Maaddeey Posted December 10, 2009 Shabelle: NAIROBI Halgamaagii ugu dambeeyay ee Ururkii Xornimo doonka ee SYL Cali Xasan (Cali Barduuro) ayaa habeenkii xalay ahaa ku geeriyooday Magaalada Nairobi ee xarunta wadanka Kenynya. Alle ha u naxariistee Waxaa habeenkii xalay ahaa Magaalada Nairobi ee xarunta wadanka Kenya ku geeriyooday Cali Xasan Cali (Cali Barduuro) oo ka mid ahaa Dhalinyaradii Ururka SYL oo ahaa Urur Taariiq weyn iyo sumcadba ku leh Soomaalida dhexdeeda marka laga hadlayo helitaanka xoriyadda. Alla ha u naxariistee Cali Barduuro ayaa waxaa uu qeyb weyn ku lahaa Aas aaskii Ururkii SYL waxaana uu ka mid ahaa dadkii sida weyn uga dhiidhin jiray Gumeystayaashii Ingiriiska iyo Talyaaniga oo kala xukumi jiray gobolada Waqooyi iyo kuwa Koofurta Soomaaliya. Cali Barduuro ayaa da’diisu waxaa ay ka badneyd 90 sano waxaana uu halgan dheer u soo galay isaga iyo saaxiibadiisii SYL sidii meel ay isugu keeni lahaayeen Umadda Soomaaliyeed taasoo gumeystuhu kala qeybiyay iyagoo ugu dambeyntiina ku guuleystay. Ka sakow halkangii xornimo doonka ee uu u soo galay Soomaaliya Cali Barduuro ayaa waxaa uu soo qabtay Xilal kala duwan oo uu ka mid ahaa Safiirnimo. Si kastaba ha ahaatee Cali Barduuro ayaa ahaa Halgamaagii ugu dambeeyay ee ka noolaa SYL waxaana Alla ha u naxariistee Cali Barduuro ku geeriyooday Magaalada Nairobi ee xarunta wadanka Kenya. Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya. Dhageeyso Wararka 1:30-duhurnimo Maalin waliba adigoo raacaya tilmaamaha Wabseydka. Quote Share this post Link to post Share on other sites
RedSea Posted December 10, 2009 Allaha wayn ha unaxariisto. Samir iyo Imaan ehelkiisa iyo qarabadiis. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Juje Posted December 10, 2009 Allah uu naxaristo....amiin! Quote Share this post Link to post Share on other sites
Liqaye Posted December 10, 2009 Another hero of 1943 dies with out having seen a peacefull somalia. Allah u naxaristo Quote Share this post Link to post Share on other sites
Gheelle.T Posted December 10, 2009 Alla ha u naxariisto Cali Vanduro. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Peace Action Posted December 10, 2009 Allaha u naxariisto, janadana haka waraabiyo, aamiin. Quote Share this post Link to post Share on other sites