Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Cali Khaliif Gallaydh for Somaliland Presidency ???

Recommended Posts

Cali Khalif Galaydh oo u sharaxan Jagada Madaxweynaha Somaliland.

 

 

 

Minneapolis, USA (Djiboutination) – Warar lagu kalsoon yahay ayaa waxay tibaaxayaan in Prof. Cali Khalif Galaydh uu dhowaan tegi doono Somaliland si uu uga qaybqaato siyaasadda dalkaas. Iyadoo la filayo inuu marka hore isu taago jagada madaxweynanimada. Inkastoo ay dadka qaar leeyihiin waxa u si fudu ku heli karaa jagada kale ee madaxweyne ku xigeenka.

 

Prof. Cali Galaydh oo hadda ka hor ka qaybgalay tartankii xulasdada madaxweynaha Somaldiland ee sannadkii 1993-kii ee lagu qabtay Magaalada Borame ayaa la sheegayaa inaanu marnaba ka madhnayn ka qaybgalka siyaasadda Soimaliland.

 

Prof. Cali Galaydh oo ka mid ahaa dadkii Somaliland aasaaskeeda goobjoogga ahaa, ayaa wuxuu hore u soo noqday Ra’iisal Wasaaraha dawladdii Carta ee Djibouti lagu soo dhisay. Isagoo had iyo jeer ka fogaan jiray aflagaadaynta iyo waxyeelidda Somaliland.

 

Sido kale Cali Galaydh wuxuu kaloo ka mid ahaa dadkii ugu horreeyey Somaliland maalgashaday isagoo wax ku lahaa shirkadaha isgaadhsiinta mid ka mid ah. Waxana la sheegay inuu gacan saar xoog leh la leeyahay madaxda Somaliland ee mucaarid iyo muxaafidba leh.

 

Prof. Cali Galaydh oo muddoba degganaa gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka ayaa waxa la hadal hayaa siduu uu siyaasadda mar dabme ugu soo noqon lahaa isagoo markii horena aaminsanaa in la sameeyo laba dal oo federal ah oo Soomaaliyeed. Isagoo lagu tilmaamo dadka ay ku hadhay fikraddii Somailalayn ama reer waqooyinada ee dhaqanka lahayd.

 

Haddaba waxa la isweydiinayaa Prof. Cali Khalif Galaydh ma wuxuu ku biiri doonaa xisbiga talada haya ee UDUB mise xisbiyada mucaaridka ah? Inkastoo carrabka loo badinayo inuu u janjeedhio dhinaca xisbiga culus ee Kulmiye.

 

 

 

Djiboutination

 

Minneapolis, MN USA

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this