General Duke Posted February 28, 2009 Ururka Xisbul Islaam oo Beeniyay jiritaanka Heshiis xabad joojin ah Afhayeenka Xisbul Islaam Shiikh Muuse cabdi caraale oo u waramayay idaacadaha Muqdisho ayaa sheegay in ay been tahay wararka laga sii daayay Idaacadaha ee sheegaya in ay heshiis xabad joojin ah lagaareen Dawlada Shiikh Shariif Sheekh Axmed. ‘’Waa been waxa uu idaacadaha ka sheegay Madaxweyne Shiikh Shariif mana u aqoonsanin madaxweyne iyo Dawlad midna, sidoo kale ma jiraan Cid kale oo aan heshiis xabad joojin ah la saxiixanay ,hadii ay ahaan lahayd Odayaasha Muqdisho iyo Culumaa u diinkaba’’ayuu yiri Shiikh Muuse cabdi caraale. Afhayeenka ayaa intaasi ku daray in aanay dagaalka joojin doonin oo uu jihaadku socon doono inta ay shareecada islaamka lagu maamulayo dalka islamarkaana ay meesha kabaxayaan wax uu ku sheegay Maamulkii TFG da . Ururka Xisbul Islaam oo ah isbahaysi aan isla socon ayaa maalmahaan waxaa soo kala dhex galay tafaaruq kaasi oo sababay in xitaa ay hadalo kala duwan siiyaan Idaacadaha. Culumaa u diinka Muqdisho ayaa iyagu ka digay dagaal danbe oo dhiig ku daato oo ka dhaca Magaalada Muqdisho ,waxaana ay baaqyo u direen dhamaan qaybaha isaga soo horjeeda Magaalada Muqdisho. Shiikh Cumar Iimaan Abuubakar Gudoomiyaha Isbahaysiga Xisbul Islaam ayaan isagu wali iclaamin Heshiiska xabad joojinta ah ee ay dhinacyada dawlada iyo Odayaashu sheegeen ,Waxaana uu sheegay in ay ka baaraan dagayaan oo ay ka shuuraynayaan. Carmooyin News Desk contact carmooyin2009@hotmail.com Quote Share this post Link to post Share on other sites