Dhuujiye Posted September 13, 2009 Sunday 13 Sep 2009 SMC Waxaa aad cajiib u ah in arin soomaali leedahay hadba dal lala aado, iyada oo soomaaliya gudaheeda wixii shir ah ama tababaro ciidameed ah lagu qaban karo. Tusaale Gobolada ay nabadu ka jirto ee Puntlland iyo Somaliland maxaa u diiday in shirarka lala aado ?, ama Ciidamada Dowlada Federaalka ah loo tababarayo la geeyo ?. maxayse Jabuuti iyo Kenya iyo labadaa Gobol ee aan magacaabay ku kala duwanyihiin, nabad galyo ahaan. Marka aan dib ugu soo noqdo Jabuuti, Kenya, Somaliland iyo Puntland waxaa 100% nabadgalayo badan somaliland iyo Puntlanda, waxaa xaqiiqa ah in aad habeen barkii labadaas gobol ku lugayn karto oo aanay cidi saas kuu eegayn, Waxaa xaqiiq ah oo la wada ogyahay in aanay ka dhicin fowdo dagaal, dhac iyo boob hantiyeed, iyo waxyeelo loogaysto ganacsato ama shicib toona, dadkuna ay danahooda raacdaan, nabadgalyadana wadajir u wada ilaaliyaan. Maxay tahay ujeedada ka danbaysa ee Hoteelada qaaliga ah ee Kenya iyo Jabuuti xildhibaanada DFKG iyo kooxaha leh arimaha soomaaliyaan ka hadlaynaa intii somaliya dowlada loo sameeyay loogu kharaj garaynayo?. Miyaanay tusaale ugu filanayn shirkii Beelaha Soomaaliyeed loogu qabtay Magaalada Muqdisho oo waliba xaaladeeda amaan ay aad u xumayd, dagaalo aan kala joogsi lahayn iyo hanjabaadyo loogu caga juglaynayo cid walba oo shirka ka qabygasha lagu hayay?. Maxamy tahay Ciidanka Jabuuti ay ku deeqi karto oo soomaaliya laga waayay?. Waxaan filayaa inay furantahay su'aalo badan oo u baahan in la iswaydiiyo jawaabaheeda in la helo, Maamulada Nabadu ay ka jirto waa inay Dowlada Federaalka ah kula xisaabtamaan hoos u dhigida ay ku hayso marka laga hadlayo amniga Dalka, oo ay dalkii oo dhan ka dhigtay sida Koonfurta soomaaliya ay tahay oo kale. Quote Share this post Link to post Share on other sites