Sign in to follow this  
Cowke

Jamac Ducaale Wanted Terrorist Has Died In Captivity From Heavy Wounds

Recommended Posts

Cowke   

Mid kamid ah maxaabiistii lagu qabtay dagaalkii Karin oo geeriyooday

July 27, 2010

 

Jaamac Ducaale oo kamid ah xubnihii ay Ciidamada Dowlada Puntland ku qabteen dagaaladii shalay ka dhacay deegaanka Karin ee koonfurta magaalada Bosaaso, ayaa la sheegay inuu u geeriyooday dhaawacii soo gaaray.

 

Jaamac Ducaale oo kamid ahaa xubna dagaalkaasi ka qeyb qaatay kana mid ahaa hogaamiyaasha Maleeshiyaadka ka amar qaata Shiikh Maxamed Siciid Atam, ayaa waxaa lagu qabtay dhaawac, sida ay sheegeen saraakiisha caafimaadka Jaamac Ducaale ayaa asagu dhaawac culus kasoo gaaray dagaalka, ayadoo labo xabadood ay uga dhaceen madaxa iyo xabadka.

 

Maanta ayuu isbitaalka guud ee Banderqaasim ku geeriyooday maxbuuskaasi kamid ahaa xubnihii ay Dowlada Puntland ku eedaysay inay hormuudka u ahaayeen kooxdii shalay dagaalka kula gashay tuulada Karin ciidamo halkaasi fariisin kulahaa.

 

Madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Faroole ayaa sagu qabashada Jaamac ku tilmaamay mid muhiim ah isla markaana horey dowlada Puntland u baadi goobeysay ninkan oo kamid ahaa kooxo hubeysan oo hada kahor kasoo degay xeebta degmada Baargaal.

 

Dagaalkii shalay ayey ku dhinteen tiro badan oo ka tirsan ciidamada Dowlada iyo kooxihii soo weeraray, ayadoo la xaqiijiyey in dhanka dowlada ay ka dhinteen 7 askari oo isugu jira ciidamada PIS 3 askari, Daraawiish 3 askari iyo Askari ka tirsan Birmidka Booliiska.

 

Dhanka kooxda hubeysan ayaan la aqoon tirada ka dhimatay ayadoo ay jiraan warar sheegaya in tirada dhimashada ee dhinaca kale ay gaareyso 11 ruux, hase yeeshee ma jiraan cid si madax banaan u cadeyn karta tirada ku dhimatay dagaaladii ka dhacay deegaanka ka baxsan laamiga ee dhanka buuraha Galgala xiga.

 

Horseed Media

Share this post


Link to post
Share on other sites

LOL...I guess the security forces took my post to heart...nonetheless, better late than never. Job well done. :D

 

Originally posted by Mr. Somalia:

^^

Why capture him? Why not put him to sleep irreversibly? This is what I don't get...

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this