Jacaylbaro Posted May 16, 2008 Golaha amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa qalinka Ku duugay in soomaaliya la keeno Ciidamo caalami ah taasoo ay sheegeen inay Bedeli doonaan Ciidamada Ururka Midowga afrika ee iminka qaarkood ku sugan Yihiin dalka soomaaliya gaar ahaan caasimada Muqdisho . Qaramada Midoobay oo mudooyinkanba si weyn isha Ugu haysay xaalada ka taagan wadanka soomaaliya ayaa qaraar ay soo saareen waxay ku sheegeen in wadanka soomaaliya la geeyo ciidamo caalami ah waloow aysan carabaabin goorta iyo inta uu ka kooban yahay ciidankaasi . Sidoo kale Qaraarkan kasoo baxay golaha amaanka ee QM ayaa lagu xusay In dib laysaga arki Doono Bisha june ee fooda inagu soo haysa iyadoo ay soo dhoweeyeen dowlado badan oo xiligan danaynaya arimaha soomaaliya. Qaraarkan oo aan lagu Xusin Ciidamada Ethiopianka ee dalka soomaaliya Ku sugan ayaa tilmaan ka Bixiyey oo keliya in ciidamadan caalamiga ahi bedeli Doonaan oo keliya Ciidamada AMISOM ee Ururka Midowga afrika taasina ay meesha ka saartay in Ciidamada Ethiopia oo xiligan ay ka taagan yihiin khilaafka Ugu ba,an ee siyaasada soomaaliya ay tahay Joogitaanka Ciidamada Ethiopia oo iyagu gaysta xasuuq ka dhan ah shacabka Umada soomaaliyeed iyo siyaasad lagula dagaalamayo jiritaanka shacab weynaha soomaaliyeed . AFnugaal.com Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted May 16, 2008 war kii jacaylbarro siidii lascaanood loo qabtay source walba wa afnugaal ilahoow na ilaali Quote Share this post Link to post Share on other sites