Sign in to follow this  
sunaari

Ganacsato Puntland of Poliska qalab ugu deeqay

Recommended Posts

sunaari   

I am filling for our good fellow General Duke since he was bussy reporting from South (TFG)progresses. He somehow forgot some important development happening his beloved Puntland state. So, this is what our business people should do by working with the system to improve security of their respective enclaves.

 

viewtopic.php?f=246&t=171913

 

Ganacsatada Puntland oo deeq siiyey booliiska

 

 

Axmed Kismaayo

BBCSomali.com

 

Ganacsatada Puntland oo deeq gaarsiiyay booliiska

Ganacsato ka soo jeedda gobollada kala duwan ee Puntland ayaa maamulka Puntland waxay ku wareerjiyeen qalab isugu jira gaadiid, qalabka isgaarsiinta iyo dirayska ciidamada kaas oo loogu talagalay ciidamada booliska.

 

Warbixinta deeqda

 

Tallaabadan waxaa lagu tilmaamay mid ay ganacsatadu kaga qaybgalayso barnaamij dib loogu habaynayo xagga nabadgelyada kaas oo hadda ka socda gobolkaas ka dib markii bilihii la soo dhaafay ay halkaas ka taagnayd ammaan darro xoog leh.

 

Qalabka ay ganacsatadu ugu deeqday ciidamada boolisku wuxuu ka kooban yahay gaadiid ay tiradiisu dhan tahay 10gaari oo isugu jira baabuurta toyotada ee loo yaqaano 3F iyo toddoba kale oo ah Toyota ee loo isticmaalo qaadista ciidamada marka ay hawlgal samaynayaan.

 

Waxaa kale oo baabuurtaas ka mid ah 3gaari oo iyana kuwa xamuulka ah oo loogu talagalay inay u kala gooshaan xarumaha booliska ee gobollada oo dhan markii loo baahdo

 

Qalabka lagu wareejiyay booliska waxaa kale oo ka mid ah laba Radio Station oo ay wehliyaan 20 raadiye oo kuwa gacanta ah kuwaas oo iyana gacan ka siin doona ciidamada waqtiyada ay hawlgalladu jiraan iyo waqtiga shaqada caadiga ahba.

 

Afar mooto oo kuwa taraafikada ah iyo dirayska ciidamada booliska oo isugu jira dhar, suuman, kabo iyo koofiyado loogu talagalay ilaa 1000 askeri ayaa iyana ka mid ahaa qalabka ay ku deeqeen shirkadaha ganacsiga ee Puntland.

 

Tallaabada ay ganacsatu qaadeen waxay ka dambaysay kulamo horay u dhexmaray maamulka iyo ganacsatada Puntland kuwaas oo looga arrimimanay wax ka qabashada xaaladda nabadgelyo ee gobollada iyadoo maamulkuna uu ganacsatada ka codsaday inay kaalin ka qaataan sugidda ammaanka.

 

Munaasbadii lagu wareejiyay qalabkan oo lagu qabtay gudaha dekedda magaalada Bosaso ayaa waxaa ka qaybgalay M/wayne Cadde Muuse iyo wasiirka ammaanka ee Puntland C/llaahi Siciid Samatar.

 

M/waynaha iyo wasiirku waxay ganacsatada uga mahadceliyeen kaalinta muhimka ah ee ay ka ciyaareen sugidda ammaanka iyadoo ganacsatudana ay dhinacooda maamulka ka u soo jeediyeen inuu ku dhaqaaqo dib u habaynta booliska, tayayntiisa iyo diyaarinta mushaarka ciidamada si joogto ah.

 

Xiriiriyaha ganacsatada Puntland Faarax X. Mire ayaa BBCda u sheegay in ganacsatadu wixii haatan ka dambeeya ay qayb laxaad leh ka qaadan doonaan dhinaca ammaanka isagoo intaas ku daray inaysan suuragal ahayn in maamulka oo keliya lagu halleeyo nabadgelyada.

 

Faarax X. Mire wuxuu kaloo sheegay in xilliyadii la soo dhaafay ay gobolka ka dhaceen afduubuyo iyo xasilooni-darro saamaysay guud ahaan gobollada, si arrimahaas looga gudbo ay lagama maarmaan noqotay in maamulka iyo shacabku ay wadajir ugu tafaxaytaan sugidda ammaanka.

 

Waxaa qorshuhu yahay in qalabkan loo qaybiyo qaybaha booliska ee gobollada iyadoo loo eegayo sida ay baahidu u kala badan tahay, waana markii ugu horraysay ee ganacsatada Puntland ay si toos ah dawladda ugu wareejiyaan qalab tiradaas la’eg.

 

Guud ahaan magaalooyinka Puntland oo ay ku jirto caasimadda Garowe ayaa waxaa waayadan dambe ka socday olole ay maamulka dadwaynuhu isaga kaashanayaan gacan ku dhigista ammaanka gobolka kaas oo lagu tilmaami karo mid ay rajo wanaagsani ka muuqato.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Despite what some wish, Puntland is making progress in the area of security. The business people are also contributing to the improvement in security which is a welcome development.

Share this post


Link to post
Share on other sites
sunaari   

yes, more than 20 cars, communication equipments and police uniforms. This is indeed new dawn for co-operation between Puntland goverment and business people. After all, without security there will be no business to take care of. Two thumps up for this initiative.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Sunaari,

Yes indeed, this is more than the UNDP ever donated to the police. If people know how they can help each other, there will be no need for foreign donation.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this