Cowke Posted February 27, 2010 Xaggee marayaa dhismihii Markazka Al-xikma ee dacwada iyo tacliinta ee magaalada Gaalkacyo.( Posted to the Web Feb 27, 11:50 Gaalkacyo:Dhamaan Walaalaha Kheyrka Jecel ee Soomaaliyeed sida aad la wada socoteenba waxaa socday dhismaha Markazka dacwada iyo tacliinta ee magaalada Gaalkacyo waxaana la dhagax dhigay 15/6/2009,Qorshuhu markaas wuxuu ahaa inuu dhamaado dhamaadka sanadkii ina dhaafay ee 2009-ka. Halkaan ka Daawo sawirada Markazka Dib u dhacaas waxaa sabab u ahaa waxay shaqadu istaagtay intii u dhexeysay bilihii Sebtember ilaa December codsi ka yimid walaalaha alxikma ee shaqada qaybta ka ahaa awgiis kadibna shaqadiisii dib bay u bilaabatay wuxuuna ku dhaw yahay dhamaad sida aad sawirada ka aragtaan. Waxaa xusid mudan in lagu qaymeeyey dhismihiisa 120,000$ dib u habayn lagu sameeyey naqshada oo dhismaha qaybo muhiima oo sinaba aan looga maarmin lagu daray ayaa kharashkii waxaa ku kordhay 10,000 $,Shirkada dhismaha wada waxaa u haray lacag dhan 52.500$. Hadaba dhamaan walaalaha khayrka jecel waxaan ugu baaqaynaa dal iyo dibadba inay ka qayb qaataan Dhismaha Markazka dacwada iyo tacliinta ee magaalada Gaalkacyo. Waxaa Mahad gaar ah ay u soo jeedinayaan howl-wadeenada gacanta ku haya dhismaha Markazka dacwada iyo tacliinta ee magaalada Gaalkacyo Walaalaha Al-xikma oo gacan weyn ka geystay hirgelinta Markazkaan waxaan Alle uga baryeynaa in Alle ka abaalmariyo dadaalkooda. abuu c/laahi abuu c/laahi awdheeli@hotmail.com Halgan.net Quote Share this post Link to post Share on other sites