Sign in to follow this  
Liibaan

Sh. Ahmed Shanle Somaliland Puntland waa inay faraha kala baxaan SSC

Recommended Posts

Liibaan   

AfNugaal.com: Afhayeenkla Beelaha D Oo Ugu Baaqay Dadka Reer SSC Inay La Dagaalamaan Somaliland Iyo Puntland

 

 

Afhayeenka Ku Dhaqanka shareecada islaamka beelaha ******* sh,axmed c/laahi shanle oo maanta shir jaraa,id ku qabtay magaalada muqdisho ayaa shaaca ka qaaday in hadalkii kasoo yeeray gudoomiyaha muccaaridka kulmiye axmed maxamuud siilaanyo ee ahaa inaysan u dhaxayn wax dagaal siyaasadeed ah Gobolada sool ,sanaag iyo cayn uu yahay mid uu indhaha iska tirayo islamrkaana ku baabinayo dhibaatada lagu hayo dadka reer SSC .

 

 

Sh,axmed c/laahi shanle ayaa intaasi ku daray inuu ugu baaqayo maamulada Somaliland iyo Puntland inay faraha kala baxaan gobolada sool ,sanaag iyo cayn islamrkaana ay mustqbalka la xisaabtami doonaan kuwa dhibaatada haya shacabka reer ssc oo ah labada maamul ee puntland iyo Somaliland .

 

 

 

Sidoo kale afhayeenka ayaa shirkiisa jaraa,id kaga dhawaajiyey in maxaabiistii hore loo geeyey caynaba iyo kuwii dhowaan loo qaaday ber bera iyo mandheera aysan ilaawi doonin islamarakaana ay abuuri doonto colaad aan hadhin isagoo intaasi ku daray inay dadka reer Sool ,sanaag iyo cayn iska qaadaan heeryada Gumaysiga islamrkaana ka dagaalamaan arintaasi .

 

 

 

Sh,axmed c/laahi shanle ayaa intaasi ku daray in dadka reer SSC ay ahaayeen dadkii la dagaalamay Gumaysigii ingriiska islamrkaana dalka ka xoreeyey Huwantii reer waqooyi iyo Gumaysigii is watey maantana looga baahan yahay inay iska xoreeyaan maamulada ka guranaya waxgaradkoodii islamrkaana u dhiibaya Cadowga Ethiopia .

 

 

 

Hadalka afhayeenka ayaa kuso beegmaya xili uu habeenkii xalay uu saxaafada muqdisho ka sheegay gudoomiyaha xisbiga kumiye inaysan jirin wax dhibaato siyaasadeed ah oo u dhexeeya iyaga iyo Reer SSC islamrkaana ay isku mid yihiin waa siduu hadalka u dhigaye isalmarkaana ay magaalada laascaanood dhowaan laga qaaday maxaabiis jeelka laascaanood ku xidhnayd oo gaaraya ilaa 9-maxbuus islamrkaana loo dhaadhiciyey jeelka mandheera iyo ber bera

 

 

 

 

 

 

 

Xafiiska Muqdisho

 

Info@afnugaal.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Let me elaborate this a little bit:

 

 

oo maanta shir jaraa,id ku qabtay magaalada muqdisho

and

 

 

Inay La Dagaalamaan Somaliland

and he is supposedly the:

 

Afhayeenka Ku Dhaqanka shareecada islaamka

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abtigiis   

Originally posted by Qudhac:

This warlord call for war few months ago as well. tolow magaca "sheikh" miyuu iibsaday lool

It goes with the day. Nowadays, to declare a war, you need to have a Sheikh title. :D

 

Didn't you hear, the Drama about "War Sheekh Qarxiyoow, Sheikh kaboode ayaa kugu soo socda oo ka badbaaday miinadii Sheikh Aase, ee u dig oo qarxi,war u dig!

 

Anyway, Sheikh or no Sheikh, it seems Somaliland is in for a tough time.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this