Sign in to follow this  
General Duke

Mogadishu: security guards Police kill 17 Al Shabaab attackers

Recommended Posts

Muqdisho: Ilaalada Guddoomiyaha degmada Wada Jir oo saakay dilay 17 kooxaha ka soo horjeeda Dowladda oo soo weeraray gudiga Guddoomiyaha

21. November 2008

 

Muqdisho(AllPuntland)-Saakay aroornimadii hore ayaa kooxaha ka soo horjeeda Dowladda KMG ay weerar xoogan ku qaadeen guriga Guddoomiyaha degmada Wada Jir Axmed Xasan Caddow oo ku magac dheer Axmed Daaci, waxaana weerarkaasi kooxihii soo qaaday looga dilay 17 qof.

 

Wariyeyaal booqday guriga Guddoomiyaha iyo dadka deegaanka ayaa APL u sheegay in ay arkeen meydadka 17 ka tirsan kuwii weerarka soo qaaday iyo hubkooda, waxaana jira dhaawacyo kale oo ay la baxsadeen, sidoo kale ilaalada guriga Guddoomiyaha ayaa khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta ay soo gaartay.

 

Axmed Daaci oo Warfidiyeenada la hadlayey saakay ayaa sheegay in ay jab xoogan u geysteen kooxaha weerarka ku soo qaaday gurigiisa isla markaana waxaa uu tilmaamay in tiro yar ay ka baxsatay dagaalkaasi oo ahaa mid kululaa.

 

Dhanka kale waxaa xalay kooxaha ka soo horjeeda dowladda ay weerareen Xabsiga Dhexe ee magaalada Muqdisho iyo Hotel Madiina oo ku wada yaal degmada Xamar Jajab ee Gobolka Banaadir, waxaana weerarkaasi markiisii hore uu ahaa mid ku bilowday Bam gacmeed lagu tuuray Xabsiga iyo Hotel Madiina, waxaana markii danbe bilowday rasaas xoogan oo ciidamada iyo kooxaha kale ee weerarka soo qaaday ay ridayeen.

 

Lama oga khasaaraha rasmiga ah ee weerarkaasi xalay dhacay, mana jiraan wax khasaare kale ah oo soo gaaray xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho oo weerarka lagu soo qaaday.

 

Kooxaha falalka amaan daro ka wada magaalada Muqdisho ayaa saacadihii u danbeeyay waxaa ay dardar geliyeen weerarada ay la beegsanayaan xarumaha ay degan yihiin ciidamada Dowladda, kuwa Itoobiya iyo xarumaha ay degan yihiin mas'uuliyiinta degmooyinka Banaadir.

 

AllPuntland, Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Taliska Booliska oo sheegay in ay dileen 17-ka mid ah kooxo weerar ku soo qaaday hoyga Gudoomiyaha Wadajir

 

Shir jaraa'id oo ay si wada jir ah ugu qabteen magaalada Muqdisho Gudoomiyaha degmada Wadajir Axmed Daaci iyo afhayeenka ciidanka Booliska C/llaahi Xasan Bariise ayaa waxaa ay kusoo bandhigeen meydadka rag ay ku sheegeen in ay ku dileen dagaal saaka ka dhacay dgemada Wadajir ee magaalada Muqdisho.

 

Gudoomiyaha degmada Wadajir Axmed Xasan Cadoow (Daaci) ayaa sheegay in ragani ay ka wada tirsan yihiin kooxaha kala ah Alshabaab, Jabhada Islaamiga iyo kooxda Raaskambooni sida uu hadalka u dhigay, isaga oo tibaaxay in taasi ay ku xaqiijin karaan kooxahaasi oo iyaga la soo xiriiray isla markaana weydiistay meydadka sida uu hadalka u dhigay.

 

"Waxaan heynaa telefoonadooda waxaan ognahay halka ay ka yimaadeen waxaana jira dad nala soo xiriiray"ayuu yiri Axmed Daaci.

 

Afhayeenka Booliska Dowladda Federaalka C/llaahi Xasan Bariise oo isna qeyb ka ahaa shirka jaraa'id ee ay ku qabteen magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ay awalba ka war hayeen kooxaha weerarka ku soo qaaday halka ay ka imaanayaan, taasina ay u sahashay in ay ka guuleystaan.

 

"Ciidamada Booliska heegan ay ku jireen weyna ogaayeen in dagaal uu ku soo wajahan yahay, markii ay rasaasta ay ka bilaabatay guriga Axmed Daaci ayaa waxaa gurmad uu kaga yimid saldhiga booliska ee degmada Wadajir halkaas oo ay ku sugnaayeen ciidamo Boolis ah waxaana ay ku sameeyeen qoladi wax soo weerartay dhabar jibin"ayuu yiri C/llaahi Xasan Bariise.

 

Afhayeenka Booliska C/llaahi Xasan Bariise ayaa tilmaamay in ay qabteen ilaa iyo 25 dhalinyaro balse ay sii daayeen markii ay ku waayeen wax hub ah sida uu sheegtay, waxaana uu intaasi raaciyey in aysan dagaallo iyaga qaadi doonin si ay u ixrtiraamaan heshiiskii dalka Jabuuti sida uu sheegay.

 

Ma jiraan war madax banaan oo si rasmi ah u xaqiijin kara in dadka dhintay ay yihiin kooxihii dagaalamay, mana jiraan cid sheegatay ilaa iyo iminka dagaaladii saaka ka dhacay degmooyinka Wadajir iyo Dharkeenley ee magaalada Muqdisho

 

Waa tiradii ugu badneyd oo meydad ah oo ay ciidamada Booliska Dowladda usoo bandhigaan saxaafada kuwaas oo ay ku sheegeen in ay yihiin xoogaga hubeysan ee kasoo horjeeda Dowladda Federaalka

 

Hooyga wararka Somaliyed

Jowhar.com & Jowharnews.com

Jowharcom@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dagaal ka dhacay Muqdisho

21 Nov 21, 2008 - 3:46:57 AM

 

Ugu yaraan 15-ruux oo dhamaantood ah mucaaradka ahaa ayaa ku dhintay 6-kalena way ku dhaawacmeen dagaal qaraar oo aroornimadii hore ee maanta ka dhacay degmada Wadajir ee Muqdisho.

 

Dagaalkaas ayaa si lama filaan ku bilwoday saakay 5:30-aroornimo kaasoo lagu qaaday guriga gudoomiyaha Wadajir Axmed Xasan Cadoow [Daaci], wuxuuna gudoomiyuhu sheegay inay ka guulaysteen kooxdaas.

 

"Waxaan arkay maydadka 17-ruux oo ka mid ah kooxidii nasoo weerartay, qoryahoodiina gacanta ayaan ku hayaan, waana ka guulaysanay" ayuu yiri Axmed Daaci oo intaas ku daray:

 

"Kooxaha nasoo weeraray waxay isugu jireen Al-shabaab iyo Jahad cusub, dhankeenana waxaa na gaaray dhaawacyo dhowr askair oo keliya keliya, dhimashana ma jirto".

 

Dadka xog-ogaal ah ayaa sheegay inay arkeen maydadka 15-ruux oo ka mid ah kooxihii weerarka qaaday, kuwaasoo lagu hayo meel ku dhow guriga gudoomiyaha degmada Wadajir.

 

"Maydad gaaraya 15-qof ayaa indhahayga ku arkay, waxaana sawiro iyo filimaan ka qaaday saxaafada, xaaladuna waa mid caadi ah mana jiraan wax dagaalo ah" ayay tiri Qadiijo Cumar oo ka mid ah dadka deegaanka uu dagaalku ka dhacay.

 

Kooxihii weerarka ka dambeeyay ma jiraan wax hadal ah oo ay kasoo saareen dagaalkii ay saakay ku qaadeen guriga gudoomiyaha degmada Wadjir Axmed Daaci, mana jirto cid weli sheegtay inay dagaalkaas ka dambeysay.

 

Garowe Online, Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Weerar Saakay aroortii lagu qaaday Hoyga Axmed Daaci ee Degmada Madiina.

 

Friday, 21 November 2008 06:13 BXM

Waxaa saakay salaaddii Subax kadib weerar xoogan lagu qaaday Hoyga Degmada Madiina uu ka degan yahay Axmed Xasan Caddow (Axmed Daaci) oo kuyaalla Degmada Madiina ee Gobolkan Banaadir.

 

Weerarka ayuu sheegay Axmed Daaci oo warbaahinta la hadlay in ay kusoo qaadeen Alshabaab iyo Jabhadda Islaamiga lakin waxa uu xaqiijiyay in uu ka laayay illaa 17-kamid ah xoogagaasi weerarka kusoo qaaday.

 

Wax khasaare ah oo dhankiisa soo gaaray ma uusan sheegin hayeeshee weerarka ayuu sheegay in uu socday kudhawaad 2-saacadood isla markaasina uu aad u cuslaa.

 

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in meydadka saakay ay yaallaan wadada Degmada Madiina kuwaasi oo uu ka muuqdo Buushashkii ay kusoo weerartageen iyaga oo u badan dagaalyahanno dhalinyaro ah.

 

Wararka qaar ayaa sheegaya in meydadka Dagaalyahanka qaarkood iyaga oo dhaawac ah la dhameystirayay waxaana sidaasi ku kacay Maleeshiyada Axmed Daaci.

 

Majirto cid sheegatay weerarkii maanta marka laga reebo Axmed Daaci oo sheegtay in ay soo weerareen labadaasi kooxood waxaana uu noqonayaa markii ugu horeysay oo la weeraro Axmed Daaci oo uu sheegto in uu laayay Tiro intaasi la eg.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Boliska deg. Wadajir oo dilay 17-maleeshiyo oo ka tirsan Al-Shabaab

 

Muqdisho, Somaliya (Calanka.com) 21-November-08

 

Ciidamada booliska degmada wada jir ayaa waxa ey maanta dileen 17-maleeshiyo oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab, kuwaasoo weerar kusoo qaaday guri uu daganaa gudoomiyaha degmadaasi Axmed Xasan Cadow (Axmed Daaci), sida uu inoo xaqiijiyay mid ka mid ah saraakiisha ciidamada boliska Wadajir.

 

Dagaalkan lagu dilay maanta maleeshiyaadkan ayaa ahaa mid qaraar, waxaana bilowgii dagaalkani uu dhexmaray ilaalada gudoomiyaha iyadoo ey gadaal kaga soo biireen ciidamada booliska degmadaasi kuwaasoo dhabarka kaga yimid kooxihii weerarka soo qaaday islamarkaana goobta ku laayay.

 

Sarkaal ka tirsan ciidankii maanta dagaalkaasi ka qeyb qaatay oo shabakadda Calanka ugu waramayay khadka taleefanka ayaa sheegay in kooxihii weerarka soo qaaday uusan hal ka baxsan islamarkaana ey goobtaasi ku dileen 17- ka mid ah halka laba kale oo dhaawac ahna ey gacanta ku dhigeen.

 

Dagaalkan oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa ahaa mid qorsheysnaa oo ey boolisku ka warhayeen, sida uu inoo xaqiijiyay salkaankan eynu la xiriirnay, waxaana uu socday ku dhawaad 1:20-miriri.

 

Dhanka booliska ayaa waxaa ku dhaawacmay sida uu inoo xaqiijiyay salkaalka 3 ka mid ah ciidamada booliska kuwaasoo iminka lagu daweynayo cusbitaalka Madiina.

 

Si kastaba ha ahaatee dhowr jeer ayaa waxa ey isku dayeen in ey weeraraan kooxaha kasoo horjeeda dowladda gudiga gudoomiyaha degmadaadi Axmed Daaci, waxaana inta badan jab kasoo gaaray weeraradaasi kooxaha soo qaaday werarka.

 

Dadka deegaanka iyo saxaafadda ayaa loo fasaxay in ey usoo daawasho tagaan maleeshiyaadka maanta ey dileen ciidamada booliska.

 

Dhacdadii ugu dambeysay oo iyana lagu dilay ku dhawaad 15-maleeshiyo ayaa dhacday xilli sii horeysay oo ey kooxo hoobiyayaal ku tuurayay garoonka diyaaradaha uu dagaal ku qabsaday degmada wada jir gaar ahaan agagaarka xalane.

 

Maamulka degmada Wadajir ayaa dhowrjeer oo hore lagu amaanay sida feejigan ee ey isaga difaacaan kooxaha dowladda kasoo horjeeda ee soo weerara, mana ahan markii ugu horeysay oo cashar sidaan oo kale ah loo dhigo kooxahan.

 

Calanka.com: - Isha wararka xaqiiqda

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Duke last week xaggee jirtey you did not cut and paste any link?

 

When ay C/llaahi ku taagan tahay you disappear...lol

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^lool adeer you must mistake me for some else, was it not last week me and another fellow had a great discourse.

 

Anyhow I did notice you at all, persona non grata or so the Italians say. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this