Sign in to follow this  
General Duke

Beledweyne: TFG troops show of strength..

Recommended Posts

Ciidamada xoogga dalka oo dhoolatus ka sameeyay duleedka B/weyne

 

Mogadishu 03, May.07 ( Sh.M.Network) Ciidamada dowladda KMG ah ee ku sugan gobolka Hiiraan ayaa maanta dhoolatus markii ugu horreeyay ka sameeyay gobolkaasi.

 

Boqolaal ka tirsan ciidamada xoogga dalka Somalia ayaa maanta dabrid iyo dhoolatus ka sameeyay buurta Janta kundisho iyo Tuulada Qowleed ee ka tirsan gobolka Hiiraan, iyadoo dhawaqa hubka si weyn looga maqlayay gudaha magaalada B/weyne.

 

Dhoolatuskaan ayaa waxa uu ku soo beegmay xilli shalay saraakiisha ciidamada Booliska iyo kuwa militariga ay iclaamiyeen in la bilaabi doono howl-gallo dhinac walba leh oo ay ugu horreyso sugidda amaanka gobolka Hiiraan.

 

Abaanduulaha ciidamada gobolka Hiiraan ayaa sheegay in maleeshiyo beeleedyada ku sugan gobolka Hiiraan maalmaha soo socda in loo furi doono tababaro la xiriira ciidanimada.

 

Dabridkaan ay sameeyeen ciidamada xoogga dalka ayaa ah kii ugu horreeyay oo ay sameeyeen ciidamada xoogga dalka Somalia tan iyo markii dowladda KMG ah oo kaashaneysa ciidamada Ethiopia ay la wareegtay gacan ku heynta dlaka Somalia.

 

Xasan Mayoow

Share this post


Link to post
Share on other sites

Baladwayn: Guddoomiyaha degmada Baladwayn oo hawlo burcad sifayn ah kasoo laabtay.

3. maj 2007

 

Baladwayn(AllPuntland)- Guddoomiyaha degmada Baladwayn Axmed Gobey Cawaale iyo xubno la socda ayaa dib ugu soo laabtay magaalada Baladwayn, halkaasi oo ay ka maqnaayeen maalmihii ina dhaaftay.

 

Guddoomiyaha iyo xubnaha weheliya ayaa ku maqnaa waddooyinka soo gala magaalada Baladwayn , halkaasi oo ay burcad caadaysatay inay dadka ku baartaan.

 

Guddoomiyaha ayaa markii uu soo laabtay sheegay in hawlihii ay ku maqnaayen ay intii badnayd kusoo guulaysten.

 

Md: Cawaale wuxuu sheegay inay soo qab qabteen burcaddii dadka dhici jiray qaarkood iyo kuwii lacagaha baadda ah ka qaadan jiray .

 

Guddoomiyuhu wuxu sheegay in wali hawl gallada nabadda ay kusugayaan ay sii socon doonaan tan iyo inta ay ka sifaynayaan burcadda.

 

Waddoyinka Koonfur iyo waqooyi ka xiga magaalada Baladwayn ayaa maalmihii ina dhaafay laga soo sheegayay inay fara ba'an ku hayaan kooxaha dadka is baaraysta isla markaana tacshiiradda aan loo meel dayin isaga fura.

 

Walow ay burcaddu yaraatay markii dawladdu ay gobolka Hiiraan ka hawl bilowday , hase ahaatee wali wuxuu gobolku u muuqdaa meel burcaddu ay ka hawl gasho.

 

CCC Farayaamo

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Good development. I was very happy when I read that. The government troops doing a military show/drill of the skills they learned to show to the people of Beledweyne at the outskirts at the cheers of the mesmerised and in a state of emotions local populace in order to instill in them the one time confidence they had but that has been sadly lost during the civil war but restored back now. Hail to the forces I say. This shall instill fear in anyone in those regions who was attempting to cause havoc and chaos. It is clearly a show of strength and force and it should serve to intimdiate any criminals intend to disturb the new found peace in those regions inshallah.

 

Great read and good development once again, maashallaah.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this