Meiji Posted May 25, 2009 Maamulka Alshabaab ee ka arrimiya Baardheere iyo Marka oo mamnuucay cayaaraha Kubada Cagta. Maamulada Islaamiga ee ka taliya Degmooyinka Baardheere iyo Marka ee Gobolada Gedo iyo Shabellaha Hoose ayaa soo rogay amaro ah inaan la ciyaarin Karin Ciyaaraha Isboortiga noocyadiisa kala duwan, kaasoo ay ku tilmaameen kuwo macno daro ah. Maamulka Islaamiga ee ka taliya Degmada Baardheere ayaa soo rogay amaro ah in aan la ciyaari Karin Ciyaaraha Kubada Cagta, iyagoona awaamir arrintaas ku saabsan ay dul dhigeen dhalinyarada Isboortiga. Gudi uu Maamulka Islaamiga Degmada Baardheere u xil saaray inay go'aano ka qaataan cayaaraha Isboortiga ayaa sheegay in ciyaaraha Isboortiga ay u arkeen kuwo waqti badan ka luminaya dhalinyarada, sidaas darteedna ay mamnuuceen. Madaxa Gudiga oo lagu magacaabo Sheekh Bishaar ayaa waxaa uu sheegay inay ciyaaraha Isboortiga mamnuuceen kaddib markii ay ******** in uu ku lumayo mustaqbalka dhalinyarada Soomaaliyeed, wuxuuna ammarka ay ciyaaraha ku mamnuuceen uu u soo daliishaday dhowr qodob oo kala ah: In ay dayacantay Tacliintii Dhalinyarada. In ay jirto faragelin shisheeye oo caruurta maskaxdooda lagu qabsanayo iyadoo loo soo marayo ciyaaraha Isboortiga.In Cibaadadii lagu lahaa ay dayacantay sida Salaadaha Maqrib iyo Casir. Iyo qodobo kale. Sidoo kale Magaalada istiraatiijiga ah ee xeebta ku taal ee Marka ayaa iyana horay lagu soo rogay amaro ah inaan la ciyaari Karin Cayaaraha Isboortiga, iyadoona Ciidamada Alshabaab ay dageen Garoonkii Ciyaaraha ee Degmadaas. Dhalinyarada qaar ayaa sheegay in horay ay ka cabanayeen cayaaraha Kubada Cagta ee laga daawado caalamka, kaasoo daawashadiisa laga mamnuucay goobo badan oo ay ka taliyaan Ururka Alshabaab, waxaana tani ay noqoneysaa tallaabadii labaad ee lagu mamnuuca cayaarahii isboortiga oo dhaliyarada u ah mehrad iyo is dhex galka bulsho. Lama oga go'aanka uu ka qaadanayo xiriirada Isboorti ee dalkeena ka jira, iyadoona dalkeena uu ka mid ahaa dalalka Afrika ee caanka ku ahaa ciyaaraha Isboortiga sida Kubada Cagta, Orodada iyo kuwa kale. Hooyga wararka Somaliyed www.Jowhar.com Jowharcom@hotmail.co m Jowharcom@gmail.com Quote Share this post Link to post Share on other sites
Fabregas Posted May 25, 2009 Good move. Next they should ban the internet and force all men to wear green turbans and white thobes. Quote Share this post Link to post Share on other sites
wacdaraha_aduunka Posted May 25, 2009 Zeylaci sxb adi hadaa urge cambuur ku xiratid lihid dee iska xidho dadka haku khasbin fetishyadaa Quote Share this post Link to post Share on other sites
Fabregas Posted May 25, 2009 ^^WTH :confused: (i was being sarcastic). Quote Share this post Link to post Share on other sites
Meiji Posted May 25, 2009 ^^ You wouldnt be ''sarcastic'' if you was forbidden to do sports like the young Somali men in Baardheere and Merca. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Meiji Posted May 25, 2009 Maamulka Islaamiga ah ee Degmada Baardheere oo mamnuucay Ciyaaraha Isboortiga Isniin, May 25, 2009(HOL): Maamulka Islaamiga ah ee ka taliya Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa wuxuu mamnuucay ciyaaraaha kala duwan ee Isboortiga, kuwaasi oo uu maamulka ku tilmaamay kuwo macno darro ah. Shiikh Bishaar C/kariin oo ka mid ah Guddi uu maamulka Islaamiga ah ee Degmada Baardheere u xilsaaran in ay go’aanno ka soo saaraan Ciyaaraha Isboortiga ayaa sheegay in ciyaaraha Isboortiga ay u arkeen kuwo waqti badan ka luminaya dhalinyarada, sidaas darteedna ay mamnuuceen. Shiikh Bishaar waxaa uu sheegay in ay ciyaaraha Isboortiga mamnuuceen kaddib markii ay ******** in uu ku lumayo mustaqbalka dhalinyarada Soomaaliyeed, wuxuuna ammarka ay ciyaaraha ku mamnuuceen uu u soo daliishaday dhowr qodob oo kala ah: In ay dayacantay Tacliintii Dhalinyarada. In ay jirto faragelin shisheeye oo caruurta maskaxdooda lagu qabsanayo iyadoo loo soo marayo ciyaaraha Isboortiga. In Cibaadadii lagu lahaa ay dayacantay sida Salaadaha Maqrib iyo Casir. Iyo qodobo kale. Ammarkan ciyaaraha lagu mamnuucayo ee uu soo saaray Maamulka Islaamiga ah ee ka taliya Degmada Baardheere ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo maalintii 4aad ay degmadaas ka socoto burburinta qabuuro ay ku aasan yihiin dad sanado hore dhintay, kuwaasi oo uu maamulkaas sheegay in dadka ku aasan la kaalmo-weydiisan jiray. Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online sxiis@hiiraan.com Muqdisho, Soomaaliya Quote Share this post Link to post Share on other sites
Gheelle.T Posted May 25, 2009 Shiikh Bishaar waxaa uu sheegay in ay ciyaaraha Isboortiga mamnuuceen kaddib markii ay ******** in uu ku lumayo mustaqbalka dhalinyarada Soomaaliyeed, wuxuuna ammarka ay ciyaaraha ku mamnuuceen uu u soo daliishaday dhowr qodob oo kala ah: In ay dayacantay Tacliintii Dhalinyarada. In ay jirto faragelin shisheeye oo caruurta maskaxdooda lagu qabsanayo iyadoo loo soo marayo ciyaaraha Isboortiga. In Cibaadadii lagu lahaa ay dayacantay sida Salaadaha Maqrib iyo Casir. Iyo qodobo kale. Kuwa qoryaha ay ku rareen malaha wakhti kama lumo. Muu dhaho ciiddan baan rabnaa inaan ka dhigno...So much of winning hearts and minds eh.. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Sherban Shabeel Posted May 25, 2009 They want to ban sports so that more teenagers join their forces. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Dhubad. Posted May 25, 2009 Maamulka Islaamiga ah ee Baardhere oo taakule dhaqaale ku soo rogay ganacsatada iyo ciyaaraha oo la mamnuucay Kadib kulan ay xalay isugu yimaadeen saraakiisha maamulka islaamiga ee ka arimiya degmada Baardheere iyo waxgaradka degmada oo ka dhacay xarunta degmada ayaa waxaa looga hadlayay burburinta Qabuuraha,lacago taakulo ah oo deegaanka lagu soo rogay iyo ciyaaraha nuucyadeeda kala duwan oo laga mamnuucay deegaankaasi. Qodobadani oo ay maamulka islaamiga ee Baardheere horay ugu xil saareen culumaa’udiinka magaalada si ay u soo baaraan oo ay uga soo baaraan degaan waxa ay shareecada islaamka ka qabto ayaa waxaa ay gudiga culumaa’udiinka soo saareen go’aano la xiriira arintaasi. Gudigani oo uu hor kacayay gudoomiyaha degmada Baardheere C/wahab Xaashi ayaa waxaa ay gabi ahaanba ka mamnuuceen degmada Baardheere iyo deegaanada ku xeeran qeybaha kala duwan ee Ciyaaraha oo ay ku jiraan Sport -ga,oo ay ku sheegeen in asal ahaan uu ka yimid dhinaca Gaalada Waxaa ay sidoo kale culumaa’udiinka sheegeen in ay xaaran tahay in la qaadoa lacago Canshuuro ah iyadoo aan wax laga qaban xaalada Nabadgalyo iyo ammaan ee Baardheera kadibna waxaa ay ganacsaatada fareen in ay bixiyaan lacago taakulo ah oo wax looga qabanayo Ammaanka degmada Baardheere iyo deegaanada ku xeeran. Go’aanadani ay soo saareen maamulka islaamiga ee degmada Baardheere isla markaana ay ku dhawaaqeen culumaa’udiinka degmada ayaa waxaa ay ku soo aadayaan xili Maalintii 4-aad ay ka soconayaan degmada iyo deegaanada ku xeeran Burburinta Qabuuraha deegaanka waqti farabadan ku yaalay. http://www.gedotalk. com Quote Share this post Link to post Share on other sites
Meiji Posted May 25, 2009 The dictatorship signs are already visible: banning of sports. We should not support the advancement of such a dictatorial agenda of Alshabab. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted May 25, 2009 They never learn .......... never Quote Share this post Link to post Share on other sites
Dhubad. Posted May 25, 2009 These kids are having fun....I don't see why this bothers them? They never learn anything walee! Baardhere football team! Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted May 25, 2009 They want them to join their gangs and carry out suicide attacks deee ............ they don't want them to play but to die ,,,, Quote Share this post Link to post Share on other sites
IsseRiyole Posted May 25, 2009 But Why? is there a better thing to do beside gunning down innocnet ppl. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar Posted May 26, 2009 Dhubad, isbishaal jihaad ku qaad kuwaas. Your hometown ayee ku amartaagleynoyaan. Jameecadii Baardheere aawey yaaqeey, wax ka nool ma joogaan miyaa. Quote Share this post Link to post Share on other sites