Hunguri Posted April 28, 2007 Soomaaliyeey Toosoo Toosoo isku Tiirsada Hadba Kiina Taag Daran Taageera Waligiin! Allaw Dadka wixii wax kasoo gaadheen dhamaan u wada naxariiso. The first time, Im seeing a Traffic police man executing his police traffic duty freely. Dawlad la'aan ayaa wax walba ka xun. This is the time, we should stop beign pessimistic and be more optimistic for the future of our mother land. Somaliya ha noolaato! Mogadishu 28, April.07 ( Sh.M.Network) Ciidamada dowladda KMG ah ee Somalia oo ay taageerayaan gawaarida dagaalka ayaa maanta ka bilaabay howl-gallo lagu burburinayo dhismayaasha sharci darada ah qeybo ka mid ah suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, iyadoo dhinaca kale ciidamada dowladda howlgallo baariaano ah ay sameeyeen ay ku soo qabteen rasaasta Hoobiyaha Ciidamada dowladda KMG ah ee Somalia oo ayaa sidoo kale howl-galkooda ay ku jirtey kala hagidda gaadiidka sida qaldan u socda wadooyinka qaar sida Isgoysyada Aadan Cadde iyo H/wadaag, iyagoo sidoo kale burburinayay goobaha sida sharci darada ah uga dhisan wadooyinka. Ciidamada dowladda oo isugu jira Boolis iyo Militari ayaa si koox koox ah u marayay wadooyinka, waxaana ay dadka ku war galinayeen in gacmahooda ay ku burburiyaan dhismayaasha sharci darada ah. Axmed Xasan Dheere oo Sandaqad lagu iibiyo Cabitaan ku leh isgoyska Aadan Cadde ayaa shabelle u sheegay in loo keenay wareegto ka soo baxday xafiiska amniga gobolka Banadir in lagu amray in ay baneeyaan hareeraha wadooyinka. Waa markii labaad oo ciidamada dowladda KMG ah ay burburiyaan goobo si sharci darro ah looga dhistay hareeraha wadooyinka, iyadoo isgoyska KM4 sidaasi oo kale looga burburiyay goobo si sharci darro ah halkaasi uga dhisnaa. Dhinaca kale ciidamada dowladda waxa ay fuliyeen howl-gallo ay ku baarayen gaadiidka yaryar, iyadoo howl-galadaasi ay ku soo qabteen hub yiilay guryo ku yaala agagaarka Isgoyska Bakaaraha sida uu warbaahinta u sheegay Taliyaha ciidamada howl-galka fulinayay oo la yiraahdo C/salaan Max'ed Rooble. Click below for the pictures and more details web page Quote Share this post Link to post Share on other sites
Yaabka-Yaabkiis Posted April 28, 2007 nice---i am sorry beesha c/qasim jilibka---guriyihi iyo beerihi iyo xaqdaradi waa dhamaatay. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Gordon Gekko Posted April 28, 2007 Somaliya ha noolaato indeed. Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted April 28, 2007 Long live the third republic. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Fiqikhayre Posted April 28, 2007 Long live our Beautiful country! Quote Share this post Link to post Share on other sites