Sign in to follow this  
General Duke

Update on National reconciliation conference...

Recommended Posts

Ra'isul wasaaraha Soomaaliya Prof Geeddi oo sheegay in dowladda loo oggolaaday lacag dhan 32 milyan oo Euro ay ka dalbatay beesha caalamka.

 

Ra'isul wasaaraha dowladda Soomaaliya Dr. Cali maxamed Geeddi oo maanta dib ugu soo laabtay magaalada Baydahbo ayaa shir jaraa'id oo uu qabtay kaddib imaantinkiisa waxaa uu ku sheegay in guul weyn oo wax ku ool ah lagaso gaaray safarkii uu ku tagay Nairobi oo beesha caalamkana laga helay wax yaabihii ay dowladda federalku ka dalbatay

 

Ra'isul wasaaraha dowladda Soomaaliya Dr. Cali maxamed Geeddi oo maanta dib ugu soo laabtay magaalada Baydahbo ayaa shir jaraa'id oo uu qabtay kaddib imaantinkiisa waxaa uu ku sheegay in guul weyn oo wax ku ool ah lagaso gaaray safarkii uu ku tagay Nairobi oo beesha caalamkana laga helay wax yaabihii ay dowladda federalku ka dalbatay.

 

"Beesha caalamka waxaanu weydiisanay lacag dhan 32 milyan oo Euro oo loogu tala galay in qaarkeed lagu maareeyo shirka dib u heshiisiinta qaran ee dhawaan Muqdisho ka furmaya,arrinkaana waa kusoo guuleysanay"ayuu yiri ra'isul wasaraha Soomaaliya Dr. Cali Maxamed Geeddi.

 

Ra'isul wasaaraha ayaa todobaadkii hore gaaray magaalada Nairobi waxaana uu halkaa kulamo kulasoo qaatay msuuliyiinta beesha caalamka ee jooga Nairobi,iyadoo uu kasoo dhaadhiciyay in ay sii laba jibbaaraan taageerada la siinayo dowladda federalka Soomaaliya,islamarkaana waxaa uu dalbaday in beesha caalamku ay si deg deg ah u bixiso lacagaha loogu talagalay in lagu maalgeliyo kulan weynaha dib u hesiisiinta qaran ee bartamaha bisha inasoo aadan Muqdisho ka dhici doona.

 

Horay ayaa warar dhanka dowladda laga helay waxaa ay u sheegayeen in Ra'isul wasaaraha Soomaaliya uu si toos ah ugu soo gudbi doono dhanka Muqdisho marka uu socdalkiisa Nairobi soo dhameysto,hase ahaatee Ra'isul wasaraha ayaa maanta gaaray Baydhabo lamana sheegin xilliga uu imaan doono magaalada Muqdisho oo haatan uu joogo madaxweynaha Soomaaliya Yuusuf.

 

Xafiiska warqabadka shabakadda wararka carmooyin.com ee Muqdisho

Contact:info@carmooyin.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Nayroobi: Shirka dib u heshiisiinta Qaran oo shir guddoomin doona xubno caan ka ah dalka Soomaaliya

 

17. Mar 2007

 

Nayroobi(AllPuntland)-Shirka dib u heshiisiinta qaran ee 16-ka bisha Apriil la filayo in uu ka furmo magaalada Muqdisho ayaa waxaa shir guddoomin doona xubno caan ka ah dalka Soomaaliya, waxaana xubnahaasi ka mid ah Siyaasiga Cali Mahdi Maxamed.

 

Wasiirka arrimaha dibadda dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya Ismaaciil Maxamuud Hure "Buubaa" ayaa sheegay in guddiga shirka dib u heshiisiinta Qaran loo xil saaray ay iyagu qaban qaabada shirka iska leeyihiin, wuxuuna intaa raaciyay in cid kasta oo Soomaaliyeed ay kasoo qeybgeli doonaan.

 

Buubaa ayaa dhanka kale sheegay in shirka dib u heshiisiinta Qaran uu heysto taageero caalami ah isla markaana taageero dhaqaale uu helay isagoo cadeeyay in 40 Milyan oo Dollar loo helay shirka dib u heshiisiinta Qaran ee Madaxweynaha KMG ku baaqay in la qabto 16-ka bisha Apriil.

 

Mr. Buubaa ayaa dhanka kale ka waramay xaalada nabadgelyo magaalada Muqdisho maadaama shirweyne Qaran lagu qabanayo Muqdisho ayaa waxaa uu sheegay in nabadgelyada aysan wax cabsi ah ka qabin isagoo sheegay in ciidamada dowladda oo garab ka helaya saaxiibadooda Midowga Afrika iyo Itoobiya ay wax badan ka qaban doonaan amaanka.

 

Dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya ayaa guluf ugu jirto sidii loo xasilin lahaa amaanka guud ee magaalada Muqdisho xili loo diyaar garoobayo marti gelinta shirka dib u heshiisiinta.

 

Cali Muxiyaddiin Cali

Share this post


Link to post
Share on other sites

BAYDHABO: Guddoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka oo maanta siminnaar u furay Guddiga dib u heshiisiinta Qaranka iyo...

Posted to the Web Mar 17, 13:04

 

Baydhabo (PP) – Guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Maxamed Nuur (Sheekh Aadan Madoobe) ayaa maanta ka furay wajigii lahaad siminnaar lagu baranayo dib u heshiisiinta.

 

 

Siminnaarkaan ayaa waxaa loo furay guddiga dib u heshiisiinta Qaranka Soomaaliyeed iyo sidoo kale waxgarad kale oo laga keenay Gobollada dalka Qaarkood, waxaana siminnaarkaan lagu baran doonaa dib u heshiisiinta.

 

 

 

Guddoomiyaha Baarlamaanka Sheekh Aadna Madoobe oo hadal ka jeediyay furitaankii Siminnaarkaan oo ay maalgelinayaan hay’ado ka shaqeeya nabadda oo ka tirsan UN-ka ayaa wuxuu sheegan in looga baahan yahay ka qaybgalayaasha siminnaarkaan inay si weyn uga faa’iideystaan siminnaarka.

 

 

 

“Xubnaha ka soo qaybgalay Siminnaarkaan ee isugu jira Guddiga Dib u heshiisiinta Qaranka Soomaaliyeed iyo shaqsiyaadka kale inay si weyn uga faa’iideystaan casharrada ka baxaya siminaarka inta uu socdo, si howlaha ay u xilsaaran yihiin ay u noqdaan kuwo ugu guulaysta” ayuu yiri Sheekh Aadan Madoobe.

 

 

 

Siminnaarkaan ayaa waxaa horay ugu furay isla xubnahaan kal hore Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, waxaana kulankaan xubnaha loo furay ay wajigii hore ku barteen habka ugu wanaagsan ee dib u heshiisiinta iyagoo kanna la sheegay inay ku baranayaan habka dib u heshiisiinta guud.

 

 

 

Lama sheegin inta maalmood ee uu socon doono siminnaarkaan looga hadlayo dib u heshiisiinta, waxaana lagu wadaa in xubnaha hadda siminaarka loo furay ay qabanqaabiyaan shirka dib u heshiisiinta Qaran ee lagu wado in 16-ka April uu ka furmo Muqdisho.

 

Maxamed Xuseen Jantiile

Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu

E-mail: Jantiile@puntlandpost.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

President Yuusuf: "argagixisadu boos kuma leh shirka dib u heshiisiinta"

 

Madaxweynaha dawladda federaalka Soomaaliya, Cabdullaahi Yuusuf Axmed ayaa sheegay in shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed aan laga qayb gelin doonin kooxdii maxkamadaha ee burburtay.

 

Madaxweynaha oo u warramayey wargeyska Sharq Awsad ee ka soo baxa magaalada London, isaga oo jooga Muqdisho ayaa sheegay in weeraradii dhowaan lagu qaaday Villa Somalia ay ka dambeeyeen wixii ka haray maxkamadaha, sidaas darteedna koox dhiig faraha kula jirta oo shiddo wadda aan laga qayb gelin doonin shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed.

 

"argagixisadu wax boos ah kuma leh shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed" ayuu yiri Cabdullaahi Yuusuf Axmed oo u warramayey wargeyskaas.

 

Waxaa uu sheegay in kooxaha ka soo hor jeeda nabadda iyo nidaamka, aanay heshiis iyo nabad u baahanyn sidaas darteedna aan looga baahnayn shirka dib u heshiisiinta.

 

Mar uu ka warramayey mustaqbalka dawladdiisa waxaa uu sheegay in dawladda federaalka Soomaaliya aan cabsi gelin lagaga adkaan karaynin iyo weerarro dhuumaalaysi ah.

 

Axmed Aar

 

SBC Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dowladda kmg ee Soomaaliya oo ka hadashay shirka dib u heshiisiinta

 

 

Ra’iisal wasaaraha dowladda kmg ah ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi ayaa ka hadlay shirka dib u heshiisiinta qaran ee Soomaalida.

 

Prof. Geedi oo shalay ku soo laabtay magaalada Baydhabo afar maalmood ka dib oo uu safar dibada ugu maqnaa ayaa wuxuu sheegay in dowladaha deeqaha bixiya uu ka codsaday inay ku taageeraan shirka dib u heshiisiinta qaran 32 milyan oo doolar.

 

Ra’iisal wasaare Geedi wuxuu sheegay inuu ka rajaynayo beesha caalamka inay taageero u fidiso shirkaasi qaran.

 

Prof. Geedi wuxuu sheegay in uu u ambabixi doono magaalada Muqdisho halkaasoo uu madaxweynaha Soomaaliya todobaadkii hore si rasmi ah ugu guuray.

 

Dhinaca kale Ismaaciil Maxamuud Hurre Buubaa wasiirka arimaha dibadda ee dowladda kmg ah ayaa waxa uu sheegay in shirkaasi xubnaha dowladda kmg ah ay uga qeybgeli karaan iyagoo matalaha beelaha ay ka dhasheen.

 

C/qaadir Nuunow

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this