Sign in to follow this  
General Duke

Nairobi-Djibouti-Mogadishu: Talks start

Recommended Posts

Nairobi: Ergayga Qaramada Midoobay u Qaabilsan Arimaha Soomaaliya oo Soomaalida ugu Baaqay inay Taageeraan Wadahadalada Socda

 

9. april 2008

 

Nairobi (AllPuntland)- Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoowbay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya , Ahmadou Ould-Abdallah ayaa ugu baaqay ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan ganacsatada, siyaasiyiinta iyo dadka qurbaha ku nool in ay dhamaantood garab istaagaan geedi socodka nabada ee hadda socda.

 

Wuxuu sheegay in uu Nairobi ku marti qaaday isbaheeysiga mucaarka ah ee dib u xoreeynta Somaalia (ARS) si looga hadlo mustaqbalka dalka Somaliyeed..

 

"Waxaan ku faraxsanahay wadahadalada hadda socda, waxaana ku rajaweenahay in eey horseedi doonaan wadahadal mucaaradku la yeesho Dowlada Fadaraalka ee ku meelgaarka ah ee Soomaaliya iyo habkii loo dhamayn lahaa dhibaatidii soo jiitameeysay mudada dheer, Ergayga wuxuu tilmaamay in ay qarammada midoobay la leedahay Dowladda kumeelgaarka ah xiriir miradhal ah uuna ku faraxsanyahay dadaalka dowlada ee ku aadan dib u heshiisiinta.

 

“Waxaan ugu hambalyeenaayaa Madaxweeynaha, Afhayeenka baarlamaanka iyo Ra’isul wasaaraha sidda ay tilaabada kowaad u qaadeen una jeexeen qorshaha dib u heshiisinta”, ayuu yiri Ergayga.

 

“ Talaabadani waxaan u arkaa mid wanaagsan oo muujinaysa in garabyada Soomaaliya ka jira ay wadankooda dhibaatada ka jirta si dhab ah ay uga murugsan yihiin,” ayuu yiri Ergayga.

 

"Ummadda Somaaliyeed dhamaanteeda waxaan ka codsanayaa in ay hanaankan cusub ay fursad siiyaan, sii socoshada dhibaatada wax natiija ah malaha. sidaa darteeda dadka Somaaliyeed waa in aysan fursad siinin kuwa marwalba iskudaya in ay Somaalida kala qaybsanaato. Somaalidu waa ineey taagaareen hogaankooda, adkeeyaana midnimadooda, isla markaasna ay fahmaan in habka awood qaybsiga uu yahay midka ugu wanaagsan oo horay loogu socon karo.” ayuu kusii daray hadalkiisa Egayga Gaarka ah Qaramada Midoobay ee Arimaha Siyaasadda Soomalaiya.

 

Wuxuu yiri "inta ay Somaalidu dhaxdeeda dagaalameeyso, qolooyin kale ayaa iyaguna guranaaya khayraadka badda iyo beriga Somaaliyeed., waxaan rumeeys nahay in muwaadiniinta runta ah ee Somaaliyeed ay maanta dalka gudihiisa dagaal ugu jiraan sidii midnimo iyo barwaaqo loo helilahaa.”

 

Warkaan waxaa uu naga soo gaaray xafiiska Siyaayada Qaramada Midoobay ee Soomalaiya ee magaalada Nairobi.

 

Baaqaan uu soo saaray Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay ayaa soo baxaya iyadoo maanta ay magaalada Jabuuti joogaan wafdiyo ka kala Socda Dawlada Soomaaliya iyo Mucaarakeeda oo ay kala hogaaminayaan Raysal-wasaaraha Soomaaliya iyo Gudoomiyaha Mucaaradka iyo waliba wafdi ka socda qaramada Midoobay oo uu horkacayay Ergayga Qaramada Midoobay ee Arimha Siyaasada Soomaliya.

 

AllPuntland, Xarunta

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ra’isulwasaaraha Soomaaliya oo maanta la kulmay madaxweyne Geelaha Jabuuti (Carmooyin Exclusive)

 

Ra’isul wasaaraha dalka Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Cadde) oo isaga iyo wafdi uu hogaaminayo ay arrimo baadi goobka nabada Soomaaliya la xariira u joogaan dalka Jabuuti ayaa maanta xarunta madaxtooyada dalkaasi kulan kula qaatay madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

 

Ra’isul wasaaraha dalka Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Cadde) oo isaga iyo wafdi uu hogaaminayo ay arrimo baadi goobka nabada Soomaaliya la xariira u joogaan dalka Jabuuti ayaa maanta xarunta madaxtooyada dalkaasi kulan kula qaatay madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

 

Kulankan aya intii uu socday waxaa looga wada hadlay sidii looga guul gaari lahaa dadaalada ay waddodowladda Jabuuti gacana looga helayo beesha caalka ee ku aadan sidi naabd kama dambeyn ah loogusoodabaali lahaa dalka Soomaaliya.

 

Ra’isul wasaaraha ayaa u sheegay madxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Geele in dowladda federalka Soomaaliya ay diyaar u tahay dhamaanba dhinacyada kasoo horjeeda in ay qanciso kulana kulanto meel kasta oo ay doonaan si xal waara loogu helo dhibaatda colaadeed ee Soomaaliya.

 

Kulankan ayaa ahaa mid ay albaabadu u xirnaayeen,hase ahaatee mid ka mida masuuliyiinta ka qeyb galay oo magiciisa ka gaabsaday ayaa u sheegay carmooyin.com in madaxda dowladda Soomaaliya ay muujiyeen sida ay ugu rajo weynyihiin guulo wax ku ool ah in laga gaaro dadaalada nabadeed ee haatan ka soconaya dalka Jabuuti.

 

Xafiiska warqabadka shabakada wararka carmooyin.com ee Baydhabo.

 

Contact:carmooyin@hotmail.com or carmooyin@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Nuur Cadde oo Muqdisho dib ugu noqday

Last Updated::2008-04-10 22:04:13

 

Muqdisho (HR Media):- Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Nuur Cadde iyo wafdigiisii ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Caasimada ah ee Muqdisho.

 

Nuur Cadde ayaa safar maalmo qaatay ku tagay dalka Jabuuti, ayadoo uu horey usii maray dalal kala gedisan oo carbeed iyo dalka Kenya.

 

Safarka dalka Jabuuti ee RW.Nuur Cadde ayaa horey loo sii saadaalinayey in uu halkaasi kula kulmi doono qaar kamid ah Kooxaha Mucaaridka ku ah dowlada ee kasoo jeeda Beesha ******.

 

Hase yeeshee majiraan wax kulan ah oo dalka Jabuuti ku dhexmaray Nuur Cadde iyo xubnaha Mucaaridka ah.

 

Safarka Nuur Cadde ee dib ugu soo noqday Muqdisho ayey sheegayaan xubno xafiiskiisa ku dhaw dhaw in uu shir khaas ah la qaadan doono Madaxweynaha DFKMG C/laahi Yusuf Ahmed kana wada hadli doonaan arrimo la xariira safaradii uu dhawan sameeyey Ra'iisul Wasaaraha iyo qodobo la xariira wadahadalka lagu wado in ay wada yeeshaan Mucaaridka iyo Dowlada Federaalka Soomaaliya.

 

Horseed Media

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this