Haatu Posted March 18, 2010 Taliska Ciidamada Booliska dowladda KMG ee Soomaaliya ayaa ka warbixiyay howlgalo ciidamada dowladda ay ka sameeyeen xaafado ka mid ah Magaalada Muqdisho isagoo dhanka kalena iska fogeeyay eedeyntii Qaramada Midoobay. Afhayeenka ciidanka Booliska dowladda KMG ee Soomaaliya gaashaanle Sare C/laahi Xasan Bariise oo maanta saxaafada kula hadlay Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu ka warbixiyay howlgalo ay dhawaanahaan ciidamada Boolisku ay ka sameynayeen Xaafado ka mid ah Magaalada Muqdisho. Waxaa uu sheegay Bariise in howlgaladaasi ay sameeyeen ciidamada Booliska lagu soo qab qabtay dad farabadan isagoo tilmaamay in dadkaasi qaarkood xabsiga loo taxaabay halka qaarka kalana sida uu sheegay Baaritaano ay ku sucdaan. Sidoo kale afhayeenka Mar su’aal laga weydiiyay hadal dhawaan ka soo baxaya gudiga dabagalka arimaha Soomaaliya u qaabilsan qaramada Midoobay kaasoo ku aadan in saraakiisha askarta ciidamada dowladda ay u gacan galiyaan hubkooda xoogaga ka soo horjeeda dowladda ayaa waxaa uu hadalkaasi ku tilmaamay mid aan waxba ka jirin islamarkaana meel ka dhac ku ah ciidamada Soomaaliyeed. Mudooyinkii ugu dambeeyay ayaa ciidamada Booliska dowladda KMG ee Soomaaliya waxaa ay howlgalo ka sameynayeen Xaafadaha degmooyinka ay maamusho dowladda KMG ee Soomaaliya oo ay ka mid yihiin Waaberi, X/weyne iyo X/jajab iyadoo howlgaladaasina ciidamada dowladda ay ku soo qab qabteen tiro dad ah. Quote Share this post Link to post Share on other sites