Sign in to follow this  
Suldaanka

Governor of Sool inspects drought hit areas in Eastern Sool

Recommended Posts

Wafdi uu horkacayo Gudoomiyaha Gobolka Sool Cali Sandule oo maanta gaadhay duleedka Tukaraq(sawiro

 

13-Feb-2008 iyo Qormadii: Afnugaal News Desk

Waxaa maanta gaadhay duleedka Tukaraq wafdi uu horkacayo Gudoomiyaha Gobolka Sool Cali Sandule oo ayna galbimayaan ciidamada Somaliland ee ku sugan dhanka bari ee magaalada Laascaanood iyo ciidamo Police ah kuwaas oo ka qayb qaatay socdaalkaasi.

 

Gudoomiyaha Gobolka Sool oo aan wax ka waydiinay socdaalkiisa uu saaka ugu anbabaxay magaalada Gambadhe uuna horey usii dhaafay ilaa uu ka gaadhay duleedka magaalada Tukaraq ayaa waxa uu noo sheegay inuu ahaa socdaalkaasi mid indho indhayn ah.

 

Socdaalkaasi ayaa waxa uu Gudoomiyuhu ku sheegay inuu yimi kadib markii dhulkaasi ay soo wajaheen abaaro sidaa darteedna ay kormeer ugu baxeen si ay usoo arkaan dhulkaas iyo xaaladiisa iyo halka ay marayso nolosha dadka goobahaasi kunool oo aan haysanin baad iyo biyo toona.

 

Waxaana uu intaasi ku daray Gdoomiyuhu inay markii ay marayeen tuulada Gambadhe ay lasii shireen dadka Odayaasha ee deegaankaasi uuna kala hadlay xaalada abaaraha ee deegaankaasi ayna noo sheegeen xaalada deegaankaasi iyadoo sidoo kalena ay dhankooda u balan qaadeen inay wax u qabanayaan iyadoo uu Gudoomiyuhu uu socdaal ku tagay ceelka biyaha ee tuulada Gambadhe.

 

Hadaba socdaalkan ay saaka ku tageen wafdida uu hogaaminayo Gudoomiyaha Gobolka Sool Cali Sandule,taliaayasha ciidanka military ga iyo waliba kuwa Police-ka ayna ka qayb qaateen ciidamo aad uhubaysan oo wata tiknikada dagaalka ayaa waxa uu noqonayaa socdaalkii labaad ee intii maamulka Somaliland ay gacantiisa soo gashay magaalada Laascaanood uu ku tago duleedka tukaraq wallow aysan wali si rasmi ah halkaasi udagin iyagoo kadib socdaalka ay goobahaasi ay ku tageen kadib ay kusoo laabteen magaalada Laascaanood

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this