Sign in to follow this  
Gabbal

Maamulka Baardheere oo sheegay inaysan soo dhaweyn doonin Maxkamadaha Islaamiga.

Recommended Posts

Gabbal   

Interview

 

 

Maamulka Baardheere oo sheegay inaysan soo dhaweyn doonin Maxkamadaha Islaamiga.

 

Muqdisho, Arbaco 20 December 2006 Simba Radio

 

Gudoomiyaha Maamulka Degmada Baardheere Xasan Keyd oo maanta u Waramayay Idaacada Simba ayaa waxaa uu shaaca ka qaaday in xaalada deegaankaasi ay tahay mid aad u dagan isla mar ahaantaana uu warar been abuur ah ku tilmaamay in ay xaalada degmada baardheere tahay mid aad u kacsan.

 

Xasan Keyd ayaa sheegay haatan degmada baardheere ay ku sugan yihiin Ciidamo ka amar qaata wasiirka Gaashaandhiga ee Dowlada federaalka soomaaliya Col. Barre Aadan Shirre barrre Hiiraale isla mar ahaantaana aysan jirin wax cabsi ah oo deegaankaasi haatan ka Jira.

 

Gudoomiyaha Maamulka Degmada Baardheere Xasan Keyd ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in maamulka degmada uu hoos tago dowlada federaalka soomaaliya ayna si weyn uga soo Horjeedaan in halkaasi ay soo gaaraan Ciidamo ka amar qaata Golaha Maxaakiimta Islaamiga Soomaaliyeed.

 

Xasan Keyd ayaa sheegay in aysan jirin amar ay u imaanayaan degmada ayna iska difaaci doonaan hadii ay degmadaasi soo gaaraan ciidamo ka amar qaata Golaha Maxaakiimta Islaamiga Soomaaliyeed.

 

Xasan Keyd oo ah Gudoomiyaha Maamulka Degmada Baardheere ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay in shacabka iyo Culimada ku dhaqan Degmadaasi ay ku kala qeyn san yihiin arintaasi isagoo sheegay in ay ka midaysan yihiin in ay iska difaacaan Ciidamada Golaha Maxaakiimta Islaamiga Soomaaliyeed ee ku soo wajahan Degmada Baardheere oo ka tirsan Gobolka Gedo.

 

Si kastaba ha ahaatee, hadalkaani ka soo baxay Gudoomiyaha Maamulka Degmada Baardheere ayaa ka dambeysay kadib markii la sheegay in Ciidamo ka tisan Maxaakiimta islaamiga soomaaliyeed ay ku sii wajahan yihiin degmadaasi oo ay haatan ku sugan yihiin ciidamo farabadan oo ka amar qaata wasiirka gaashgaandhiga ee dowlada Federaalka soomaaliya Col. Barre Aadan Shirre “Barre Hiiraale”

 

Simba Media Center , Mogadishu

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Saraakiil ku sugan Baardheere oo ku hanjabay in ay iska difaacayaan Maxkamadaha

 

 

Baardheere 20, Dec.06 ( Sh.M.Network) – Saraakiisha Ciidamada ka amar qaata wasiirka g/dhigga dowladda KMG ah ee Somalia ee ku sugan degmada Baardheere ayaa sheegay in ay iska daafacayaan weerar kasta oo kaga yimaada dhinaca maxkamadaha islaamka.

 

Ciidamo taageera wasiirka G/dhigga dowladda kMG ah Barre Hiiraale oo ku sugan degmada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa xalay heegan buuxa ka galay wadooyinka soo gala halkaasi, ka dib markii ay soo baxeen warar sheegaya in ciidamo ka tirsan maxkamaha islaamka ay ku soo wajahan yihiin halkaasi.

 

Max'ed Cali Kaliil oo sheegtay in uu yahay Taliyaha ciidamada dowladda Somalia ee gobolka Gedo ayaa shabelle u sheegay in aanu ka war heyn dhaq dhaqaaq ciidan oo kaga soo fool leh maxkamadaha islaamka.

 

" Waxa aynu nahay ciidan isku filan, awoodna leh, waana iska caabineynaa weerar kasta oo ay nagu soo qaadaan, inagoo iskaashi la leh dowladda Somalia" ayuu yiri Kaliil.

 

Dadka ku nool degmada Baardheere ayaa xalay walwal iyo cabsi ka muujiyay dagaal ka dhaca magaaladaasi, ka dib markii ciidamo uu horkacayo abaanduulaha ciidamada Barre Hiiraale Col. C/laahi Sheekh Ismaciil Fartaag ay xirteen wadooyinka magaaladaasi, markii ay ka war heleen ciidamo ka tirsan maxkamadaha islaamka oo ku soo jiheysan magaaladaasi.

 

 

 

Shabelle Media Network Gedo

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this