Emperor Posted June 20, 2009 Xoogagga Xisbul Islaam iyo Al-shabaab oo saakay la wareegay isgoyska Sanca, kuna sii fool leh isgoyska Nasiib-buundo ee degmada Shibis Waxaa daqiiqado ka hor uu dagaal ka qarxay deegaano ku teedsan isgoyska Sanca oo ay horay isugu hor fadhiyeen xoogagga Xisbul Islaam iyo Al-shabaab oo dhinac ah iyo dawladda federalka, kaasoo laysku adeegsanayay hubka noocyadiisa kala duwan. Dagaalkan oo aad u xoogganaa kaddib ayaa waxaa ay ugu suurto gashay xoogagga Mucaaradka inay saakay la wareegaan Isgoyska Sanca oo ay maalmihii ugu dambeeyay ku sugnaayeen ciidamo taabacsan dawladda federalka Soomaaliya, waxaana dagaalka uu ku sii fiday ilaa isgoyska Nasiib Buundo ee degmada Shibis Xoogagga Xisbul Islaam iyo Al-shabaab ayaa la wareegitaankooda isgoyska Sanca wuxuu u noqonayaa guul hor leh oo u soo hooyatay xoogaggaasi maadaama Sarta Sanca ay ahayd difaacii ugu dambeeyay oo ay ku jireen ciidamada dawladda federalka. Xoogagga Mucaaradka ayaa waxay ku sii siqayaan qeybo hor leh oo ka tirsan degmooyinka Shibis, Kaaraan iyo C/casiis, waxaana weerarka xoogagga Mucaaradka oo ah mid saf ballaaran uu ku jiheysan yahay dhinaca madaxtooyada Filla Soomaaliya oo aan sidaasi uga fogayn goobaha ay haatan ku sugan yihiin xoogagga Mucaaradka. Cabdiraxmaan Macalin Xuseen Mamaan82@hotmail.com Tafatiraha Wabka Dayniile.com dayniilecom@hotmail. com deyniilenews@yahoo.c om Quote Share this post Link to post Share on other sites
Fiqikhayre Posted June 20, 2009 Where's Sharif's army? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Naxar Nugaaleed Posted June 20, 2009 cawan foqal cawan Quote Share this post Link to post Share on other sites
Belial Posted June 20, 2009 Allahu akbar as Aw-muuse would have put it:) Quote Share this post Link to post Share on other sites
The Zack Posted June 20, 2009 Originally posted by Aw-Muuse: Where's Sharif's army? Ciidamada Dowladda ayaa dib u qabsaday degmada Kaaraan iyo Sanca. Source: Kobtan Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted June 20, 2009 Al Shabaab are holding those areas, nothing new from any of the major news sites to contradict that claim. Quote Share this post Link to post Share on other sites