Sign in to follow this  
General Duke

Badhan-Bossaso: Gen Abdullahi Ilka-Jiir recives huge send of to Garowe:PICS

Recommended Posts

2_51.jpg

Sidee bay u dhacday Xafladii ay Haweenka G/Sanaag uga soo Sagootiyeen Magaalada Badhan Murashax ilkajiir

 

Bosaaso:-Haweenka Reer sanaag ayaa si wayn meel qudha uga soo wada Jeensaday tageerida iyo kalsoonida ay siinayaan Murashax cabdilaahi Axmed Jaamac ilkajiir waxaana Murashaxa loogu qabtay Magaalada Badhan ee Gobolka sanaag Xaflad lugu soo Ambabixinayo oo ay soo abaabuleen Haweenka G/sANAAG.

 

Munaasibad 2aad oo ay ugu tala galeen Murashaxa haweenka sanaag iyo Bari ayaa iyaduna xalay ka dhacday Magaalada Bosaso gaar ahaan Hoteelka baanarooma ee ku yaal koonfurta Magaalada Bosaso.

 

Haweenka ayaa si wayn u soo dhowayey Hanaanka Doorashada Murashax Cabdilaahi Axmed Jaamac ilkajiir waxaa ayna ugu baqeen in gobolka sanaag la helo waxqabadkisii ee aaney keliya doonanayn xil madaxnimo waxqabadkii iyo Horumarkii sanaag ayey shegeen inay ay ka sugayaan ilkajiir hadii uu ku guulaysto xilka madaxnimada Puntland.

 

Sidoo kale Waxaa Xusid Mudan in Shalay Gelinkii Hore Magaalada Bosaso ay ka banaan bexeen Malayiin Haween iyo Dhalinyare isugu jira kuwaaso oo ka kala socdey Qaybaha kala duwan ee Ururada Bulshada iyo Ha,adaha Caalamiga ah oo u ololaynaya Murashaxan waxaa dowlad wadikara dad waxaa matali kara waxaana ay soo badhigeen oo shalay si wayn looga Hadal hayey Gudaha Magaalada Bosaso ee xarunta Gobolka Bari Hadal haynta ugu Badan ee Murashax Cabdilaahi Axmed Jaamac ilkajiir.

 

Intabada Boodhadh iyo Waraaqo Bafalit ah oo ay ku soo bandhhigen Qoreenada iyo Dadka ku mashquulsanaa tariikhda Murashaxa ayaa lagu dhex daadiyey Gudaha Magaalada Bosaso kuwaasi oo ka turjimaya kaalinta Siyaaseed iyo Weliba Doorka Amniga ee uu ka ciyaari karo Halyeygani Tariikhda Ma guudhada ah ee Puntland shakina kuma jiro Inuu ka muujin karo Puntland isbedel siyaasadeed oo horle.

 

Sidoo kale tageerayaasha Murashax Cabdilaahi Axmed Jaamac ilkajiir oo kor u dhaafaya in ka badan Malayiin Ruun ayaa ka kal yimid Degmada Carmo,Ceeldaahir ,Xarunta 2aad ee Sanaag Badhan,Qardho ee Gobolka Karkaar ,Gorowe,Bosaso iyo Meelo kale waxaana ay soo bandhigeen Waraaqo iyo joornaalo ay ku xardhanyihiin Eryo soo jiidasho iyo Hadiidiilele oo ay ka mid yihiin,Soo dhowoow ilkajiir Soo dhowoow Halyeeygii Qaranka ee Puntland u baahnaydoo,ku soo dhowoow Dalka iyo Dadka Dowladka Dowlnimadaada Rab,Sidoo Kale Haweenka dhalinyarada ah oo ku soconaya Gadiidka yaryar ee looyaqaan Mark2ga ,Surka,Laylacalawida ayaa iyagoo gacmohooda ku wata waxa ay ku dhowaqayeen oo mingirifoonada laga maqlayey Hadalo soo Jiidashole iyo Heeso Wadani ah,sida Dad waxaa Metelikara Dalyaqaan Sidaasiyaiyo Heeso kale oo wadni ah.

 

Maxamed Axmed Ciise---Bosaso/Puntland Aadan /Cali Foos Xarunta 2aad Ee Sanaag Badhan Puntland State Of

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xaflad Lagu Taageerayo Musharax Ilka Jiir Oo Xalay Lagu Qabtay Bosaso.

 

Xafladan Oo Ahayd Mid Lagu Taageerayay Musharax General C/laahi Axmed Jamac Ilka Jir Ayaa Waxaa Ay Ka Dhacday Hotelka Bno Raama Ee Magaalada Bosao Waxana K SooQayb Galay Dhaman Bulshada Kala Duwan Oo Ay Ka Mid Ahaayeen Dhallinyarada Hooyooyinka Ururada Bulshada Qaybohooda Kala Duwan Odayaasha Dhaqanka Nabadoonada Salaadiinta,Ardayda Jaamacadaha Iyo Kuwa Iskuulada Kala Duwan Iyo Dadweyne Kale Oo Aad U Fara Badan.

 

Xafladdan Ayaa Waxaa Ay Ahayd Xaflad Ay Soo Agaasimeen Haweenka Kala Duwan Ee Ee Sanaag Iyo Kuwa Ku Dhaqan Gobolkanai Bari Waxaana Ay Halkaasi Ku So Bandhigeen Waxyaabo Kala Duwan Oo Ay Ku Muujinayaan Darenkooda Ku Aadan Taagerada Ay U Hayaan Musharax General C/laahi Axmed Jaamac Ilka Jiir.

 

Xaawo Xujaale Oo Ah Hooyo Si Weyn Looga Yaqaano Deegaanada Puntland Ayaa Waxaa Ay Goobtaasi Ka Soo Jeedisay Buraanbur Aad u Qiima Badan Oo Ay Ku Amaanayso Musharax Generl C/laahi xmed Jaamac Ilka Jiir Waxaana Ay Si Aada U Amantay Musharaxa Oo AySheegtay In Uu Yahay Nin Hogan Maamul Qaban Kara.

 

Mid Ka Mid Ah Ardayda Jaamacada Bariga Africa Oo LaguMagcaabo Ayaa Waxaa Uu Xafladaasi Balaaran Ka Sheegay In Ay Si Aada U TaageersanyihiinMusharax General C/laahi Axmed Jaamac Ilka Jiir Isla Mar Ahaantaasina Waxaa Uu ka Warbixiyay Waxqabadyadii Uu Qabtay Intii Uu Dalka Iyo Mandaqada Gobolka Sanaag Ku Sugnaa waxaana Uu Sheegay In Waxyaalihii Uu Qabtay Oo Dhan Ay Iminka Yihiin Kuwo Dhaxal Gl Ah .

 

Intaasi Ka Dib Ayaa Waxaa Micrifonka Lagu Soo Dhoweeyey Musharax Eng C/laahi Axmed Jaamac Ilka Jiir Waxaana Markii Uu U Soo Kacay Dhinacaa Iyo Minbarka Waxaa Goobtaasi Is Qabsaday Sacad Iyo Mushxarad Aad U Ballaaran.

 

 

 

Cabdulaahi Ilka Jiir Waxaa Uu UguHorayn U Mahad Celiyay Dadka Xafladaani Ballaaran Ka Soo Shaqeeyey Sida Wanaagsanna U Soo Agaasimay Waxaana Uu Sheegay Musharax Ilak Jiir In Uu Wax Badan Qaban Doono Hadii Uu Ku Guulaysto Xilka Madaxtinimada Puntland Waxaana Uu Carrabka Ku Dhiftay Ilka Jiir In Uu Xilalka Wasaaradaha Puntland Uu U Badin Doono Dhinaac Haweenka Oo Maamulkiisa Lagu Arki Doono Haween Badan Oo Masuullo Ka Noqda Maamulka .

 

Docda Kale Xaflad Ballaaran Oo Iyana Lagu Taageerayo Musharax C/laahi Axmed Jamac Ilka Jiir Ayaa Waxa Ay ka Dhcday Magaalada Badhan Ee Xarunta Gobolka Sanaag Iyada Oo xafladaasina Ay Ahayd Xaflad Si Aada Loo Soo Agaasimay Ayna Ka SooQayb Gaeen Dadweyne Aad U fara Badan Kuwaasi Oo Oo Ay UguHoreeyeen Maamulak Degmada Dhallinyarada Culumaa’udiinka Hooyooynka Iyo Ururada Bulshada.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this