Sign in to follow this  
General Duke

President Yusuf has made a good start, but has a long way to go

Recommended Posts

MADAXWAYNAHA SOOMAALIYA MUDANE CABDULAAHI YUUSUF AXMED OO UMUUQDA IN UU HELAY KAL SOONIDA HOGAAMIYAASHA SIYAASADA SOOMAALIDA

 

 

Axmed Muuse Cabdulle(Idaawaqaca)

axmeddheere65@hotmail.com

Kenya,Nairobi Somalitalk

 

 

MDFKMG, C/lahi Yusuf

Tan& Doorashadii Madaxwaynaha Jamhuuriyada Federaaliga Kumeelgaarka ah ee Soomaaliya 10 Ogtobar Madaxwayne Cabdulaahi Yuusuf Axmed Waxa uu waday kulamo is daba joogo oo uu la wadaagay Aqoonyahanka, Culumaa u diinka Waxgaradka, Haweenka & Siyaasiyiinta Soomaaliya.

 

Kulankii ugu qiimiga badnaa waxa uu la wadaagay Madaxwaynihii xilka kaga horeeyay Dr C/qaasin Salaad Xasan iyaga oo meel isla dhigay in laga fakaro sidii loo samato bixin laha shacabka Soomaaliyeed oo iyagu dhibaato qabay 14 Sanoo na soo dhaaftay,

 

Dhinaca kale waxaa taageero xoogan muujiyay Xidhibaan Maxamed Qanyare Afrax oo isagu shaaca ka qaaday in uu la shaqaynayo Doowlada uu madaxda ka yahay Cabdulaahi Yuusuf Axmed taasi oo aheed guul ay dad badani ku farxeen. Xildhibaan Maxamed Qanyare Afrax waxa uu sheegay in hadii il loo magacaabana uu ka fiirsanayo in uu anfaco iyo in kale hadii aan loo magacaabina la shaqaynayo dowlada ,

 

Waxaa jiray xili madaxwaynaha Soomaaliya Mudane Cabdulaahi Yuusuf Axmed Afur iyo casho sharaf u sameeyay Xubnaha Xidhibaanada Aqoonyahanka ku sugan Magaalada Nairobi oo ay gacmaha is qabsadeen Xildhibaan Cusmaan Cali Caato iyago oo u muuqaday rag meel iska dhigay qilaafkii dhaxdooda ahaa, Madaxwayne Cabdulaahi Yuusuf Axmed ayaa xiligaa sheegay in Mr Cusmaan iyo isagu isku meel ku dhasheen kana wada shaqayn doonaan nabada iyo xasilinta Soomaaliya,

 

Dhinaca kale kulamo qaatay Sadex Cisho ayeey wada yeesheen Madaxwaynaha Soomaaliya Mudane Cabdulaahi Yuusuf Axmed iyo Xidhibaan Al Xaaj Muuse Suudi Yalaxow.

 

Labada masuul ayaa wada dagan hal Hoteel iyaga oo kala dagan dabaqa Labaad iyo midka Sadaxaad interkontener, wadahadalada Al Xaaj Muuse Suudi Yalaxow iyo Madaxwayne Cabdulaahi Yuusuf Axmed ayaan cidina ka war hayn oo albaabada ayaa u xirnaa laakiin Al Xaaj Muuse Suudi Yalaxow ayaa doorashadii Madaxwayne Yuusuf ku tilmaamay mid sax ah waxna uusan ka qabin in soomaaliya la keeno ciidamo shisheeye,

 

Maanta sidoo kale waxaa jiray kulan dhaxmaray Xildhibaan Maxamed Cumar Xabeeb "Maxamed Dheere" iyo Madaxwaynaha Soomaaliya Mudane Cabdulaahi Yuusuf Axmed, cidina ma ogo kulanka labada mas uul waxaase la rajeeynayaa in ay kawada hadleen xaalada Soomaaliya iyo sidii loo xasilin lahaa wadada Nabada oo soomaaliya ka raagtay mudo badan.

 

Hogaamiyaasha siyaasada ee soomaaliya ayaa kawada Tirsan Baarlamaanka Soomaaliya marka laga reebo Jan Maxamed Saciid Xirsi Morgan oo isagu xiligaas Dagaaloo kula Jiray Dooxada Juba, waa Xiligii la xulayay Baarlamaankee,

 

Madaxwayne Cabdulaahi Yuusuf Axmed oo isagu inta badan yaqaana dabeecadaha Hogaamiyaasha ayaa umuuqda nin ka guul gaaray intii badneed in ay ka wada shaqeeyaan nabada soomaaliya ,

 

Madaxwaynaha DFKMG waxaa hor yaala hawl adag iyo in uu soo magacaabo Wasiirkiisa koowaad isla markaasna wasiirka uu magacaabayaa noqdo nin u cuntami kara dhamaan Hogaamiyaasha kooxaxa Soomaaliya Dowladana gayn kara Magaalada Muqdisho Caasimada Soomaaliya,

 

Dhinaca kale madaxwaynaha soomaaliya waxaa u dhiman in ay wada kulmaan Raga dooxada Juba Bare Shire Adan "Bare Hiiraale", Yuusuf Mire Adan Yuusuf Seeraar iyo Hogaamiyaha S.NA Xildhibaan En Xusseen Maxamed Faarax Caydiid.

 

Waxaa kaloo madaxwayne Cabdulaahi Yuusuf Axmed Horyaala in wada xaajood dhaba la wadaaago Waqooyiga Soomaaliya iyadoo xubnaha Xidhibaanada Soomaaliya ay walaac horleh ka muujinayaan Colaadaha hada soo cusboonaaday ,

 

Si walba xaalku ha ahaadee hadii madaxwayne Cabdulaahi Yuusuf Axmed ku guulaysto siina wado wada xaajoodka Geesinimada leh ee uu la wadaagayo hogaamiyaasha Siyaasada Soomaalida waxaa laga yaabaa in ay doowladiisu wax tar noqoto ayna mira dhasho, hadiisa uu ka gaabiyo waxa uu raacayaa wadadii Cali Mahdi Maxamed, Jan Maxamed Faarax Caydiid, Dr Cabdi Qaasin Salaad Xasan oo dhamaantood Afgarad Buuxa ka keeni waayay Hogaamiyaasha Siyaasada Soomaalida.

 

Axmed Muuse Cabdulle(Idaawaqaca)

axmeddheere65@hotmail.com

Kenya, Nairobi Somalitalk

 

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 1, 2004

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

very good news indeed, I am happy with how things are going now in Nairobi, and soon in Somalia Inshaa Allaahu

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this