Sign in to follow this  
Abwaan

Jaamac Cali Jaamac “Waa nasiib daro in xaruntii wasaarada gaashaandhiga oo aheyd mask

Recommended Posts

Abwaan   

Jaamac Cali Jaamac “Waa nasiib daro in xaruntii wasaarada gaashaandhiga oo aheyd maskaxdii laga hagi jiray dagaalkii 77 uu maanta calanka Itoobiya ka dul babado”

 

Jaamac Cali Jaamac oo ka mid ahaa xildhibaanadii 31-ka ahaa ee dhowaan ay xilka ka xayuubiyeen xubnaha baarlamanka Soomaaliya ka dib markii lagu eedeeyey iney Fasax la’aan kulamada baarlamanka ka maqnaayeen muddo ka baxsan inta sharcigu qabo, dhowaana isaga iyo 5 kale oo ka mid ah xubnahaasi 31-ka ah kuraastoodii loo dhaariyey xubno lagu bedelay ayaa isagoo ku sugan magaalada London ee dalka Ingiriiska waxaa uu sheegay in sharci ahaan aysan wax dowladda ka jirin Soomaaliya marka la eego marxalada ay maanta ku jirto oo uu xusay iney tahay mid gumeysi ay dalka ku qabsatay dowladda Itoobiya, wuxuuna sheegay inaaney wax qiimo ah laheyn baarlamaan ku jira gumeysi cida uu xilka ka qaado iyo cida uu u dhiibo intaba, bacdamaa ay marti ka yihiin xukunkii dalkooda oo islaa markaana ay fuliyaan oo kaliya waxyaabaha danta u ah cadowga xoogga ku heysta sida uu yiri.

 

“Muhimadu maaha maanta in la yiraahdo hebel ayaa xilki laga qaaday hebelna waa loo dhiibay ee waxay tahay in laga hadlo sidii dalka looga xoreyn lahaa gumeysiga iyo gumeysi kalkaalka isu heysta dowlad oo xitaa dadkooda aan ka xishooneyn, iyadoo shacabkooda la xasuuqayana iska qoslaya, kuna sheegaya in shacabka la gumaadayo iyo haweenka iyo caruurta yihiin argagaxiso, waana kuwo aan u qalmin in lagu aamino masiirka shacabka Soomaaliyeed” ayuu yiri Jaamac Cali Jaamac oo intaa ku daray in loo baahan yahay shacabka soomaaliyeed iney iska dul qaadaan wax uu ku tilmaamay gumeysiga weligiis u ciil qabay ee maanta fursada u helay.

 

“Waa nasiib daro in xaruntii wasaarada gaashaandhiga oo aheyd maskaxdii laga hagi jiray dagaalkii 77 uu maanta calanka Itoobiya ka dul babado waxay fadhiyaan madaxtooyadii Soomaaliya, waana ruuxa damiir wadaninimo leh uusan u dulqaadan Karin oo shacabka Soomaaliyeed aysan weligood iloobi doonin taariikhdaas madow ee ay u horseedeen kuwa gumeysi kalkaalka ah” ayuu intaa ku daray Jaamac Cali Jaamac oo sidoo kale mar ahaan jiray madaxweyihii maamulka Puntland oo ay soo doorteen shacabka halkaasi ku dhaqan inkastoo markii dambe xoog looga fara maroojiyey.

 

 

 

C/shakuur Cilmi Xasan

abdishakuurelmi@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this