Sign in to follow this  
Allamagan

Golaha Odayaasha Baardheere Oo Cambaareeyey Xasuuqii Uu Madaxa Maxaakiimta Kismayo...

Recommended Posts

olaha Shacbiga deegaanka Baardheere ayaa maanta warsaxaafadeed uu ka soo saarey degmada Baardheere waxay si kulul ugu cambaareeyen falkii dilka ahaa ee shaley subax lagula kacay 5 qof oo dhaawac ahaa kana mid ahaa maxaabiis ay hayeen maxkamadaha, oo yiiley goob caafimaad oo ciidanka maxkamaduhu ay kala baxeen goobtii lagu daweenayey,wax yar ka dibna ay toogasho ku dileen aanooyin qabiil dartiis

 

Haddaba qoraal maanta loo qeybiyey saxaafada oo nuqul ka mid ah soo gaarey Gedonet ayaa waxa uu u qornaa sidatan:

 

Maleeshiyada maxkamadaha ee jooga degmada Buaale waxay shaley oo taariikhdu ahayd 29/10/2006dii toogasho laga baaran degay oo qorsheysan ay ku dileen 5 qof oo aheyd dhowaac maxaabiis oo ka soo jeeda beesha **** oo lagu hayyey magaalada Buaale, waxyna kale yihiin 5tii qof kala yihiin sidatan:

 

1-Mahad Faarax Cali oo da,diisu ahayd 25jir

2-Xuseen Xasan Cali(X.Farey) oo da,diisu tahay 40jir.

3-Dhicis Cabdi Cagaweyne,oo da,diisu tahay 20jir

4- Maxamed Axmed Cali oo da'diisu aheyd 22 jir.

5- Cabdi Maxamed Mahad oo da'diisu aheyd 28 jir.

 

Falalkan dilka ah ayaa lagu tilmaamey kuwo naxariis daro ah oo xad gudub ku ah shareecada islaamka, xeerarka soo jireenka ee dhaqanka soomaalida iyo baaqa caalamiga ee xaquuqda aadanaha,sidaas darteed Goluhu waxay Q/midoobey, Jaamacada carabta iyo wadamada ururur Goboleedka IGAD u sheegayaan in aaney marnaba raali ka noqon doonin in ay maxkamaduhu wax saameyn ah ku yeeshaan deegaanka Baardheere iyo weliba G/Gedo.

 

Golahu waxay kale ugu baaqeen in masuuliyiinta beesha **** ee magaalada Kismaayo oo ka tirsan maxkamadaha ay jawaab ka bixiyaan falalkii xasuuqii ahaa ee loo geystay maxaabiistii lagu qabtay dagaalka ayna ka dambeeyeen xasuuqooda ninka lagu magacaabo Axmed Madoobe oo asagu ah madaxa maxkamadaha gobalka Jubbada Hoose oo maleeshiyo ay isku hayb yihiin ay ka dambeeyeen xasuuqani.

 

Golahu waxuu ugu digayaa in maxkamadahu Degmadani ay ka daayaan faragelinta joogtada ah ee xaga isgaarsiinta ay ka wadaan ,waxii talaabo ah ee ka yimaadana masuuliyadeeda ay qaadi doonaan Maxkamadaha ayaa lagu yiri warsaxaafadeedkan oo ay soo saareen Golaha shacbiga deegaanka Baardheere oo uu ku saxiixan yahay Gudoomiyaha Golahaasi Xuseen Cali Biixi.

 

Baardheere-Gedo-NN

Share this post


Link to post
Share on other sites

Kismaayo: Maleeshiyooyinka maxaakiimta oo dhidib tiray dhaawicii ciidamada wasiirka gaashaandhiga

Isniin, October 30, 2006

 

 

 

Ksimaayo (AllPuntland)- Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in ay magaaladaasi gil-gileen warar sheegaya in maleeshiyooyinka maxaakiimtu ay dhidib tireen qaar ka mid ah dadkii ku dhaawacmay dagaaladdii ku dhexmaray agaggaarka Bu’aale Col. Barre Aaden Shire (Hiire) iyo Maxkamadaha Muqdisho.

 

Dadkan la laayey oo tiradooda lagu sheegay afar qof ayaa lagu soo waramayaa in lagu dilay gudaha magaalada Bu’aale, halkaasi oo lagu dabiiyey.

 

Mas’uul ka tirsan maamulka Maxkamadaha ee magaalada Muqdisho oo ay la xiriirtay AllPuntland ayaa sheegaya in dhacdadaasi baaritaan lagu sameynayo ciddii geysatayna sharciga la horgeyn doon.

 

Arintan oo shacabka magaalada Kismaayo aad uga caroodeen ayaa guud ahaan magaaladaasi oo dhan laga dareemayaa, taasoo laga cabsi qabo in ay gacan ka hadal isku badashao sida uu ku soo waramayo wariyaha AllPuntland ee magaalada Kismaayo.

 

Sidoo kale waxaa jira warar hoose tibaaxaya in ay arintani khilaaf ka dhex aloostay hogaamiyayaasha maxaakiimta iyo mas’uuliyiinta hadda la shaqeeya ee horey ugu sugnaan jiray magaalada Kismaayo ka hor inta aysan maxkamaduhu halkaasi gaarin.

 

 

AAA Gentleman

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maleeshiyooyinka Maxaakiimta oo Dilay Dhaawacii laga qabtay Col.Bare Hiiraale

Last Updated::2006-10-30 16:03:27

 

Bu'aale:- Wararka naga soo gaaraya magaalada Bu'aale ee xarunta Gobalka J/dhexe ayaa xaqiijinaya in halkaa lagu dilay

4 nin oo ahaa Dhaawacii laga qabtay Maleeshiyooyinka Wasiirka Gaashaandhiga Col.Bare Hiiraale.

 

Afartan nin ayaa lagu hayey magaalada Bu'aale laga soo bilaabo 23kii Oktober kadib markii lagu soo qabtay dagaalkii dhexmaray Maleeshiyooyinka Col.Bare Hiiraale iyo kuwa Maxaakiimta Muqdisho.

 

Dagaalkaasi oo ka dhacay deegaanka Dajuuma ee degmada Bu'aale ayaan illaa iyo hada xog dhab ah laga heyn khasaaraha labada dhinac kasoo gaaray.

 

Hase yeeshee 4ta nin ee la dilay ayaa ayagu ay gacanta ku dhigeen maleeshiyooyinka Maxaakiimta oo ku hayey ragan magaalada Bu'aale.

 

Afartan nin oo dhaawaca ah ayaa hada la xaqiijiyey in ay toogasho ku dileen maleeshiyooyinka Maxaakiimta.

 

Qirasho ka timid Maxaakiimta

 

Mas'uulka u qaabilsan Maxaakiimta Muqdisho dhinaca maleeshiyooyinka Jubooyinka, Md.C/llaahi Axmed Warsame Ejka ayaa maanta shaaca ka qaaday in ay jirto dilka raggan dhaawaca lagu xasuuqay.

 

Wuxuuna sheegay in ay baaritaano wadaan, isla markaana eegaya waxa keenay dilkan.

 

Waxaa horey maleeshiyooyinka maxaakiimta Kismaayo ku sugan loogu eedeyey in ay laayeen dad dhaawac ah sida ay sheegeen ehelada dadkan oo ku sugan Kismaayo.

 

Dhaliiceyn

 

Falkan ayay ka naxeen shacabka ku dhaqan magaalada Kismaayo oo hada si weyn u hadal haya falalkan ay ku kaceen maleeshiyooyinka Maxaakiimta.

 

Dilkan ayaa kusoo beegmaya xili uu Col.Bare Hiiraale iyo ciidamadiisa ay gaareen magaalada Baardheere ee gobalka Gedo.

 

Odayaasha iyo nabadoonada beesha raggan la dilay kasoo jeedaan oo ayagu ku sugan magaalada Kismaayo ayaa dhaliiceyn dusha uga tuuray falkan foosha xun oo ka fog sharciga Islaamka iyo waliba kan Caalamiga ah ee la xariira Maxaabiista.

 

Maxamed Cabdi

HorseedNet.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this