Sign in to follow this  
The Zack

ONLF Press Release (Af-Somali)

Recommended Posts

The Zack   

Warsaxaafadeed ay JWXO ka soo saartey dambiyada uu maamulka Puntland ka galay shacabka S. ******ya(Western Somalia)

Oct.31st of 2009

 

 

Cadaawada Maamul Goboleedka Puntland

 

Dhawrkii sano ee la soo dhaafay waxaa waxyeelooyin aadaminimada ka baxsan loo gaysanayay Shacbiga S. ********ya ee ku nool deegaamada Waqooyi Bari (Puntland) kaasoo kaga imanayay maamulayaasha Dawlad Goboleedka Puntland. Waxyeelooyinka Shacbiga loo gaystay, welina lagula kacayo waxaa ka mida; dilal qorshaysan, afduub, xadhig, iyo in qaar badan Guumaysiga Xabashida loo garba duubo loona gacan galiyo. Waxyeelooyinka noocan ah ayaa si isdaba jooga u soo noqnoqanayey. Shacabiga ******ya dulqaad ku filan ayuu arrintaas ka muujiyey.

 

Waxaa cad oon xaab cidna ka saarayn in maamulka Puntland ee Faroole horjooga u yahay go’aansaday inuu ka abuuro qulqulado iyo xasilooni darro labada shacab ee dariska ah taas oo uu fulinayo siyaasadda Itoobiya ee ah inay dadka Soomaliyed isku dirto Geeska Afrikana xasilooni la’aan ka abuurto. Aragtida gaaban ee noocaas ah iyo ka hor marinta danta taliska gumeysiga Itoobiya midda Soomaliya waana midda maanta shacabka Soomali iyo qaranimadiisii burburisay.

 

Jabhada Wadaniga Xoraynta ********ya (JWXO) waxay in badan uga digtay maamulka Puntland inuusan ku dhicin dabinka gumeysiga Itoobiya, joojiyana dhibaatada uu ku hayo shacbiga Soomaalida ********ya. Waxay JWXO in badan ku baraarujisay welina ku baraarujinaysaa inay shacabka ******ya iska caabiyaan cid kasta oo ku xad gudubta xaqooda si sahlana aan lagu duudsiyin xaqooda.

 

Hadaba, Jabhada Wadaniga Xoraynta ********ya (JWXO) iyadoo ka xun falal dambiyeedka uu maamulka Puntland ee Faroole horjoogaha ka yahay uu ka gelayo shacabka aan waxba galabsan ee ******ya, ayey cambaaraynaysaa maamulka ka arimiya Garowe oo si badheedh ah taariikhda isaga indho tiray iyagoo ka hiiliyey shacabka xaqa leh ee Somalida ******ya, kuna taageeray xaq-darada taliska dhiigya cabka ah ee Addis Ababa.

Waxay Jabhadda Wadaniga Xoreynta ******ya ugu baaqaysaa shacbiga Somaliyeed meel uu joogaba inuu iska kaashado dabinada gumaysiga Itoobiya ee doonaya inuu dulaysto umadda Soomaliyeed isagoo adeegsanaya daba******yada u masila danihiisa iyaga oo qaarkood sheeganayaan Maamule Goboleed sida midka Puntland.

 

Jabahda Wadaniga Xoraynta ********ya waxay maamulka Faroole u sheegaysaa inuu isagu dhabar u ridanayo wixii ka yimaada falal dambiyeedka joogtada ah ee uu ku hayo shacabka Somalida ******ya een waxba ka galabsan isaga iyo maamulkiisa toona.

Waxaa guusha kama dambaysta ah iska leh Shacabka geesiga ah ee ******ya!

Waxaa fashil iyo guul darro ku dambayn gumeysiga Itoobiya iyo kuwa u gargaaraya!

 

Jabhada Wadaniga Xoraynta ********ya (JWXO)

 

ONA.

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Zack   

ONLF Condemns Puntland Administration for killing ****** civilian

 

The Puntland Administration detained five ****** Somali civilians in Bassaso, who were travelling from Yemen to ****** on 18th October 2009. Both the Puntland militia and Ethiopian Security extensively tortured the detainees and then one of the detainees was abducted and taken to a prison in Harar. On November 2 2009, one of the prisoners in Bossaso died of internal wounds sustained during the extensive torture subjected to him.

 

This ill will towards ****** Somali people has being going on for a while in Puntland. On different occasions, the Puntland Administration had put in harm's way civilians as ONLF members in violation of international law and customary laws among the Somali people. The ****** Somali people have a right to wage a legitimate struggle to attain their rights from the Ethiopian regime, which is marginalizing and committing war crimes against them. Such cowardly acts by the likes of the Puntland administration will not deter the will of the ****** Somalis to attain their self-determinations and basic Human Rights.

 

The ****** National Liberation Front and the ****** Somali people on those occasions had opted for restrain and dialogue in order to convince Puntland to act in a civilized manner and respect the right of the ****** people. Unfortunately, the Puntland Administration instead of mending its wayward ways, it further escalated its crimes by not only killing and torturing ****** civilians but publicly declaring its ill intentions towards the ****** Somalis.

 

Henceforth the ****** National Liberation Front will take all measures necessary to protect the lives and interests of the ****** Somali people while the Puntland Administration will be responsible for any dire consequences of its criminal acts.

 

ONLF

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this