Sign in to follow this  
Gabbal

Beeraleyda Gobolka Gedo Oo Bilaabay Tacbashada Beeraha

Recommended Posts

Gabbal   

Beeraleyda Gobolka Gedo Oo Bilaabay Tacbashada Beeraha

 

Beeraleyda qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Gedo ayaa durba bilaabay tacbashada xilli beereedkaan Guga kadib markii maalmahiii la soo dhaafey roobab xoogan ay ka da'een qaar ka mid ah Degmooyinka gobolka inka stoo roobabkaasi weli ayan ka da,in deegaano dhawr ah oo ka tirsan Gobolka.

 

Degmooyinka Luuq, Buurdhuubo, Ceelwaaq iyo degaano kale oo ka tirsan gobalka GEDO ayaa wararka naga soo gaaraya waxa ay tilmaamayaan in beeraleyda deegaankaasi ay bilaabeen tacbashada beeraha, waxaana lagu arkayay qaar ka mid ah beeraha roobka ku baxa oo howlo abuur ah ay ka socdaan, iyadoo rajada beeraleyda ay u muuqato mid ka duwan tii sanadkii la soo dhaafay.

 

Beerlayda bilaabay tacabka beeraha ayaa waxsoosaarkooda u baaqdey labo xilli oo la soo dhaafey taasoo ka dhalatey Abaaraha ba,an ee ka jira Gobolka isla markaana sababtey in deegaanadooda ay ka barakeceen abaarahii ka jiray gobolka Gedo awadeed, iyagoo haatan dib ugu soo laabtay deegaanadooda si ay uga faa'iideystaan xilli sanadeedkaan.

 

Abaaraha ka jira gobolka Gedo ayaa waxa ay saameyn ku yeesheen dadka beeraleyda iyo reer guuraaga ee ku dhaqan gobolka, iyadoo bilihii ugu dambeeyay xoolo dhaqato badan ay isaga tageen deeganadoodii si ay u helaan biyo iyo baad.

 

AC Saalixi

Gedonet

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this