Sign in to follow this  
General Duke

Badioa erupts into celebration as Sheikh Adan Madobe wins.

Recommended Posts

Sheekh Aadan Madoobe oo ku guuleeystay xilka Afhayeenimo ee Baarlamanka Somalia

 

Baydhabo 31, Jan.07 ( Sh.M.Network) Xilka Afhayeenimo ee Baarlamanka Somalia ayaa waxaa ku guuleeystay Sheekh Aadan max'ed Nuur Sheekh Aadan Madoobe, ka dib markii uu helay cod dhan 153 wareegii 3aad oo uu kula loolamayay Mudane Ibraahim Kiish Buur.

 

Kulan Balaaran oo Baarlamanka Somalia maanta uu isugu yimid Magaalada Baydhabo, ayna soo xaadireen 213 mudane ayaa wareegii ugu dambeeyay oo ay isugu soo baxeen Sheekh Aadan Madoobe iyo Ibraahim Kiish Buur ayaa 153 cod waxaa ku guuleeystay Sheekh Aadan madoobe halka 54 codna uu helay Ibraahim Kiish Buur.

 

Natiijadii cod bixinta ayaa waxaa ku dhawaaqay Gudoomiye K/xigeenka 2aad ee Baarlamanka Somalia Cismaan Cilmi Boqorre oo shir Gudoominayay kulankii Maanta, isagoo xaqiijiyay in Sheekh Aadan madooobe uu ku guuleeystay jagadaasi, ka dib markii uu helay 153 cod, halka 54 na uu helay Kiish Buur, iyadoo 6 codna ay halowday sida uu sheegay Boqorre.

 

Gudoomiyaha Cusub ee Baarlamanka Somalia ee Maanta la doortay Sheekh Aadan Madoobe oo halkaasi hadalo ka jeediyay ayaa waxa uu u mahad celiyay intii dooratay iyo intii aan dooran, isagoo sheegay in uu ku faraxsan yahay in sida dimuqraadiyada leh ee loogu doortay jagada, isagoo tilmaamay in si cadaalad ah uu u gudan doono xilkiisa.

 

Sidoo kale Waxaa halkaasi ka hadlay Ibraahim Kiish Buur oo kula loolamayay Sheekh Adan Madoobe jagada Afhayeenimo ee Baarlamanka Somalia, waxaana uu ka sheegay halkaasi in uu ku faraxsan yahay isla markaana uu ku qanacsan yahay sida ay u dhacday doorashada.

 

Ilaa 10 Musharax ayaa isku soo taagay jagada Gudoomiye nimo ee Baarlamanka Somalia, iyadoo wareegii ugu dambeeyayna ay isugu soo baxeen Sheekh Aadan Madoobe Iyo Kiish Buur oo aakhirkiina uu ku guuleeystay Sheekh Aadan madoobe.

 

 

 

Sheekh Aadan madoobe ayaa Bishii August sanadkii 2004ta ku guul dareystay in uu noqdo Gudoomiyaha Baarlamanka markii uu loolan kula galay magaalada Nairobi Shariif Xasan Sheekh Aadan oo xilkii isna laga qaaday 17 kii bishaan markii lagu eedeeyay in uu u janjeersaday dhinaca maxkamadaha islaamka.

 

Laakiin Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa kal hore wareysi uu siiyay Shabelle waxa uu ku sheegay in uu qaadacsan yahay xilka qaadista lagu sameeyay, isagoo sheegay in uu yahay gudoomiyaha sharciga ah ee Baarlamanka Somalia.

 

Dhimaca kale Banaanbax lagu taageerayo Sheekh Aadan madoobe sida uu ugu guuleeystay Afhayeenimada Baarlamanka Somalia ayaa waxa uu ka dhacay magaalada Baydhabo, iyadoo boqolaal dad ah ay isugu soo baxeen wadooyinka magaalada Baydhabo.

 

C/casiis Sheekh Max'ed

 

Shabelle Media Network Baay

E-mail us: info@shabelle.net

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dhimaca kale Banaanbax lagu taageerayo Sheekh Aadan madoobe sida uu ugu guuleeystay Afhayeenimada Baarlamanka Somalia ayaa waxa uu ka dhacay magaalada Baydhabo, iyadoo boqolaal dad ah ay isugu soo baxeen wadooyinka magaalada Baydhabo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Banaanbax ka dhacey Baydhabo

 

31 Jan 31, 2007, 14:29

 

Banaanbax ballaaran oo lagu taageerayo Guddoomiyaha cusub ee Barlamanka ayaa gelinkii danbe ee maanta waxa uu ka dhacay magaalada Baydhabo ee gobolka Bay.

 

Bannaanbaxan oo ay isugu soo baxeen boqolaal dadweyne ah oo luxayey boorar iyo sawiro lagu soo daabacay muuqaalka Guddoomiyaha cusub,iyagoo ku dhawaaqayey erayo ay ku soo dhoweynayaan Sh. Aadan Madoobe.

 

Xildhibaanada baarlamaanka Federaalka KMG ah ee Soomaaliya ayaa maanta doortay Guddoomiyaha Baarlamaanka oo noqday Sh. Aadan Madoobe oo sida la rumeysan yahay haysta tageerada Madaxweyne Cabdulahi Yusuf.

 

Cali Muxayadiin Cali,GO

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dibad bax lagu taageerayay guddoomiyaha cusub ee baarlamaanka Soomaaliya oo galabta Baydhabo ka dhacay.

 

Dadweyne aad u farabadan ayaa galabta isugusoo baxay wadooyinka waaweyn ee magaalada Baydhabo si ay u mujiyaan tageerada ay u hayaan guddoomiyaha cusub ee baarlamaanka dalka Soomaliya ee lagudortay doorashadii manta ka dhacday magaalada Baydhabo ee xarunta ku meel gaarka ah ee Soomaaliya.

 

Dadweynaha bannaanbaxayay oo watay sawirrada guddomiyaha cusub ee baarlamanka dalka Somaliya ayaa ku dhawaqayay hal kudhigyo ay ka mid tahay ha noolaado guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Sh Adan madoobe hana ka guul gaaro hamigiisa siyasadeed iyo kalimado kale oo dhamaantoodba lagutaageerayay guddoomiyaha cusub ee baarlamaanka dalka Soomaliya.

 

banaanbaxan oo ahaa mid aan horay loosii qaban qaabin aya kusoo beegmay wax yar uun kladib markii guddoomiye ku xigaha labaad ee baarlamaanka dalka Soomaaliya Boqorre uu ku dhawaaqay in Sh Adan madobe uu ku guuleystay doorashdii maanta dhacday.

 

Sh Aadan madobe ayaa horay ku dhawaad laba sanadood iyobar ka hor waxaa uu ugu tartamay xilka guddoomiyenimada barlamanka Soomaliya,inkastoo xilligaa hamigiisii ku guul darreystay,iyadoo maanta wixii ka horreeyayna uu ahaa wasiirka caddaaladda ee dowladda federalka ee dalka Soomaaliya.

 

Waqtiyada inasoo aadan ayaa la filayaa in magaalada Baydhabo ay ka dhacdo munaasabadda dhaarinta iyo caleema saarka guddomiyaha cusub ee baarlamanka dalka Soomaaliya Sh Aadanm Maxamed Nuur Madoobe,iyadoo la filayoin munaasabadaasi ay kasoo qeyb galaan masuuliyin ajaanib ah.

 

Xafiiska warqabadka shabakadda wararka carmooyin.com ee Muqdisho.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Banaanbax lagu taageerayay Gudoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka oo maanta ka kala dhacay Magaalooyinka Beled Weyn iyo Buur Hakaba.

 

Banaan bax ballaaran oo lagu taageerayay Gudoomiyaha Cusub ee Golaha baarlamaanka Soomaaliyeed Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa maanta ka dhacday Magaalooyinka Beled Weyn iyo Buur Hakaba oo ka kala tirsan Gobolada Baay iyo Hiiraan.

 

Banaan baxii ka dhacay Magaalada Beled weyn ayaa waxa uu ahaa mid uu soo qaban qaabiyay Maamulka Gobolkaas iyo bulshada Rayidka, waxaana si buuxda lagu taageeray Gudoomiyaha Cusub ee Golaha baarlamaanka Soomaaliya.

 

Dadkii isugu soo baxay banaan baxaas oo sitay caleema qoyan iyo sawirada Gudoomiyaha Cusub, ayaa ku qeylinayay erayo taageero ah oo ay ku muujinayeen Doorashada Gudoomiyaha Cusub ee Golaha baarlamaanka Sheekh Aadan Madoobe.

 

Sidoo kale banaan bax tan la mid ah ayaa iyana maanta ka dhacday Magaalada Buur Hakaba oo 60km u jirta Magaalada Baydhabo oo ah xarunta Gobolka Baay.

 

Gudoomiyaha Magaalada Buur Hakaba Maxamed Cabdi Xasan Awkaarey oo ka hadlay isu soo baxa banaan baxaas, ayaa sheegay in ay aad usoo dhoweynayaan Gudoomiyaha Cusub ee Golaha Baarlamaanka.

 

Awkaarey ayaa sheegay in hadii ay yihiin dadka reer Buur hakaba ay aad u taageersan yihiin doorashada sida cadaalada u dhacday ee lagu doortay Sheekh Aadan Madoobe.

 

Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo loo doortay Gudoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka ayaa lagu wadaa in munaasabad lagu caleema saarayo ay ka dhacdo Magaalada baydhabo dhowaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this