Sign in to follow this  
General Duke

Mogadishu: wast AMISOM shelling was behind the massacre of Martini Hospital?

Recommended Posts

12 curyaan oo ku dhintey duqeyn

12 Sep 12, 2009 - 5:54:47 AM

 

Ugu yaraan 12-qof oo ka mid ah dadkii ku naafoobay dagaalkii Somalia iyo Ethiopa [1977] iyo ilaalada xabsiga dhexe [Gaalshire] ayaa ku dhintay madfac ku dhacay Isbitaalka Martiini afurkii xalay [sep 11], iyadoo ay dhaawacmeen 21-qof.

 

Sida ay sheegeen qaar ka mid ah curyaamiintii ku sugnaa halka uu hoobiyuhu kusoo dhacay 4-qof oo ka mid ah dadkii ku dhaawacmay madfaca ayay xaaladoodu halis ku jirtaa, iyadoo mid kale uu ku dhintay saaladii qaliinka lagula sameynayay.

 

Daahir Cismaan Shuuriye oo ah Indhoole ka tirsan dadkii uu madfacu waxyeleeyay xili ay afurayeen ayaa saxaafada u sheegay in jirkiisa ay galeen in ka badan 7-firir oo kasoo go'ay madfacii dadka badan laayay.

 

"Ma filayn anagoo ku naafownay dagaalkii [77] in dad Somali ah ay dhib intaan le'eg noo geysan doonaan, waan garanaynaa cid nagu soo tuurtay madfaca balse xaga amaanka awgiis ma sheegi karno" ayuu yiri Daahir.

 

Ruux kale oo curyaan ah laguna magacaabo Max'ed Ismaciil Cali ayaa sheegay inuu indhihiisa ku arkay in ka badan 12-qof oo dhintay kuwaasoo 9-ka mid ay ahaayeen curyaamiih iyo 21-dhaawac ah, isagoo xusay in dhaawacyo fudud ay jireen.

 

Kooxda Al-shabaab ayaa lagu eedeeyay inay madfacaas soo tuurtay, mana jirto hadal kasoo dhankoosa kasoo baxay oo ay ku diidayaan eedeyntaas, waxaana lagu aasayaa dadkii ku dhintay mashaqadaas isbitaalka gudihiisa.

 

Dadka ku dhintay duqeynta ayaa lagu aas weyn loogu sameeyay maanta Dugsiga tababarka booliiska Somalia [scole Policia], waxaana aaskooda ka qaybgalay saraakiil ka tirsan qaybaha kala duwan ee ciidamada.

 

Madaafiicda dilay dadkan cuyaamiinta ah ayaa waxaa loo waday dekeda Muqdisho, halkaasoo ay kooxaha Islaamiyiinta ah tuhmayaan inay hub iyo waxyaabo kale uga dagaynaa ciidamada AMISOM iyo DF Somalia.

 

GAROWE ONLINE

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this