Sign in to follow this  
General Duke

Puntland at 8 years of age.....

Recommended Posts

Khudbadii Madaxweynaha Puntland ee sanadguurada 8aad ee Dowlad Gobaleedka Puntland.

Last Updated::2006-08-01 20:43:37

 

Gaalkacyo:- Waxaan halkaan idiinku soo gudbineynaa khudbadii maanta ee Madaxweynaha Puntland oo qoraal ah.

 

 

KHUDBADDA MADAXWEYNAHA EE MUNAASABADDA

 

 

SANAD-GUURADA 8 AAD EE DHALASHADII D/GOBOLEEDKA PUNTLAND EE SOOMAALIYA

 

Maanta oo ku aaddan sanad-guurada 8aad ee asaaskii D/Goboleeka Puntland ee Soomaaliya waxaan hambalyo diirran u dirayaa bulsho-weynta Puntland, anigoo horumar, barwaaqo iyo baraare u rajeynaya.

 

Munaasabaddaani waxay qiime weyn u leedahay ma aha oo keliya Reer Puntland, balse waa mid Soomaali oo idil macne weyn ugu fadhida, maxaa yeelay Puntland waa D/Goboleedkii ugu horreysey oo fikrad federaali ah ku dhisanta.

 

Bulshadeenu dhismihii Puntland wax badan bey ka faa’iddey,magac iyo sumcad ballaaran bey ka heshay,ilaa iyo xadna tallabooyin horumarineed oo badan baa la qaaday oo lagu guuleystey.

 

Inkasta oo hawlo badan la qabtay, haddana waxaan shaki ku jirin in wax badani weli laaban yihiin.Sidaa darteed,waxaa loo baahan yahay dadaal dheeraad ah iyo shaqo badan, si loogu tallaabsado barnaamijyo lagu gaaro himilada dadkeena.

 

Puntland waxaa ku jira khayraad badan oo ay dadkeenu ka qatan yihiin, saboolna ay ka yihiin.Waxaan ka shaqaynaynaa, haatanna meel fiican noo maraysa sidii bulshadeena looga faa’ideyn lahaa khayraadkaas dabiiciga ah,maxaa yeelay waa sida keliya oo dadkeena saboolnimada looga saari karo, waana sida keliya oo bulshadeena looga horumarin karo dhinacayada adeegyada bulshada siiba waxbarashada, caafimaadka iyo maciishadda.

 

Si ujeeddadaasi meelmar u noqoto waxaa loo baahan yahay in nabadgelyada la xoojiyo, waxaa loo baahan yahay in midnimada la adkeeyo,danaha bulshadeenana meel looga soo wada jeesto.

 

Dowladdu waxay ballan qaadaysaa inay intii karaankeed ah ka shaqayso barnaamijyada horumarinta,in la soo jiito maalgashiga shirkadaha caalamiga,si loo abuuro fursado shaqo iyo horumar dhaqaale.

 

Waxaan bulshada Puntland ugu baaqayaa in hal gacan la noqdo iyo dhammaan qaybaha bulshadu xil iska saaraan sidii maalgashiga loo dhiirrigelin lahaa loona soo dhoweyn lahaa,maxaa yeelay waxay dani noogu jirtaa in dalka wax laga soo saaro.

 

Nabadgelyadu waa waxa ugu muhimsan oo furaha u ah horumarka dalka,sidaa daraaddeed waxaan Reer Puntland ku boorrinayaa in nabadgelyada laga wada shaqeeyo.

 

Dowladdu dhankeeda waxay xoog saari doontaa, si weyna ay uga shaqayn doontaa arrimaha amniga,waxaase loo baahan yahay in dadweynuhu kaalintiisa arrintaas ka qaato.

 

Waxaan mar kale shacbiga Puntland ugu hambalyeynayaa sanad-guurada 8 aad ee dhalashadii Puntland,waxaan ugu baaqayaa wadajir, midnimo iyo dadaal.

 

Maxamuud Muuse Xirsi

 

Madaxweynaha dowladda Puntland.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this