Sign in to follow this  
General Duke

Puntland Minister of Health meets with Swedish delegation including Medics: PICS

Recommended Posts

011-400x300.jpg

 

Dhakhaatiir Swedish ah oo kulan Garowe kula qaatey wasiirka Caafimaadka(+Sawiro)

Posted by admin on August 19th, 2010

 

Garowe(Puntlandi.com)Wafti ka socda Sweden ayaa kulan la qaatey WasiirkaCaafimaadka Puntland Dr.Cali Cabdulaahi Warsame, wasiirka ayaana si diiran ugu soo dhaweeyey waftigan xarunta wasaaradda caafimadaka ee Puntland iyadoo ay dalka ku yimaadeen martiqaad rasmi ah oo ay ka heleen wasiirka wasaaradda caafimaadka Puntland.wasiirka ayaana dhakhaatiirtan uga warbixiyey xaalada caafimaad ee guud ahaan Puntland iyo baahiyaha dalka ka jira.

 

sawiradii hoos ka daawo

 

Wasiirka caafimaadku waxaa uu dhakhaatiirtan u sheegay in xaalada caafimaad ee dalku ay liidato isagoo tibaaxay in wasaaradiisu ay la tacaalayso sidii ay wax uga qaban lahayd baahiyahaas iyadoo ay yartahay waxqabadka wasaaraddu ayuu hadana sheegay in wax badan ay qabatey wasaaradu iyadoo ay isku dubariday wasaaraddu bulshada kuna wacyi galisay inay wax qabsadaan oo ay caafimaadkooda hagaajiyaan dibna u dayactirtaan Isbitaaladooda.

 

Baahiyaha wasaaraddu dhakhaatiirtan u gudbisay waxaa ka mid ah Isbitaalada oo aan heysan qalabkii caafimaad iyadoo kuwa ay haystaana uu yahay qalab gaboobey oo aan la badalin 20-ka sano ee dalku burbursan yahay.

 

Dhakhaatiirta reer Sweden oo laba xubnood ahaa ayaa waxaa hogaaminayay Dr. Johnson kaasi oo tilmaamay in ujeedkoodu yahay sidii ay u darsi lahaayeen xaalada caafimaad ee Puntland isagoo sheegay inay booqan doonaan Isbitaalada Garowe, Boosaaso iyo Gaalkacyo ayna baahiyaha jira u gudbin doonaan dalkooda markaasna ay sheegeen inay jecel yihiin in ay wax ka qaban doonaan.

 

Dr. Johnson waxa uu carabka ku dhuftey inay bar caafimaad ka hirgaliyeen Xarunta qaramada midoobey ee Garowe iyadoo sido kalena ay ka samayn doonaan baro kuwan oo kale ah xarumaha UN-ka ee Boosaaso iyo Gaalkacyo markaas kadibna ay usoo jeesan doonaan wax ka qabashada baahiyaha dhanka caafimaad ee ka jira Isbitaalada sida qalabka iyo tabobarida shaqaalaha caafimaadka ee Isbitaalada guud ee ay dawladu leedahay, iyadoo uu sheegay dhakhtarkan in ay badan yihiin dhakhaatiirta diyaarka u ah inay wax ka qabtaan caafimaadka Puntland isla markaasna ay iman doonaan dhakhaatiir kale marka ay iyagu laabtaan.

 

Dr. Johnson waxa uu intaas ku darey in xiligan ay u socdaan oo kaliya daraaseynta baahiyaha caafimaad ee ka jira Puntland balse waxa uu carabka ku dhuftey in dhakhaatiirta kale ee iman doonta inay noqon doonaan kuwa gacan ka gaysta caafimaadka Puntland, dhakhaatiirtaas ayuu sheegay inay ka shaqeyn doonaan qaybaha deg deg ah ee Isbitaalada dawlada ayna tabobar siin doonaan shaqaalaha caafimaadka, dhakhtarkan ayaa wasaaradda caafimaadka ka codsadey inay usoo gudbiso warbixin guud oo ka hadlaysa xaalada caafimaad ee dalka iyo baahiyaha deg deg ah ee ay wasaaraddu qabto si ay ugu gudbiyaan safaaradda ay Sweden ku leedahay Nairobi Kenya.

 

Socdaalka dhakhaatiirtan u dhalatey wadanka Sweden ayaa ah kii ugu horeeyey ee ay Puntland ku yimaadaan, waxaana ay ku yimaadeen martiqaadka Wasiirka. Sidoo kale dhakhaatiirtan waxay sheegeen inay ka shaqeyn doonaan sidii ay isugu xiri lahaaheen wasaaradda caafimaadka Puntland iyo wasaaradooda caafimaadka.

 

Ugu danbeyntii ayaa dhakhaatiirtan waxaa la geeyey Isbitaalka guud ee Garowe sidii ay uga qiyaasqaadan lahaayeen baahiyaha haysta Isbitaalada guud ee Puntland iyadoo warbixinadii horey loo siiyey ay indhahooda ku arkeen sida qalabka

 

Puntlandi.com

 

Wasaaradda Caafimaadka

 

Xarunta dhexe ee Garowe

Share this post


Link to post
Share on other sites

Garowe:(Allpuntland)- Wasiirka caafimaadka dawlada Puntland Dr. Cali C/laahi Warsame ayaa xarunta wasaaradda caafimaadka ee Garowe kulan kula qaatey dhakhaatiir Swedish ah kuwaas oo booqasho ku yimid Puntland.

 

Wasiirka Caafimaadka ayaana si diiran ugu soo dhaweeyey waftigan xarunta wasaaradda caafimadaka ee Puntland iyadoo ay dalka ku yimaadeen martiqaad rasmi ah oo ay ka heleen wasiirka wasaaradda caafimaadka Puntland.wasiirka ayaana dhakhaatiirtan uga warbixiyey xaalada caafimaad ee guud ahaan Puntland iyo baahiyaha dalka ka jira.

 

Wasiirka caafimaadku waxaa uu dhakhaatiirtan u sheegay in xaalada caafimaad ee dalku ay liidato isagoo tibaaxay in wasaaradiisu ay la tacaalayso sidii ay wax uga qaban lahayd baahiyahaas iyadoo ay yartahay waxqabadka wasaaraddu ayuu hadana sheegay in wax badan ay qabatey wasaaradu iyadoo ay isku dubariday wasaaraddu bulshada kuna wacyi galisay inay wax qabsadaan oo ay caafimaadkooda hagaajiyaan dibna u dayactirtaan Isbitaaladooda.

 

Baahiyaha wasaaraddu dhakhaatiirtan u gudbisay waxaa ka mid ah Isbitaalada oo aan heysan qalabkii caafimaad iyadoo kuwa ay haystaana uu yahay qalab gaboobey oo aan la badalin 20-ka sano ee dalku burbursan yahay.

 

Dhakhaatiirta reer Sweden oo laba xubnood ahaa ayaa waxaa hogaaminayay Dr. Johnson kaasi oo tilmaamay in ujeedkoodu yahay sidii ay u darsi lahaayeen xaalada caafimaad ee Puntland isagoo sheegay inay booqan doonaan Isbitaalada Garowe, Boosaaso iyo Gaalkacyo ayna baahiyaha jira u gudbin doonaan dalkooda markaasna ay sheegeen inay jecel yihiin in ay wax ka qaban doonaan.

 

Dr. Johnson waxa uu carabka ku dhuftey inay bar caafimaad ka hirgaliyeen Xarunta qaramada midoobey ee Garowe iyadoo sido kalena ay ka samayn doonaan baro kuwan oo kale ah xarumaha UN-ka ee Boosaaso iyo Gaalkacyo markaas kadibna ay usoo jeesan doonaan wax ka qabashada baahiyaha dhanka caafimaad ee ka jira Isbitaalada sida qalabka iyo tabobarida shaqaalaha caafimaadka ee Isbitaalada guud ee ay dawladu leedahay, iyadoo uu sheegay dhakhtarkan in ay badan yihiin dhakhaatiirta diyaarka u ah inay wax ka qabtaan caafimaadka Puntland isla markaasna ay iman doonaan dhakhaatiir kale marka ay iyagu laabtaan.

 

Dr. Johnson waxa uu intaas ku darey in xiligan ay u socdaan oo kaliya daraaseynta baahiyaha caafimaad ee ka jira Puntland balse waxa uu carabka ku dhuftey in dhakhaatiirta kale ee iman doonta inay noqon doonaan kuwa gacan ka gaysta caafimaadka Puntland, dhakhaatiirtaas ayuu sheegay inay ka shaqeyn doonaan qaybaha deg deg ah ee Isbitaalada dawlada ayna tabobar siin doonaan shaqaalaha caafimaadka, dhakhtarkan ayaa wasaaradda caafimaadka ka codsadey inay usoo gudbiso warbixin guud oo ka hadlaysa xaalada caafimaad ee dalka iyo baahiyaha deg deg ah ee ay wasaaraddu qabto si ay ugu gudbiyaan safaaradda ay Sweden ku leedahay Nairobi Kenya.

 

Socdaalka dhakhaatiirtan u dhalatey wadanka Sweden ayaa ah kii ugu horeeyey ee ay Puntland ku yimaadaan, waxaana ay ku yimaadeen martiqaadka Wasiirka. Sidoo kale dhakhaatiirtan waxay sheegeen inay ka shaqeyn doonaan sidii ay isugu xiri lahaaheen wasaaradda caafimaadka Puntland iyo wasaaradooda caafimaadka.

 

Ugu danbeyntii ayaa dhakhaatiirtan waxaa la geeyey Isbitaalka guud ee Garowe sidii ay uga qiyaasqaadan lahaayeen baahiyaha haysta Isbitaalada guud ee Puntland iyadoo warbixinadii horey loo siiyey ay indhahooda ku arkeen sida qalabka .

 

Wasaaradda Caafimaadka

Xarunta dhexe ee Garowe

Fikradaada ka dhiibo warkaan

y

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this