Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Somaliland: Police Officers Graduate from Gollis University

Recommended Posts

Afar iyo soddon saraakiil Boolis ah, ayaa ka qallin-jabiyey Jaamacadda Gollis ee magaalada Hargeysa, kuwaas oo ku takhasusay qaabka baadhista dambiyada.

 

Saraakiishan oo cilmigan baranayey muddo afar sannadood ah, isla markaana 9 ka mid ah haween yihiin, ayaa munaasibad ballaadhan oo lagu guddoonsiinayey shahaadooyin waxa loogu qabtay huteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa, waxaana ka qaybgalay masuuliyiin ay ka mid yihiin Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland, Wasiir-ku-xigeenka Arrimaha Gudaha, madaxda hay’adda UNDP oo mashruucaasi maalgelisay, maamulka iyo ardayda jaamacadda iyo marti sharaf kale.

 

Taliyaha Ciidanka Booliska General Cilmi Rooble Furre (Kabaal) oo ka hadlay xafladdaasi, ayaa ka warramay taariikhda soo jireenka ah ee ciidanka booliska, waxaannu tilmaamay faa’iidada cilmiga casriga ah ee saraakiishaasi barteen oo uu sheegay inuu ka duwan yahay kii hore ee ay ku shaqayn jireen.

 

“Hay’adda UNDP waxaan leeyahay waad ku mahadsan tihiin dadaalkiina iyo taageerada aad ku bixisaan tababarrada ciidanka booliska, balse waxaan idin leeyahay anigu waxaan idinkula xisaatami doonaan hadba sidaad wax noola qabataan intaan anigu meesha joogo,” ayuu yidhi taliyuhu

 

Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiiray (Aadan Siiro) oo taageero dhaqaale ka gaystay mashruucaas, ayaa tilmaamay baahida loo qabo maanta inay dalka Somaliland kasoo baxaan dad soo bartay xirfadaha casriga ah ee looga baahanyahay inay lahaadaan ciidammada boolisku

 

“Hay’adda UNDP waxaan ka codsanaynaa annaga oo ah shacabka reer Somaliland inaad noola dhaqantaan sida dalalka kale ee caalamka oo kale,” ayuu yidhi Sheekh Aadan Siiro.

 

Guddoomiyaha Jaamacadda Gollis Prof. Siciid Axmed Xasan oo isna munaasibaddaas ka hadlay, ayaa ka warramay waayihii kala duwanaa ee ay soo martay jaamacaddu iyo halkay waqtigan marayso, isagoo tilmaamay inay hadda marayso heerkii ugu fiicnaa.

 

“Jaamacadda Gollis waxay xidhiidh la leedahay oo ay aqoonsi caalami ah ka haysataa Jaamacadu ku yaala waddamada Yurub, Ruushka iyo kuwa Africa,” ayuu yidhi Prof. Siciid, waxaannu intaa raaciyey, “Waad ogtihiin Jaamacadda Cambrigde University ee dalka UK inay ka mid tahay jaamacadaha dunida ugu qaalisan uguna caansan, waxaanay ka mid tahay jaamacadaha Gollis University ku xidhantahay ee aannu aqoonsiga ka haysao.”

 

“Maanta Ardayda Jaamacadda Gollis waxay tari karaan oo ay wax ka baran karaan dhammaan Jaamacadaha aanu xidhiidhka la leenahay ee jaamacaddu aqoonsiga ka haysto sida Camridge University oo kale, laakiin waa hadduu ardaygu iska bixin karayo 100 kun oo dollar-ka Maraykanka ah.”

 

Wasiir-ku-xigeenka Daakhiliga Md. Cismaan Garaad Soofe oo soo gebogabeeyey munaasibaddaas, ayaa ka hadlay nabadgelyada faa’iidadeeda iyo sida loogu baahan yahay in la ilaaliyo, isagoo dadka ku waaniyey inay ka foojignaadaan cid kasta oo nabadgelyadooda khalkhal gelinaysa, waxaannu ammaanay jaamacadda iyo ciidammada waxbarashada dhammaystay.

 

Waxa kale oo xafladdaas ka hadlay qaar ka mid ah saraakiisha qallin-jebiyey iyo masuul u hadlay hay’adda UNDP oo iyadu maalgelisay mashruucan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this