Sign in to follow this  
Abu-Salman

Kaalinta Israel: Zionism Against Somalis

Recommended Posts

Kaalinta Israel ay ku leedahay dagaalka Soomaaliya, 09,January-07

 

 

Somalia, 09,January-07 ( Qaadisiya.com) Sida aan ognahay la iskuma khilaafsana damaca Israel ay ka leedahay gobolka Afrikada bari si ay u xaqiijiso arrimo dhawr ah, sidaa darteed ayay Israel ku dadaashay inay dagaal iyo fitno ka huriso dhulka soomaaliyeed si ay u gaadho ujeeddooyinkeeda gurracan.

 

Daqiiqadihii u horreeyay ee Hoggaamiyayaashii Maxaakimta Islaamiga Soomaaliyeed ay ku dhawaaqeen jihaad ka dhan ah ciidamada dawladda Ethiopia ee ku jiray gudaha Soomaaliya oo ay ku eedeeyeen inay waddanka kusoo duuleen kuna baaqeen markii u horraysay in dagaalyahannada Islaamka ee caalamku ay kala qayb qaataan dagaalka lala galayo Ethiopia baaqaa oo ay Ethiopia si xaqiraad ah uga jawaabtay sheegtayna”baaqaa Maxaakimtu dagaalyahannada Ajnabiga ah ugu yeedheen waxay muujinaysaa ilaa heerka xag-jirnimadooda” laakiinse jawaabta Israel ay ka bixisay arrinkaa wuxuu aha mid ka duwan ka Ethiopia, durbadiiba waxay xidhiidh toos ah lasoo sameeyeen xukuumadda Adis-ababa una shegeen inay ku dhawaaqaan dagaal loogasoo horjeedo Maxaakimta Islaamiga ah iyagoo u ballan qaaday inay siin doonaan taageero ku filan siday meesha uga saari lahaayeen maxaakimta Islaamiga ah.

 

Ogolaanshahaa markuu helay ka bacdi ayuu ku dhaqaaqay Males Zenawi inuu caalamka u sheego in lagu khasbay Ciidamadiisu inay u galeen soomaaliya inay la dagaalamaan Ciidamada maxaakimta oo ku dhawaaqay jihad dawladiisa ka dhan ah.

 

Ethiopia ayaa mar sii horraysay sheegtay in ay u dirtay Soomaaliya boqolaal Khubaro

 

Millateri iyo la taliyayaal ah si ay u caawiyaan Soomaaliya ugana difaacaan khatar uga

 

Timaadda dhanka Islaamiyiinta (MMI), iyo inay tababaraan ciidamada DFK.

 

Ciidamadaa dhawrka boqol ah ee Ethiopia ay u dirtay Soomaaliya waxaa ka mid ahaa khubaro yuhuud ah oo ka baaraan degayay sidii loo hurin lahaa dagaal lagu qaado Ciidamada maxaakimta Islaamiga ah.

 

Waxaa kaloo jirtay in qaraar lagasoo saaray UN-ka lagaga hadlay waddamada faragelinta ku haya soomaaliya lagu sheegay in Dawladaha Ethiopia iyo Uganda ay ku caawiyeen DFKM gantaalaha lagula dagaalamo diyaaradaha ee garabka laga rido oo noocoodu yahay SI-7, waxaa kaloo warbixintaa lagu sheegay in gudaha soomaaliya ay joogaan ciidamo Ethiopian ah oo lagu sheegay 5000 ilaa 10000 oo askari oo wata gaadiidkooda dagaalka.

 

Ciidamada Ethiopia ayaa bilaabay inay kusoo siqaan Soomaaliya iyagoo kaashanaya ballamihii Israel, taasoo caddayn u ah in dagaalka diyaar garow aad u sarreeya uu ka

 

Horreeyay sidii ay gebi ahaanba u ga takhalusi lahaayeen xooggii maxaamimta Islaamiga ah iyadoo ay caawinayaan waddamo shisheeye oo ay ugu horrayso Israel.

 

 

 

Maxay Israel ka doonaysaa Somaliya.

 

 

 

Israel marna kama hadlin faragelinta ay ku hayso soomaaliya laakiinse waxaa lawada ogyahay inay ka leedahay dano dhawr ah oo ay ka mid yihiin:

 

1.doonis inay gacanta ku dhigto waddamada Geeska Africa.

 

2.Doonis inay usoo gacan gasho maamulka badda cas.

 

3.Doonis la dagaalanka Ururada Islaamiga ah ee Gobolka geeska Africa.

 

4.Dhammaystirka qorshe yuhuudda Falaashaha lagagasoo qaadayo Ethiopia.

 

Waxaa jirta in Israel ay si aada u doonayeen inay xukunkooda hoos keenaan waddamo dhawr ah oo gobolka ku yaalla ayna ka mid yihiin Ethiopia,Eritrea,Soomaaliya iyo Zanzibar iyagoo faragelintaa ay ka mid tahay mid xagga millateriga ah ama inay u diraan khubaro iyo la taliyayaal iyo mararka qaarkood inay ka caawiyaan dhanka hubka iyo teknolojiyada casriga ah si ay gacanta ugu dhigaan waddamada.

 

Israel waxay geed dheer iyo mid gaabanba u fuushay inay arrimaha soomaaliya saamayn weyn ku yeelato iyadoo ay jiraan warbixino sheegaya in marar dhawr ah ay isku dayeen inay gacanta ku dhigaan Somaliland sida ay sheegtay jariidada Macaariif ee kasoo baxda Israel waxaa arrintaa xidhiidhiye ka ahaa ganacsade Yuhuud ah oo deggan Adis-ababa, Israel ayaa isku dayday inay kiraysato Dekadda Berbera ama ugu yaraan ay u isticmaasho arrimo ganacsi iyo weliba arrimo kale oo iyaga u khaas ah.

 

Israel ayaa iyadu muddo dheer u arkaysay in haddii la helo dawlad dhexe oo soomaaliyeed oo loo dhan yahay ay caqabad ku noqon doonto danaha ay ka leedahay soomaaliya.

 

 

 

C/raxmaan Ismaaciil (Abuxamza)

Source: Islammemo (Islamic Site)

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this