Sign in to follow this  
SOO MAAL

26 Juun Dhalashadii SOMALI REPUBLIC(Jamhuuriyada Soomalida)

Recommended Posts

SOO MAAL   

26 Juun dhalashadii SOMALI REPUBLIC(jamhuriyada somalida)

Dhamaan waa salaaman tihiin salaan ka dib waxaan doonayaa inaan ummada soomaliyeed ugu hambalyeeyo maalinta qiimaha baddan ee:- 26 juun 1960 .taasoo ah maalintii ay dhalatey Jamhuuriyada soomalida ama SOMALI REPUBLIC

 

 

26 juun 1960 waa maalintii ay dhalatey SOMALI REPUBLIC astaandeeduna aheyd calanka buluuga ee xidigta cad dhexda ay uga taal.. waxaad moodaa in dad baddan aan aqoon u laheeyn taariikhda ayna ka been sheegaan maalintaa 26 juun 1960.

 

Gumeystayaashii talyaaniga iyo ingriiska ayaa waxay dhulka soomalida ay degto u kala qeybiyeen waxii la oran jirey qaasatan afka ingriisiga (ITALIAN-SOMALILAND) iyo( BRITISH-SOMALILAND).

 

Haddaba magacyadaa afka qalaad ah ee ay bixiyeen ingriis iyo talyaaniga waxaa dhacda marar baddan inay reer waqooyiga galbeed, dadka soomalida ee u dhashey degmooyinka waqooyi galbeed ee hargeysa iyo burco ay taariikhda ka been sheegaan ayna ku andocaadaan inay 26 juun 1960 ay tahay maalintii ay dhalatey waxa ay ugu yeeraan soomaali+land,

 

Suaasha la is weydiin karo waxa ay tahay maalintaa 26 JUUN 1960 jamhuuriyadii dhalatey magacii ay laheeyd iyo calankeedii sidee ayuu ahaa??

 

suaashaa jawaabteeda inta aanan ka jawaabin waxaan doonayaa taariikh yar oo kooban inaad inaan halkan ka sheego,

 

Waxaa jirta afrikada madoow wadankii ugu horeeyey ee xuriyada ka qaata ee ka qaata gumeystayaashii reer yurub wuxuu ahaa wadanka loo yaqaan GHANA,,

 

gumeystihii ingriisku wuxuu ugu yeeri jirey wadankaa GHANA magac uu ingriisku baxsadey kaasoo ahaa GOLDEN COAST

 

1957 markii ay GHANA xurayada qaadatey habeenkii calanka jamhuuriyada cusub ee GHANA LA SURAYEY ayaa waxaa dhashey magac cusub kaasoo ah GHANA, shacabka reer ghana AY AASEEN GUMEYSITIHII ingriiska iyo magaciisii u dhulkooda ula baxay kaasoo ahaa GOLDEN CAOST

 

Madaxweynihii ugu horeeyey dalkaa kuwame nakuruma ayaa waxa uu ku dhawaaqey magacaa cusub GHANA kasoo ahaa

 

markii ugu horeeysay ee ay dadku dhagahooda ay maqleen magaca GHANA, markii uu kawane nakaruma uu dajinayey calankii gumeysataha britian isla markaana saarayey calankii jamhuuriyadaa cusub ayuu ku dhawaaqey kalmada GHANA Taasoo aheeyd inuu dhashey wadan la yiraah GHANA , isla markaana la aasey magaciii ingriiska ee golden coast.

 

.taariikhdaa gaaban ujeedada aan ka leeyahay waa 26 juun 1960 waa habeenkii la aasey god dheer inta loo qodey lagu tuurey magacii INGRIISKA uu lahaa ee ahaa SOOMALI+LAND waa habeenkii ay dhalatey magac soomaali ah kaasoo dadka soomalida ay baxsadeen magacaa wuxuu ahaa JAMHUURIYADA SOMALIDA AMA SOMALI REPUBLIC astaanteeda lagu gartana ay aheeyd CALANKII BULUUGA EE XIDIGTA CAD DHEXDA UGA TAALEY.

 

 

Haddaba habeenkii 26 juun 1960 jamhuuriyadii dhalatey magaceedu wuxuu ahaa SOOMALI REPUBLIC ama jamhuuriyada SOOMALIDA, waana taariikh ka been sheegid, been abuur, dadka yiraahda waxaa dhashey maalintaa waxa ay reer hargeysa burco ugu yeeraan SOOMALI+LAND laakiin sida taariikhda ku cad 26 juun waa habeenkii la aasey magacii somali+land

 

dhalashadii jamhuuriyada soomaalida..

 

 

Waxaa wax lala yaaba ah in reer waqooyi galbeed wixii ka danbeeyey 1991 ay badalaan tariikhda kuna andocaadaan inay dhalatey habeenkaa wax la yiraahdo SOMALI+LAND

 

26 JUUN sida taariikhda ku cad waa habeenkii la aasey kalmadaa af ingriisiga aheeyd SOMALI+LAND waa sidii loo aasey GOLDEN COAST, WAA HABEENKII AY DHALATEY SOMALI REPUBLIC .ama jamhuuriyada SOOMALIDA.

 

 

Haddii uu maanta dhasho ama uu xuriyadiisa qaato wadan cusub waxaa uu yeeshaa astaan , waxaan ula jeedaa CALAN isaga u gaar ah. haddana waxaa kuu cadeyneysa calanka buluuga ee laga suray waqooyi 26 juun 1960 wuxuu ahaa calan ay sameeyeen

 

reer koonfureed xisbigii SYL 12 oktoobar 1954 ayeyna aheeyd tariikhdii xamar laga surey xukunkii daaqligi ahaa.

 

dawladii uu raiisal wasaare ka ahaa abdulahi ciise axmed alla yaa raxma xarumaha dawlada waxaa ka wada surnaa calankaa buluuga kaasoo ahaa mid sidiisaba ay sameeyeen reer koonfureed.

 

waa iga su`aal ah 26 juun 1960 hadii ay dhalatey wax la yiraahdo somali+land oo wadan gaar ah uu dhashey maxaa keenay calan ka surnaa mogadishu ee ay reer koonfureed sameeysteen in halkaa laga suro maalintii uu wadankaa xuriyadiisa qaadanayey,

 

wadan gaar ah waxaa lagu gartaa calan isaga u gaar ah???

 

 

jawaabta suaashaa ayaa cadeyneysa dhalashada 26 JUUN 1960 somali republic

 

WHIT THE BLUE FLAG taasoo QEYBTII somali republick ka maqneeyd ay iyaduna gumeystuhu ka kacey 4 maalmood ka dib 1 july sidaana ay kaamil ku noqotey jamhuuriyada soomalida.

 

 

Haddaba dhalashadii SOMALI REPUBLICK EE ASTAANTA U AHAA CALANKA BULUUGA IYO AASKII LA AASEY MAGACII INGRIISKA EE AHAA SOMALI+LAND 26 juun 1960 waa maalin xusid ka mudan iyo maamuus dhamaan umadda somaliyeed waqooyi koonfur . maalintaa qiimaha baddan ma aha kaliya in laga xuso maagaalooyinka waqooyiga somaliya oo kaliya sida buuhoodle laascanood laasqorey iyo xitaa kuwa sida qaldan u xusa ee hargeysa iyo burco, waa in laga xusaa dhamaan dhulka soomaliyeed koonfur iyo waqooyi waayo waa maalintii calanka buluuga waa maalintii dhalashada jamhuuriyada SOOMAALIDA.

 

HAMBALYO DHAMAAN UMADDA SOOMALIDA EE AAN MAGAC INGRIIS AH WADAN HAMBALYO SOOMAALI.

Share this post


Link to post
Share on other sites
SOO MAAL   

26 JUUN sida taariikhda ku cad waa habeenkii la aasey kalmadaa af ingriisiga aheeyd SOMALI+LAND waa sidii loo aasey GOLDEN COAST, WAA HABEENKII AY DHALATEY SOMALI REPUBLIC .ama jamhuuriyada SOOMALIDA.

 

 

Haddii uu maanta dhasho ama uu xuriyadiisa qaato wadan cusub waxaa uu yeeshaa astaan , waxaan ula jeedaa CALAN isaga u gaar ah. haddana waxaa kuu cadeyneysa calanka buluuga ee laga suray waqooyi 26 juun 1960 wuxuu ahaa calan ay sameeyeen

 

reer koonfureed xisbigii SYL 12 oktoobar 1954 ayeyna aheeyd tariikhdii xamar laga surey xukunkii daaqligi ahaa.

 

dawladii uu raiisal wasaare ka ahaa abdulahi ciise axmed alla yaa raxma xarumaha dawlada waxaa ka wada surnaa calankaa buluuga kaasoo ahaa mid sidiisaba ay sameeyeen reer koonfureed.

 

waa iga su`aal ah 26 juun 1960 hadii ay dhalatey wax la yiraahdo somali+land oo wadan gaar ah uu dhashey maxaa keenay calan ka surnaa mogadishu ee ay reer koonfureed sameeysteen in halkaa laga suro maalintii uu wadankaa xuriyadiisa qaadanayey,

 

wadan gaar ah waxaa lagu gartaa calan isaga u gaar ah???

Allow umada xaqa waafaji runtana tus,

 

 

Haddaba dhalashadii SOMALI REPUBLICK EE ASTAANTA U AHAA CALANKA BULUUGA IYO AASKII LA AASEY MAGACII INGRIISKA EE AHAA SOMALI+LAND 26 juun 1960 waa maalin xusid ka mudan iyo maamuus dhamaan umadda somaliyeed waqooyi koonfur . maalintaa qiimaha baddan ma aha kaliya in laga xuso maagaalooyinka waqooyiga somaliya oo kaliya sida buuhoodle laascanood laasqorey iyo xitaa kuwa sida qaldan u xusa ee hargeysa iyo burco, waa in laga xusaa dhamaan dhulka soomaliyeed koonfur iyo waqooyi waayo waa maalintii calanka buluuga waa maalintii dhalashada jamhuuriyada SOOMAALIDA.

 

26 Juun waa maalin qiima weyn ugu fadhida dhamaan umada soomaaliyeed sida 1 July , waa labo maalmood ey gobolo soomaaliyeed qaateen xoriyada, 1 july waxey dheertahay maalinta 26 Juun ineey tahay maalintii midnimada iyo Jamhuuriyada Soomaaliyeed

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this