Sign in to follow this  
Wiil Cusub

Heblaayo Dacar oo Riyo Qosol badan kula kulantay Rayaale

Recommended Posts

Heblaayo Dacar oo muddo ka nasatay riyooyinkii ayaa xalay waxaa hurdo ku soo booqday Madaxweynihii hore ee dalka Daahir Rayaale Kaahin.

 

Waraysi aan badneyn iyo gabay aan laga filayn Mudane Rayaale ayaana ka soo baxay bal nala eega sheekadda dhexmartay;

Heblaayo Dacar; Madaxweyne In dhaweyd wax war ah lagaama heline marka hore khayr sheeg.

Daahir Rayaale: Belaayo ma jirto, waxaad sheegi mooyaane.

Heblaayo Dacar: Hawshaadda ugu weyn ee waqtigan bal ka waran?

Rayaale: Waan iska nastaa, caruurtii oo aan is ilownay ayaanu dib isu baranaa., Haa, buuq iyo rabshad uun-baan ku jiray tobansanadood iyo dheeraad bay ahayd. Maantana ma doonayo in aan ka hadlo siyaasad oo ku noqdo sheekadeeda'e, miyaa la'iga maarmi waayay waan garanayaye.

Heblaayo Dacar; Siyaasadda iyo ka maarsan waagan aad la soo deg-degtay ha inoo danbeysee, bal ka waran, xanuunbaa kugu jiray markii iskugu keen danbeysaye;?

Rayaale; Haddaan immika xilkii ka tagayna malaha Inaad xattaa Ilkahay-ga wax ka sheegtaan dayn maysaan. mida kale, daacad haddii aad tahay, maxaad uga hadli weydey, Labaddan nin ee Qabyaaladda Isku raacay iyo wixii ka dhacay Gar-addag, haddii aad caafimaad soo qaadaysana, labaddaba anigaa ka yar maahin. markaa, waxay ahayd inaad ka waraysato iyaga Inkaartan ka haysata Addimadda?

Heblaayo Dacar: Oo Madaxweyne waa maxay meeshan aad iila baydhay adagaa haddalkaagu?

Rayaale: (Qosol ka dib,) Imika Anigu Madaxweyne Ma ahi maahin. Markaa, waxaan filayaa in aanay Danbi ahayn haddaan u hadlo siddii mucaaradka. Laakiin, kolayba gaadhsiin maayo heerkii uu u dhaqmi jiray, ninkii aan Cayda Liisanka u siiyay.

Heblaayo Dacar; Oo ma waxaad doonaysaa in aad ku soo laabato Saaxada siyaasadda waadigan la soo booday miyaa la ii baahdaye?

Rayaale; Maxaa ii diidaya, ma adigaa saaxadda iga saaray?

Heblaayo Dacar; Waxaan moodayay Inaad addigu iska saartay, miyaanay siddaa ahayn?

Rayaale: Aniga waraysi la'iguma sirro, shaqadaydaa ah. waxaanse kuu sheegayaa in aan sugayo inta Calancasta iyo shacbigu dibu is baranayaan ee la ii yeedhayo.

Heblaayo Dacar;Maxaad uga jeeddaa Calancasta iyo dadku intay is baranayaan, mida kalle, miyaanad wixii aad ka qaadi-karaysayba ka qaadin dalka maxaad kaga tagtay ee laguugu yeedhayaa?

Rayaale; Waxaad ku hadlaysaa afkii Xisaab-xume, isagaa waagii baryaba meelahaa ka odhan jiray, wax baa la dhacay iyo guryaa laga xadday masaakiinta. immikaa Maaliyaddii uu qalinka iyo waraaqaha ku dhameeyay Xin iyo ku jiqsii baa loogu dhiibaye, haka soo gurro wixii uu odhan-jiray waa la cunay..Mida kalle, Ayeeyo, Calancasta waad garanaysaaye, maxaad isku diidsiinaysaa. nin kasta oo aan dadka kallena waxba u ogoleyn isaguna xataa waxba isu ogoleyn, anigu waxaan u aqaanaa Calancas. Waa kuwii markii ay dalka wareeriyeen Marxuum Cigaal ka qabtay badh, ana aan intii hadhay ka daba-geeyay ee midba meel ka baxay, haddii ay wax qabanayaan mid waliba Wasiirbuu dalka ka soo noqdaye maxay wax u tari waayeen ma buug beenaadkoodaad rumaysatay. Xaqiiqaddaan kuu sheegayaaye Ina hebel miidhanbaa dalku ka dhawaaqi waayay. ragaasina, waa kuwii isku urursaddey KULMIYE ujeedo kallena may lahayne waxay doonayeen inay dadka ku khaldaan oo ugu dhuuntaan nidaamkan Xisbiyadda baddan. kaasaa sahlay inay soo noqdaan, haddeerna madaxay iskulla wala jiraan maahin, markaa waxaan sugayaa inta ay mar kalle dadku garanayaan nimankii aanu ka haynay....haa, Maalin dhaweyd baan is idhi ragan ummadda si kalle u fahami mayso'e, Gabay ugu sheeg.

Heblaayo Dacar: Oo Maxaad tidhi gabayadda iskumaydaan wanaagsanayne?

Rayaale: Haa, Ma jecli gabayga iyo heesta midkoona, laakiin waa afka dadkeenu wax ku garto, aniguna, waxaan ahay ninka dalka isku hagaajiyay, markaa hawla iguma laha inaan isku toosiyo haddal,.

Heblaayo Dacar: Bal haye?

Rayaale; Waxaan idhi

Baylah Taal ina Biixi

Ma Baxnaanin Yaqaane

Keli buu Is Boqraa

Cidlo buun ka tuntaa.

Burburshow Ina Xaashina

Inta uu is bidaabuu

Xisaab beena Taxaa

Lacag meel lagu biirshay

Bar inaanay tareyn

Ma bayaantay dheh Maanta

Beribaa wax la boobayna

Waa iska baabul-raqiise

Barwaaqadii Aanu cunayn

Busaarad buu ugu doorshaye

Bulshadda maanta ha siiyo,

Iskeersowna Bilaash dheh

haddaad baani tiqiin.

Baguu Kii Ina Kaahin

Isna boodhka hurdaa

Buugaag buu akhriyaayoo

Sheekaduun ku bilaaye

Beesad muu kordhiyeen.

Bal wareerka u fiirso

Gaboosihii ka badheedhay

Inuu bi'iyo amaankiyo

Raggaan jeelka ka buuxshayee

Lagu booqday Madheera

Ayaa ah maanta Bileys

Waxaa taa barbar taala

Isagoon Baladkeena

Xaaladiisaba baadhin

Kaysihii Buuqa bilaabay

Baaqyadii maku foosay?

Barbaarkii Cabdiqaadir

Baabuurkii La Gadoomiyo

Burburkii Dhabarkiisa

Hadduu Baan Ku mutaysto

Baarax buu laddi laaye

Bal muxuu Is tafiiday;

Dirayskii Beenta Ahaayee

Ciidan buuran lahayn

Jidhifkii Isku booshay

Afkuu buuri ogaaye

Isna Been dheh hankiisa

Heblaayo Dacar: Hayaay oo gabay culus baad tirisaye.

Heblaayo Dacar: Hayaay oo gabay culus baad tirisaye.

Rayaale: Ayeeyo ma waalantahay, weliba waddaadkii Ina Samaale ee aad moodaysay inuu Diinta u bartay Cadho uu ii qabo iyo waxaan aan meel ay ku jireen la aqoonee Siilaanyo meesha ka buuxiyay wax la yareeyay anigu ma arrage ayaad iga dhex-gashay; haddaad ogtahay, halkaan la maray inankii geela baas jiray ee aan afxumaddiisa ka yaabay maantana ummadda afkeedii ku hadlaya gabay danbe, kuwii wala gabyi jiray kamaad dhageysateen.

Heblaayo Dacar; Bal wad hadda.. La soco caddadka berri

 

Ka dib markii laba maalmood aan si xidhiidh ah u warinayay maanso kadeedan oo ka timi Madaxweynihii laga badiyay ayaa waxaa riyaddaydii walaaqay dareeno cadhaysan oo lagu naqdiyayo fariinta aan ka soo wariyay Daahir Rayaale, illaa caruurtii ayaaba markii ay arkeen Gabaygii shaaracyadda isla taagay, sidda ay riyaddaydu igu leedahay.

Laga Raysay UDUB-tiiye

Alahayow Ha Soo Celin.

Sidaasoo ay tahay, qoladdii hore ee Daahir Rayaale hormoodka ka ahaa waxay aaminsan-yihiin in loo darsadday, Islamarkaana, qaarkoodbaaba igu dhibsadday Gabayga aan soo wariyay oo ay is yidhaahdeen badhbaa laga tagay.

Dadkaas, waxaa ka mid ah waddaadkii Naaneysta kula baxay Xilka xoghayaha guud ee UDUB Jaamac Jug sii dhacay oo aan isna manaankii xalay ku dhex-arkay.

Su'aal baan ku bilaabay aan salaan lahayn Jaamac, waxaan idhi Xaggeed u sii dhacday doorashaddii ka dib laguma arrage? kuye, meel khayrlaan u sii dhacaye, maxaad Gabayga uga kalla tagtay.

Heblaayo Dacar: Uga kalla tagtey,

Jug-soo dhacay ; Haa, Yaakhii naga daa gabaygii Madaxweynaha badhbaad ka tagteye, waxaan moodayay inay ku jirtay heestii baas ee Jaamac-Riyo nagu caayay mid sideedii loo dhigay bay ahayd.

Heblaayo Dacar : Nin-yahow addigana suugaan yaraantu waa waxaad xisbigii ulla daadegtaye, iskuma nooc iyo qaafiyad ma ahayn heeskaas iyo Gabayga Rayaale ii dhiibay, markaa, ma waxaad jeclaysatay in wixii oo afxumo ahaa eed ku sheegteen ragaa gurmadka ah ee dalka idinka soo gaadhay in la kordhiyo.

Jugsoo dhacay: Ayeeyo anagu cayd ma naqaano laakiin, waxaan ka maqlay Gabayga hortaa Madaxweynaha, markaa siddii heesihii berigii hore ayay ka rog oo haddana saar ahayd maaha. Cawil baa xafiddaye weydii.

Heblaayo Dacar: Oo miyuu ku weheliyaa Wasiirkii hore, bal waran Xaaji?

Cawil: I Rumayso, siddaa uu Xoghayuhu u dhigay weeye, waxaa ku jiray Murtidda Madaxweynaha hees uu dhawaan soo saaray oo aan buugaygana ku xussay.

Jug-soo dhacay: Yaakhii haddalka baddan naga dhaafoo u sheegdee Habartan, Na dhaafoo ka dhaadhac

Dalka baab'inmaysaan bay ahayd sow maaha;

Cawil: Maya, waxaa ka mid ahaa

Xilkaad naga dhoofisee

Dheeftiyo Dhaqashadda lahaa

Dhantaashay dhaqaajin weyday

Dadkii Dhakafaar ku beertay

Mudadoon dhawr biloodba gaadhin.

Heblaayo Dacar; Waar bal yaabkan eega, show hurdadaabay kaga wanaagsan yihiin soo jeedka qoladdan UDUB.

Jug soo dhacay: Maya afka mucaaradka ayuunbaad maqashiine, Faransiis iyo Soomaaliba waan ku gabyay bay ahayd aniguba berigii.

Heblaayo Dacar; Cawilow bal sii wad

Jugsoo dhacay: Yaakhii Ruwaayad umma jeedee waa murti waxani ma garan. Mida kalle hadday dalkiiba u talinayaan maxay naga daba-socdaan miyay Lacagtii ay sheegi jireen in la cunay wax ku qabtaan?

Heblaayodacar: Waar bal u kaadi Jaamacow, Cawilow wad si fiican baad isugu beegtaye.

Cawil: Afkii Madaxweynahaan kugula hadlayaaye, wuxuu yidhi;

Adigoon dhana noo wadaynin

Cod iyo dheeraad ku siiye

Dhinac aanay fileyn u guurtay

Haween taladdii u dhiibtay

Dhawaan dad-yimaad hor keentay

Soo dhaadhac ka dhaadhac

Anagaa kuu dhaami layne

Ka dhaadhac

Dhaliisha bilaabantiyo

Dhawaaqa Galbeed ka yimi

Xeebtaa laga soo dhacaa

Dhirbaaxo quudheed ahoo

Ammaankii dhawri weyde

Dhaqaalihii wuu sabeeyay

Lacagtaa la dhiteeyay maanta

Anagaa ruux kastaba u dhiibiyoo

Doolarkaa dhacay soo dhaweyne

Ka dhaadhac ka dhaadhac

Duqii Noo Dhuuntoo na dhaaf

Siddaas buu ku yidhi heeska Buugayga Ku jirta ee cusub.

 

Wargeyska Geeska Afrika

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this