Sign in to follow this  
Dhuujiye

Ciidamada loo tababarayo DFKG iyo shirarka looga hadlayo arimaha soomaliya waa inay s

Recommended Posts

Dhuujiye   

Sunday 13 Sep 2009 SMC

 

Waxaa aad cajiib u ah in arin soomaali leedahay hadba dal lala aado, iyada oo soomaaliya gudaheeda wixii shir ah ama tababaro ciidameed ah lagu qaban karo.

 

Tusaale Gobolada ay nabadu ka jirto ee Puntlland iyo Somaliland maxaa u diiday in shirarka lala aado ?, ama Ciidamada Dowlada Federaalka ah loo tababarayo la geeyo ?. maxayse Jabuuti iyo Kenya iyo labadaa Gobol ee aan magacaabay ku kala duwanyihiin, nabad galyo ahaan.

 

Marka aan dib ugu soo noqdo Jabuuti, Kenya, Somaliland iyo Puntland waxaa 100% nabadgalayo badan somaliland iyo Puntlanda, waxaa xaqiiqa ah in aad habeen barkii labadaas gobol ku lugayn karto oo aanay cidi saas kuu eegayn,

 

Waxaa xaqiiq ah oo la wada ogyahay in aanay ka dhicin fowdo dagaal, dhac iyo boob hantiyeed, iyo waxyeelo loogaysto ganacsato ama shicib toona, dadkuna ay danahooda raacdaan, nabadgalyadana wadajir u wada ilaaliyaan.

 

Maxay tahay ujeedada ka danbaysa ee Hoteelada qaaliga ah ee Kenya iyo Jabuuti xildhibaanada DFKG iyo kooxaha leh arimaha soomaaliyaan ka hadlaynaa intii somaliya dowlada loo sameeyay loogu kharaj garaynayo?.

 

Miyaanay tusaale ugu filanayn shirkii Beelaha Soomaaliyeed loogu qabtay Magaalada Muqdisho oo waliba xaaladeeda amaan ay aad u xumayd, dagaalo aan kala joogsi lahayn iyo hanjabaadyo loogu caga juglaynayo cid walba oo shirka ka qabygasha lagu hayay?.

 

Maxamy tahay Ciidanka Jabuuti ay ku deeqi karto oo soomaaliya laga waayay?.

 

Waxaan filayaa inay furantahay su'aalo badan oo u baahan in la iswaydiiyo jawaabaheeda in la

helo, Maamulada Nabadu ay ka jirto waa inay Dowlada Federaalka ah kula xisaabtamaan hoos u dhigida ay ku hayso marka laga hadlayo amniga Dalka, oo ay dalkii oo dhan ka dhigtay sida Koonfurta soomaaliya ay tahay oo kale.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this