee masuul ka tirsan Somaliland uu ku dhex milmo masuuliyiin ka tirsan Puntland Somaliya oo iyagu ka soo hor jeeda gooni isu taaga Somaliland. Quote Share this post Link to post Share on other sites
oba hiloowlow Posted November 7, 2010 lool seey atam ka yeeli lahaayeen ayeey ka showraayaan. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar Posted November 7, 2010 Maba fahmin wuxuu sawirka caddeynaayo. Laba masuul sheeganaayo laba goboleed Soomaaliya ka tirsan ka socdo haddii iyagoo isla taagan sawir laga qaado, it doesn't still mean they are meeting or something. Waa iska sawir. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Kamaavi Posted November 7, 2010 Atam iyo godane , goormey sawir wada kici.. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted November 7, 2010 ^^^loooool Miskin macruuf daa liibaan sirta ha qarxiiyo eh Quote Share this post Link to post Share on other sites