Sign in to follow this  
Saalax

Ururka Somaliland Forum raises $6315 for Hargeysa - Berbera road

Recommended Posts

Saalax   

Thursday, October 28, 2010

 

Hargeysa-(HWN)-Ururka Qurba-jooga Somaliland{Somaliland Forum} ayaa gudoonsiiyeyXukuumada Somaliland deeq lacageed oo dhan $6315 oo ururku ugu tallo galey in wadada udhaxey berbera iyo hargeysa loogu sameeyo calaamado digniin ah Meelaha ubaahan in laga taxadiro.

 

 

agred82xp1asca4lltk.jpg

 

 

q8sfjpjhpv1t7tlz9i5p.jpg

 

 

deeqdan lacageed o lagu fullindoono Mashruuca{Cali Marshal Road Procject}. oo ah mid calaaamdaha digniinta ah loogusameynaayo wadada udhaxeysa Hargeysa iyo berbera oo loogu Magacdarey Marxuum Cali Maxamed Guuleed{Cali Maarshaal}Alle Ha uanariisteeoo kamid Ahaa Asaasayaashii ururka ayaa .Munaasibad balaadhan oo deeqdani lagu Gudoonsiinaayey Dawlada somaliland gaar ahaan Hayada wadooyinka somaliland oo u qaranka ugu xilsaaran lagu qabtey hotel Golden Star ee magaalada Hargeysa.

 

 

uenbzzm2qvr045k4zhz.jpg

 

 

Waxaa kasoo qayb galley xafladanioo aheyd mid si habsami ah loosoo abaabuley Wasiirada Wasaaradaha Hawlaha guud iyo guriyeyntaXuseen Axmed Caydiid ,Xanaanada xoolaha, Horumarinta miyiga iyo deegaankaDr. Axmed Xaashi Odey .waxbarashada iyo tacliinta sare Marwo Samsam Cabdi Aadan,Mareeyayaasha hayadaha Wadooyinka,C/waaxid C/qaadir,La,dagaalanka musuqmaasuqa Axmed Muxumed Madar,komishanka Ictga Eng.Cali Daahir,Samafalka Madaxtooyada Aamina Maxamuud Diiriye ,qaarkamid ah xubnaha ururka somaliland forum iyo martsiharaf kalla duwan,

 

 

Wasiirka Wasaarada Hawlaha Guud Iyo guriyeynta Xuseen Axmed caydiid oo munaasibadaasi kahadley ayaa umahad naqey ururka somalialnd forum oo deeqdan soo gaadhsiiyey dawlada.

 

Waxaa uu wasiirku xusey in mashruucani oo yahey mid faaido badan hurumarana u ah dalka,

 

 

Waana mid ku haboon in loogu magac daro Barnaamijkani alle ha unaxariistee marxuum cali maxamed guuleed .

 

Waxaa uu wasiirku kudheeraadey in ay kadawlad ahaan ay diyaar uyihiin iney bulshada Somaliland usameeyaan waxqaabd balaadahb mudada ay jogaan.

 

Wasiirka waxaa uu sheegey in maanta ay inoo bilaabantey wadadii waxqabsiga iyo horumarka .loona baahan yahey ineynu dalkeena horumarkiis kaqayb qaadano.

 

 

Wasiirka Xanaanda Xoolaha Horumarinta ,Miyiga iyo deegaanka Dr. Axmed Xaashi Odey oo isna munaasibadaasi maanta kahadley ayaa ugu horeyn umahadnaqey ururka somaliland forum ,waxaa uu mudane odey ku dheeraadey tariikhda marxuum Cali marshal oo uu sheeegey iney muddo badan aqoon isku lahaayeen waxaa gabagabdii ilaahey uga baryey inuu naxariistii iyo hjanno kawaraabiyo.

 

Wasiirada Waxbarshada iyo tacliinta sare marwo Samsam Cabdi Aadan oo iyana munaasibadaasi saaka kahadleysey ayaa ugu horeyn umahad naqdey ururka Somaliland forum.

 

Waxay wasiiradu kawaran tay aqoontii ay ulaheyd Marxuum calimaarshaal oo ay kutilmaamtey aqooyahan waxabdan kasoo kordhiyey dalkani .

 

Prof Maxamed C/laahi Ducaale oo ah Madaxa mashrucaani Cali Marshal Road Project U qabilsanaa Ururka Somaliland Forum Oo ugu munaasibadaasi kahadley ayaa waxaa Uu kawaramey Tariikhda ururka waxaanu xusey in ururka somaliland forum la,asaasey sanadii 1995 sababaha ugu waaweyn ee loo asaaseyna ay aheyd iney kaqaybqataan adeegyada bulshada wixii ay kageysan karaana ay ka geystaan waxaana asaasey aqoonyahanka reer somaliland ee kunool qurbaha.ilaa mudadaana waxay sameynayeen barnaamijyo kalla duwan oo ay kaga qayb qaadabayeen horumarka somaliland.Maxamed waa uu intaasi raaciyey Oo Uu Yidhi {Waynu wada ogsoonahey in wadad isku xidha berbera iyo hargeysa ay kamid tahey wadooyinka halbawlaha ah ee somaliland islamarkaana ay ku nafwaayeen dadban oo qaali inagu ahaa waxayna ka xusni karnaa marxuum Cali Maamed Guuleed{Cali Maarshaal}iyo Maxamed khadar oo labadooduba kamid ahaa ururka somaliland forum ahaayeena odyaashoodii. Sidaasi daraadeed waxay xubanaha ururku isla garteen in mashruucsanadeedkan sanadkan ee ururka laga dhigo in wadada udhaxeysa berbera iyo hargeysa loogu sameeyo calaamado taxadir ah . laguna magacdaro marxuum cali maarshaal .waxaa uumaxamed sheegey in ujeeda munaasibadani maantana ay tahey in xogagii yaraa ee ay ugu tallo galeen mashruucani ooa y ururu ahaan iska soo ururiyeen in lagu wareejiyo hayada wadooyinka somaliland oo u xilsaaran hawshsani.Waxaa uu maxamed ugu baaqey qanacsatada somaliland in iyana doorkooda ay kaqaataan horumarinta dalka isagoo gabagabadiina umahadnaqey hayada wadooyinka somaliland oo kalashaqeysey mashruucan nidaamintiisa wakhtigii ay bilaabayeen.

 

Axmed Maxamed Diiriye oo kamid ah xubnaha giddida dhexe ee ururka somaliland forum oo isna munaasibadaasi kahadley ayaa ugu horeyn kawaramey ururka Somaliland forum iyo waxqabadadisii kalla duwanaa mudadii uu jireyw axaa kamid ahaa aftidii dastuurka oo ay door weyn kaqaateen,cisbitalo kalla duwan oo ay deeqo gaadhsiiyeen oo uu ugu dambeeyey cusbitaalka laas caanood,xarunta agaoomaha,jaamacada hargeysa waxaanu sameeyey ururku abaal marino kalla duwan ooa y ku dhiirigelinayaa ardeyda iyagoo 10 ardey ee ugu sareeya ardeyda dugsiyada sare kazoo baxda in ururku siiyo scholrshipyo uu ku dhiirigelinaayo,ooa y dhaqaalaha ay kabxiyaan,abaal marin sanad la ah oo lagu dhiirgelinaayo bulshada,doorashooyinkii oo wacyigelintooda aanuq ayb weyn kaqaadaney,

 

Waxaa uu gabagabadii sheegey in ay sanadkan qorsha ugu jirto iney qaban doonaan shir laga gahadlaayo somalialnd .isagoo xusey in ujeeda da munaasiabdania y tahey in bulshada la tuso in waxlawada qabsan karo.

 

Gudoomiyaha komishanka ictga Eng Cali Daahir ahaan gudoomiyihii hore eeururka somaliand forum Oo isna munaasiabdaasi kahadley ayaa ka waramey tariikhda ururka iyo waxqabadadiisa kalla duwan ee soo sameeyey ururku.

 

Maareeyaha hayada wadooyinka somaliland C/waaxid C/qaadir oo munaasiabadaasi kahadlay ayaa u mahadanqey ururka somaliland forum oo deeqdani soo gaadhsiiyey isagoo xusey in kahayad ahaan maalmahan ku mashquulsanaayey kawaranheynta xaladaha wadooyinka somaliland ..

 

Waxaas sidoo kale munaasibadaasi kahadley Agaasimaha samafalka madaxtooyada,Aamina maxamuud diiriye,Madaxa hayada la,dagaalanka musuq maasuq Axmed Muxumed Madar,iyo mareeya kuxigeenka hayada wadooyinka Somaliland iyo Rahsiid Muxumed guuleed oo kasocdey qoyska marxuumka ahna walaalkii .

 

Waxayna dhamaantood xuseen shakhsiyada iyoa aqoonta marxuum cali Maxamed iyagoo ilaaheyna uga baryey inuu naxariistii jano kawaraabiyo ,,..

 

 

 

Gabagabdii xafladani deeqda lagu gudoonsiinaayey hayada wadooyinka Somaliland ayaa waxaa uu ururka somaliland isla goobta kugu gudoonsiiyey masuuliyiinta hayada wadooyinka Somaliland deeq lacageed oodhan $6315.taasi oo loogu talla galey in loogu sameeyo calaamado digniina wadada udhaxaysa berbera iyo hargeysa….

 

 

Hadhwanaag

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this