Kamaavi Posted October 31, 2009 Warar khaas ah oo aanu ka helnay ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Cabaas Talxa oo ay la socdaan 6 dhalinyaro ah uu kasoo baxsaday magaalada Kismaayo islamarkaana uu soo gaadhay magaalada Nairobi. Cabaas ayaa kamid ahaa hor joogayaashii maleeshiyadii Barre Hiiraale ee u qaxay dhanka Dooloow,wuxuuna sanadkan gudihiisa isu soo dhiibayey ciidamada Al-shabaab ee ku sugnaa magaalada Baladxaawo halkaasoo uu kaga biiray ciidamada Al-shabaab. Cabaas ayaa kamid ahaa ciidamo gurmad ku yimid magaalada Kismaayo si ay ula dagaalamaan ciidamadii Xisbul islaam ee uu hogaaminayey Axmed Sheekh Maxamed Islaan (Axmed madoobe). Wuxuuna kamid ahaa shakhsiyaadkii aadka loo buun buuniyey ee Al-shabaab ugu magac dareen "Seeful islaam". Baxsashada Cabaas ayaa la sheegay inay salka ku hayso khilaaf soo kala dhex galay Ururka Al-shabaab iyo Beesha uu ka dhashay oo ka gadoodsan dilkii dhawaan ka dhacay gudaha magaalada Kismaayo ee lagu khaarijiyey mid kamid ah odayaasha Beesha. Wararka arimahan la xidhiidha ee ku soo dhacay warsidaha Dhanaan.com ayaa sheegaya in tira badan oo kamid ah Qooyskii marxuumkii la dilay ay isaga soo baxeen magaalada Kismaayo isla markaana ay isku abaabulayaan duleedka magaalada Kismaayo. Dhanka kale waxaa lagu soo waramayaa in Gobolka ay ka da'een roobab mahiigaan ah isla markaana ay xaaladu hada tahay mid degan. Dhanaan.com Nairobi Quote Share this post Link to post Share on other sites