Sign in to follow this  
Meiji

Alshabab: Bans Sports in Merca and Baardheere

Recommended Posts

Meiji   

Maamulka Alshabaab ee ka arrimiya Baardheere iyo Marka oo mamnuucay cayaaraha Kubada Cagta.

 

Maamulada Islaamiga ee ka taliya Degmooyinka Baardheere iyo Marka ee Gobolada Gedo iyo Shabellaha Hoose ayaa soo rogay amaro ah inaan la ciyaarin Karin Ciyaaraha Isboortiga noocyadiisa kala duwan, kaasoo ay ku tilmaameen kuwo macno daro ah.

 

Maamulka Islaamiga ee ka taliya Degmada Baardheere ayaa soo rogay amaro ah in aan la ciyaari Karin Ciyaaraha Kubada Cagta, iyagoona awaamir arrintaas ku saabsan ay dul dhigeen dhalinyarada Isboortiga.

 

Gudi uu Maamulka Islaamiga Degmada Baardheere u xil saaray inay go'aano ka qaataan cayaaraha Isboortiga ayaa sheegay in ciyaaraha Isboortiga ay u arkeen kuwo waqti badan ka luminaya dhalinyarada, sidaas darteedna ay mamnuuceen.

 

Madaxa Gudiga oo lagu magacaabo Sheekh Bishaar ayaa waxaa uu sheegay inay ciyaaraha Isboortiga mamnuuceen kaddib markii ay ******** in uu ku lumayo mustaqbalka dhalinyarada Soomaaliyeed, wuxuuna ammarka ay ciyaaraha ku mamnuuceen uu u soo daliishaday dhowr qodob oo kala ah:

 

In ay dayacantay Tacliintii Dhalinyarada.

In ay jirto faragelin shisheeye oo caruurta maskaxdooda lagu qabsanayo iyadoo loo soo marayo ciyaaraha Isboortiga.In Cibaadadii lagu lahaa ay dayacantay sida Salaadaha Maqrib iyo Casir.

Iyo qodobo kale.

 

 

 

Sidoo kale Magaalada istiraatiijiga ah ee xeebta ku taal ee Marka ayaa iyana horay lagu soo rogay amaro ah inaan la ciyaari Karin Cayaaraha Isboortiga, iyadoona Ciidamada Alshabaab ay dageen Garoonkii Ciyaaraha ee Degmadaas.

 

Dhalinyarada qaar ayaa sheegay in horay ay ka cabanayeen cayaaraha Kubada Cagta ee laga daawado caalamka, kaasoo daawashadiisa laga mamnuucay goobo badan oo ay ka taliyaan Ururka Alshabaab, waxaana tani ay noqoneysaa tallaabadii labaad ee lagu mamnuuca cayaarahii isboortiga oo dhaliyarada u ah mehrad iyo is dhex galka bulsho.

 

Lama oga go'aanka uu ka qaadanayo xiriirada Isboorti ee dalkeena ka jira, iyadoona dalkeena uu ka mid ahaa dalalka Afrika ee caanka ku ahaa ciyaaraha Isboortiga sida Kubada Cagta, Orodada iyo kuwa kale.

 

 

Hooyga wararka Somaliyed

www.Jowhar.com

Jowharcom@hotmail.co m

Jowharcom@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Meiji   

^^

 

You wouldnt be ''sarcastic'' if you was forbidden to do sports like the young Somali men in Baardheere and Merca.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Meiji   

Maamulka Islaamiga ah ee Degmada Baardheere oo mamnuucay Ciyaaraha Isboortiga

 

Isniin, May 25, 2009(HOL): Maamulka Islaamiga ah ee ka taliya Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa wuxuu mamnuucay ciyaaraaha kala duwan ee Isboortiga, kuwaasi oo uu maamulka ku tilmaamay kuwo macno darro ah.

 

Shiikh Bishaar C/kariin oo ka mid ah Guddi uu maamulka Islaamiga ah ee Degmada Baardheere u xilsaaran in ay go’aanno ka soo saaraan Ciyaaraha Isboortiga ayaa sheegay in ciyaaraha Isboortiga ay u arkeen kuwo waqti badan ka luminaya dhalinyarada, sidaas darteedna ay mamnuuceen.

 

Shiikh Bishaar waxaa uu sheegay in ay ciyaaraha Isboortiga mamnuuceen kaddib markii ay ******** in uu ku lumayo mustaqbalka dhalinyarada Soomaaliyeed, wuxuuna ammarka ay ciyaaraha ku mamnuuceen uu u soo daliishaday dhowr qodob oo kala ah:

 

In ay dayacantay Tacliintii Dhalinyarada.

In ay jirto faragelin shisheeye oo caruurta maskaxdooda lagu qabsanayo iyadoo loo soo marayo ciyaaraha Isboortiga.

In Cibaadadii lagu lahaa ay dayacantay sida Salaadaha Maqrib iyo Casir.

Iyo qodobo kale.

 

Ammarkan ciyaaraha lagu mamnuucayo ee uu soo saaray Maamulka Islaamiga ah ee ka taliya Degmada Baardheere ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo maalintii 4aad ay degmadaas ka socoto burburinta qabuuro ay ku aasan yihiin dad sanado hore dhintay, kuwaasi oo uu maamulkaas sheegay in dadka ku aasan la kaalmo-weydiisan jiray.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Muqdisho, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Shiikh Bishaar waxaa uu sheegay in ay ciyaaraha Isboortiga mamnuuceen kaddib markii ay ******** in uu ku lumayo mustaqbalka dhalinyarada Soomaaliyeed, wuxuuna ammarka ay ciyaaraha ku mamnuuceen uu u soo daliishaday dhowr qodob oo kala ah:

 

In ay dayacantay Tacliintii Dhalinyarada.

In ay jirto faragelin shisheeye oo caruurta maskaxdooda lagu qabsanayo iyadoo loo soo marayo ciyaaraha Isboortiga.

In Cibaadadii lagu lahaa ay dayacantay sida Salaadaha Maqrib iyo Casir.

Iyo qodobo kale.

Kuwa qoryaha ay ku rareen malaha wakhti kama lumo. Muu dhaho ciiddan baan rabnaa inaan ka dhigno...So much of winning hearts and minds eh..

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dhubad.   

Maamulka Islaamiga ah ee Baardhere oo taakule dhaqaale ku soo rogay ganacsatada iyo ciyaaraha oo la mamnuucay

 

Kadib kulan ay xalay isugu yimaadeen saraakiisha

 

 

maamulka islaamiga ee ka arimiya degmada Baardheere iyo waxgaradka degmada oo ka dhacay xarunta degmada ayaa waxaa looga hadlayay burburinta Qabuuraha,lacago taakulo ah oo deegaanka lagu soo rogay iyo ciyaaraha nuucyadeeda kala duwan oo laga mamnuucay deegaankaasi.

 

Qodobadani oo ay maamulka islaamiga ee Baardheere horay ugu xil saareen culumaa’udiinka magaalada si ay u soo baaraan oo ay uga soo baaraan degaan waxa ay shareecada islaamka ka qabto ayaa waxaa ay gudiga culumaa’udiinka soo saareen go’aano la xiriira arintaasi.

 

Gudigani oo uu hor kacayay gudoomiyaha degmada Baardheere C/wahab Xaashi ayaa waxaa ay gabi ahaanba ka mamnuuceen degmada Baardheere iyo deegaanada ku xeeran qeybaha kala duwan ee Ciyaaraha oo ay ku jiraan Sport -ga,oo ay ku sheegeen in asal ahaan uu ka yimid dhinaca Gaalada

 

Waxaa ay sidoo kale culumaa’udiinka sheegeen in ay xaaran tahay in la qaadoa lacago Canshuuro ah iyadoo aan wax laga qaban xaalada Nabadgalyo iyo ammaan ee Baardheera kadibna waxaa ay ganacsaatada fareen in ay bixiyaan lacago taakulo ah oo wax looga qabanayo Ammaanka degmada Baardheere iyo deegaanada ku xeeran.

 

Go’aanadani ay soo saareen maamulka islaamiga ee degmada Baardheere isla markaana ay ku dhawaaqeen culumaa’udiinka degmada ayaa waxaa ay ku soo aadayaan xili Maalintii 4-aad ay ka soconayaan degmada iyo deegaanada ku xeeran Burburinta Qabuuraha deegaanka waqti farabadan ku yaalay.

 

 

http://www.gedotalk. com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Meiji   

The dictatorship signs are already visible: banning of sports.

 

 

We should not support the advancement of such a dictatorial agenda of Alshabab.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dhubad.   

These kids are having fun....I don't see why this bothers them? They never learn anything walee!

 

bdsp8.JPG

 

Baardhere football team!

Share this post


Link to post
Share on other sites

They want them to join their gangs and carry out suicide attacks deee ............ they don't want them to play but to die ,,,,

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this