Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Somaliland Gov: No tfg Passport Will Be Accepted in SL

Recommended Posts

Wasaarada Duulista Hawada Oo Shaaca Ka Qaaday In Aan Somaliland Lagu Soo Geli Karin Baasarboorka Impagaati

 

 

Hargeysa (Qaran)-Xukuumada Somaliland ayaa jawaab kulul ka bixisay war ka soo baxay Xafiiska Socdaalka ee Xukuumada Imgaati,oo ku saabsanaa in ay joojiyeen duulimaadyadii Diyaaradaha ee Iskaga goosha Somaliland Iyo Dalka Dagaaladu aafeeyeen ee Somaaliya,waxana ay daboolka ka qaaday in Garoomada Dalku ay u furan yihiin dadka dhibaataysan ee ka soo yaacaya Somaaliya, si ay caalamka ugu raadsadaan Nabadgelyo.

Wasaarada Duulista Hawada Somaliland ayaa sheegtay inay u aragto mid caalwaa ah hadalkii ka soo yeedhay Dawlada imbegaati,isla markaana cadaysay in aanay aqoonsanayn Baasaboorka Somaaliya.

 

Agaasimaha Guud ee Wasaarada Duulista Hawada Iyo Gaadiidka Cirka JSL Eng Cabdi Cali Obsiiye,ayaa warsaxaafadeed uu maanta soo saaray wax lala yaabo ku tilmaamay faro-gelinta Xukuumada Imbegaati ay ku sheegtay inay joojisay Duulimaadyadii Somaliland Iyo

Somaaliya,waxana War Saxaafdeedkaasi uu u qornaa sidan.

 

Hadalka ka soo yeedhay Agaasimaha Duulista Hawada [Aviation-ka] ee kooxda Imbegati waxaanu u aragnaa arrin caalwaa ah,isla markaana cadaysay in aanay Aqoonsanayn in JSL

Waxaanu u sheegaynaa kooxda Imbegati in Somaliland aanay aqoonsanayn Passport-ka ay sheegeen in ay samaysteen dalka Somalilandna aan lagu soo geli Karin.

 

Isla markaana dayuuradaha u kala goosha Somaliland iyo Soomaaliya ay leeyihoiin dad gaar ah oo xor u ah meeshaay dagayaan Diyaaradahoodu, waxaana muuqata ujeedada kaliya ee ay ka leeyihiin arrintaa in ay doonayaan Passport dunida laga aqbalin inay ku khasbaan dadka si ay dhaqaale uga helaan.

 

Hadalada ka soo baxay kooxda Imbegati waxay ula jeedadoodu tahay in dadka reer Soomaaliya ee dhibaatada badani haysato inay dhibaato kale ku soo kordhiyaan , waana arrin aanay ku guulaysan Karin , haddii ay leeyihiin awood ay wax ku joojiyaan waxay xasilin lahaayeen oo wax ka qaban lahaayeen Muqdisho dhibaatada ka taagan.

 

Sidaas darteed, waxay garoomada Somaliland u furan yihiin dhamaan dadka ka soo yaacaya dhibaatada haysata si caalamka uga raad sadaan dal Nabad gelyo’’.

 

 

Cumar Maxamed Faarax

Qarannews/Hargeysa

Share this post


Link to post
Share on other sites

hadhwanaag 2007-08-27 (Hadhwanaagnews) Hargeysa(HWN):-Wasaarada Duulista Hawada iyo Gadiidka Cirka Somaliland ayaa gelinkii danbe ee maanta daboolka ka qaaday inaanay Xukuummada Somaliland aqoonsanayn Basaboorka Dawlada Embeghati sameysatay in dalka lagu soo galo.Isla markaana waxay cambaareysay hadal ka soo yeedhay Dawlada Embaghati oo ay ku tilmaantay mid caal-waaya.

 

Sida waxa lagu sheegay War-saxafadeed uu ku saxeexan yahay Agaasimaha Guud ee Wasaarada Duulista Hawada iyo Gadiidka Cirka Md.Cabdi Cali Obsiye oo nuqul ka mid ahi galabta soo gaadhay Xafiiska shabakada Hadhwanaagnews ee Magaalada Hargeysa.

 

“Dhawaaqa ka soo yeedhay Dawlada Embaghati waa mid caal-waaya” ayuu ku yidhi Warsaxafadeedkiisa Agaasimihu

 

Agaasimaha Guud ee Wasaarada Duulista Hawada iyo Gadiidka Cirka waxa uu Cadeeyey inaanay Xukuummada Somaliland aqoonsanayn Basaboorka Dawlada Embaghati.“Xukuummada Somaliland ma aqoonsana Basaboorka ay Dawlada Embaghati soo sameysatay, oo laguma soo geli karo dalka” ayuu ku yidhi War-saxafadeedkiisa.

 

Agaasimaha Guud ee Wasaarada Duulista Hawada iyo Gadiidka Cirka Md. Cabdi Cali Obsiye waxa uu sheegay dayuuradaha isaga kala goosha Somaliland iyo Soomaaliya ay leeyihiin dad gaari oo xor u ah meesha ay tagayaan Dayuuradahoodu.

 

“Waxa Muuqata u jeedada kaliya ee arrintani inay tahay Basaboorka dunidaba laga aqbali-waayey inay ku khasbaan dadka Soomaaliya si ay dhaqaale uga helaan” ayuu ku yidhi Agaasimuhu Warsaxafadeedkiisa.

 

Md. Cabdi Cali Obsiye waxa uu hoosta ka Xariiqay inay hadalada ka soo baxaya Maamulka Embaghati rabaan inay ku sii kordhiyaan dhibaatada dadka reer Soomaaliya.

 

“Arrintanina waa mid aanay ku guuleysan Karin, haddii ay leeyihiin awood ay wax ku joojiyaan waxay wax kaga qaban lahayeen dhibaatada ka taagan Muqdisho” ayuu lagu yidhi Warsaxafadeedka.

 

Agaasimaha Guud ee Wasaarada Duulista Hawada iyo Gadiidka Cirka waxa uu ku sheegay War-saxafadeedkiisa uu soo saaray Galabta inay Garoomada Diyaaradaha Somaliland u furan yihiin dhamaan dadka ka soo yaacaya dhibaatada haysata, si ay caalamka ugu raad-sadaan degel-nabadgelyo.

 

Duulimaadyada isaga kala goosha Muqdisho iyo Somaliland waxay maanta u socdeen sidii Caadiga ahayd.

Share this post


Link to post
Share on other sites

MOGADISHU (AFP) - The Somali government has suspended flights between the capital Mogadishu and the breakaway state of Somaliland amid a row over Somalia's new passport, an immigration official said Monday.

 

The move follows Somaliland's threat last week to jail its residents if they apply for the new Somali passport that was introduced last year.

 

Mogadishu enforced the suspension at the weekend. It affects four regional airlines that make irregular flights between Mogadishu and Somaliland capital Hargeisa and another Somaliland town of Berbera.

 

"Somali immigration sector has temporarily suspended flights between Mogadishu to Hargeisa and Berbera," Somali chief immigration officer Mohamed Ali Sheikh said in a statement.

 

"This was prompted after the airlines' failure to implement the immigration regulations set by the government concerning the new passport," he said, adding that airlines that violated the flight suspension would be penalised.

 

Somalia has been pushing for reunification with Somaliland, which broke away several months after the 1991 ouster of dictator Mohamed Siad Barre.

 

Somaliland's appeals for international recognition have been ignored, but it has held several elections deemed to have been free and fair, and has built up many institutions of statehood.

 

Its officials reject any suggestion of reuniting with the rest of Somalia.

 

Source: AFP, Aug 27, 2007

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this