Sign in to follow this  
General Duke

Mogadishu welcomes announcement of PM Ali Mohamed Geedi

Recommended Posts

Muqdisho oo caawa risaas cirka loo Rido ku soo dhoweysay magacaabista ra'iisal Wasaaraha

November 3, 2004

 

 

--------------------------------------------------------------------------------

 

Risaas goos goos ah oo ayaa cirka loo ridey Caawa, ka gadaal Markii la helay in Cali Maxamed Geedi uu u magacaabey Madaxweynaha dowlada federaalka ah ee Soomaaliya in uu noqdo ra'iisal wasaaraha dowlada Cusub.

 

Rasaasta oo isugu jirtay qoryaha Fudud, kuwo Lidka Diyaaradaha ah iyo Rasaasta loo yaqaan Bululer ee ifisada ah ayaa qiyaastii 45-Daqiiqo Hawada loo Ganay, iyada oo meelaha ugu badan ee rasaastaasi laga ganay ay u Badnaayeen goobaha fariisimada u ah Bashiir Raage Shiiraar oo gacanta ku haya Garoonka diyaaradaha Ciseleey iyo dekeda Ceel-cadde.

 

C/laahi Yuusuf Axmed, madaxweynaha dowlada federaalka ah ee Soomaaliya ayaa caawa magaalada nairobi ee dalka Kenya kaga dhowaaqey ra'iisal Wasaaraha dowlada federaalka ah, iyada oo Cali Maxamed Geedi loo magacaabey jagadaasi.

 

Cali Maxamed Geedi maanta ayuu ku biirey golaha Baarlamaanka federaaalka ah ee Soomaaliya, iyada oo maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) uu u baneenay xildhibaanimada golaha Baarlamaanka, waxayna arrintani timid ka gadaal markii ay si aad ah u bateen muranka la xiriira qodobada 46 iyo 47aad oo maanta golaha Baarlamaanka ay soo afjareen, ka gadaal markii ay ansixiyeen in ra'iisal wasaaraha laga soo dhex magacaabo golaha baarlamaanka.

 

Ku dhowaaqista Ra'iisal wasaaraha dowlada federaalka ah ayaa la sugayay mudooyinkii ugu dambeeyay, iyada oo caqabada ugu weyn ee hor taagneyd magacaabistana ay aheyd halka laga soo magacaabayo wasiirka koowaad.

 

 

 

Maxamed Cali Maxamuud (Madka)

 

Xafiiska Markacadeey ee Muqdisho

 

xafiiskamuqdisho@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this