Gabbal Posted April 11, 2006 Beeraleyda Gobolka Gedo Oo Bilaabay Tacbashada Beeraha Beeraleyda qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Gedo ayaa durba bilaabay tacbashada xilli beereedkaan Guga kadib markii maalmahiii la soo dhaafey roobab xoogan ay ka da'een qaar ka mid ah Degmooyinka gobolka inka stoo roobabkaasi weli ayan ka da,in deegaano dhawr ah oo ka tirsan Gobolka. Degmooyinka Luuq, Buurdhuubo, Ceelwaaq iyo degaano kale oo ka tirsan gobalka GEDO ayaa wararka naga soo gaaraya waxa ay tilmaamayaan in beeraleyda deegaankaasi ay bilaabeen tacbashada beeraha, waxaana lagu arkayay qaar ka mid ah beeraha roobka ku baxa oo howlo abuur ah ay ka socdaan, iyadoo rajada beeraleyda ay u muuqato mid ka duwan tii sanadkii la soo dhaafay. Beerlayda bilaabay tacabka beeraha ayaa waxsoosaarkooda u baaqdey labo xilli oo la soo dhaafey taasoo ka dhalatey Abaaraha ba,an ee ka jira Gobolka isla markaana sababtey in deegaanadooda ay ka barakeceen abaarahii ka jiray gobolka Gedo awadeed, iyagoo haatan dib ugu soo laabtay deegaanadooda si ay uga faa'iideystaan xilli sanadeedkaan. Abaaraha ka jira gobolka Gedo ayaa waxa ay saameyn ku yeesheen dadka beeraleyda iyo reer guuraaga ee ku dhaqan gobolka, iyadoo bilihii ugu dambeeyay xoolo dhaqato badan ay isaga tageen deeganadoodii si ay u helaan biyo iyo baad. AC Saalixi Gedonet Quote Share this post Link to post Share on other sites