General Duke Posted July 12, 2009 Aas Maamuus Badan Oo Loo Sameeyey Afartii Nin Ee Lagu Dilay Degaanka CeelbardaalePosted in July 12th, 2009 by lug in News Borama-(Lug)-Subaxni madii saaka ayaa waxa xabaalaha Caro-qoolaab ee magaalada Borama lagu aasay Afartii Marxuum ee lagu dilay shalay degaanka CeelBardaale, Aaska afartan Marxuum ayaa waxa ka qayb galay Kumanaan dadwayne ah, Salaadiin, Cuqaal iyo Waxgarad kale. Sheekhul Baladka magaalada Borama Sh.C/laahi Sh.Cali Jawhar oo goobta aasku ka dhacayay kula hadlay dadwaynaha ayaa sheegay in dhacdadani tahay tii ugu xanuunka kululayd ee soo marta taariikhda Somaliland, isla markaana ku tilmaamay mid aan xidhiidh la lahayn qulqulatooyinka Ceel-bardaale waxana uu sheekhu ku tilmaamay kooxda gaysatay falkan qaadicu dariiq loo baahan yahay in la horkeeno Sharciga, si dil qisaas ah loogu sameeyo. Waxa kale oo uu Sheekhu sheegay in iyagana Masuuliyiintii dhiiri galisay dhacdadan loo baahan yahay in cadaalada la horkeeno, waxana uu dadka ugu baaqay deganaan. Isla goobtan Suldaan C/raxmaan Jaamac Dhawal oo ka hadlay ayaa sheegay in falkan dhacay uu yahay mid Waxshinimo ah, Xukuumada, Salaadiinta, Waxgaradka iyo inta nabada jecelba looga fadhiyo inay si dhakhso ah dil Qisaas ah ugu fuliyaan kooxdii falkan gaysatay waxana uu ka dalbay dadka reer Borama inay ilaaliyaan Mastaafurka iyo Maxasta ku dhex nool wax walbana ka doorbidaan nabada. Wariye:- Abokor Hasan Affi Lughayanews-Borama No user commented in " Aas Maamuus Badan Oo Loo Sameeyey Afartii Nin Ee Lagu Dilay Degaanka Ceelbardaale " Follow-up comment rss or Leave a Trackback Quote Share this post Link to post Share on other sites
Akash Posted July 12, 2009 Dagaal kii maanta ee ceelbardaale wararkii ugu dambeeyay Sunday, 12 July 2009 14:20 Dagaal kii saaka ceel bardaale oo i yara istaagay. khasaaraha dagaal kaasi gaystay ayaa wali ah sedex nin oo oo ku dhaawac may, oo ka soo jeeda dhinaca dilla. dagaalkan ayaa waxaa laysku adeeg saday hubka nooc yadiisa kala duwan. waxaana halkaasi lagu jabiyay maleeshiyadii dhinaca bari oo dib u cararay ka dibna waxaa soo gaadhay meesha bilayska somaliland waxaanay xabadi ku dhexmartay maleshiyaad kii dhinaca galbeed halkasi oo seddex daa nin kaga dhaawacmeen loo na qaaday dhaawac coodi cusbitaalka Borama oo hada lagu dawaynaayo. dhinaca kale ee gabilay wali wax khasaare ah oo kasoo gaadhay dagaal kaasi lama garanaayo ilaa hada Mudaharaado ka soconaaya Booramamagaalada . muduharaado aad u xoogan ayaa ka soconaaya maanta caasimada gobalka Awdal ee Borama, dhalinyaro iyo dumar calankii somaliya lulayay ,gubaayana taayiro aya waxay fooda is dareen ciidan ka bilayska ee boorama dhalintaasi oo dhagaxaan ku tuuraayay gaadhi basa iyo station ka xarunta guud ee booliska magaalada borama, booliska ayaa waxuu xabad kor u ridaayay xabada. balse dhalin yaradii mudaharaaday ayaan ka joogsan. xabadaasi waxaanay dusha uga baxeen gaadhi xaajiyada oo boolisku lee yahay oo ay ka dultaageen calankii buluuga ahaa ee somalia kadib booliska ayaa waxay adeeg sadeen xabada nool waxaan hal kaas ku naf waaayay wiil dhalinyara ah. ..........Kala soco Dillapress.com warar kii ugu dambeeyay........... Last Updated on Sunday, 12 July 2009 15:59 Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted July 12, 2009 No one will accept to get executed. The anger would be the same anywhere, if it happened on the other side you would have demos in Hargaysa and so on. Quote Share this post Link to post Share on other sites