General Duke Posted June 6, 2009 Barakacii ugu ballaarnaa oo saaka ka socda xaafado ka tirsan Yaaqshiid, Kaaraan iyo Shibis. Barakac cusub ayaa saaka ka bilowday Xaafado ka tirsan Degmooyinka Yaaqshiid, Kaaraan iyo Shibis, kadib markii dagaaladii maalmahan ay ku soo fideen saameyn ballaarana ku yeesheeen. Dadka fara ku tiriska ee sugan xaafadaha Yaaqshiid ayaa bilaabay inay isaga baxsadaan xaaladaha ka taagan Degmadaas ee dagaalada ka oogan, waxaana dadka ka qaxaya ah kuwo markii hore ku dhabar adeegayay guryahooda, balse markii sheekada xumaatay ay ku qasabtay inay isaga baxaan. Sidoo kale qeybo ka tirsan Degmada Kaaraan oo iyana dagaalka saameeyay ayaa waxaa ka soconaya barakac kii ugu ballaarnaa, waxaana tani ay ka dambeysay, kadib markii shalay dagaal xoogan uu ka dhacay Xaafada Jamhuuriya ee Degmadaas. Waxaa kaloo saaka iyana barakac ka socdaa Xaafado ka tirsan Degmada Shibis oo ay cabsi ka jirto in dagaalka ku soo siqo, waxaana dadka baxsanaya oo isugu jira haween iyo caruur ay sheegeen inay guryahooda isaga cararaan, inta aanay dagaalka ku soo dhowaanin. Goobaha ganacsiga ee ku teedsan Wadada Wadnaha ayaa iyana waxaa ka bilowday alaab rarasho ay wadaan ganacsatada, waxaana Isgoyska Sanca oo ah mid ganacsi xowli ka jiray saaka laga dareemay cidlo aad u baahsan iyo ganacsatada mehradaha ku leh oo alaabahooda ka daad gureysanayay. Xaafadaha sida weyn barakaca uga socda ayaa waxaa ka mid ah Arjantiin, SII SII, Jamhuuriya, Suuq Bacaad iyo Tookiyada yaaqshiid, waxaana dadka ay kuu sheegayaan in aanay garaneyn xilligan meel ay maciinsadaan, oo aan ka aheyn duleedyada Magaalada Muqdisho. Si kastaba ha ahaatee Xaalada Degmada Yaaqshiid oo saaka ah mid degan, ayaa hadana degenaanshahaas aheyn mid la isku haleyn karo, waxaana wali is hor fadhiya dhinacyadii dagaalamayay, oo daqiiqad kasta ay suura gal tahay inay dirirtu ka dhex bilaabato. Hooyga wararka Somaliyed www.Jowhar.com Jowharcom@hotmail.co m Jowharcom@gmail.com Quote Share this post Link to post Share on other sites
wacdaraha_aduunka Posted June 6, 2009 If those places wre not contested and was in shariifs control then why are the people fleeing? Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted June 6, 2009 ^^^Yaqshid has been over run. And thus North Mogadishu as whole is exposed. The people are fleeing because they expect the fighting to come into their districts. Quote Share this post Link to post Share on other sites