Cowke Posted June 5, 2010 Khasaarihii Duufaantii iyo Roobabkii ka da’ay xeebaha gobalka Bari (Sawiro) June 5, 2010 Xiligii aan ka Tagayay Xeebta Magaladan Bosaaso ayaa Waxaa ay ahayd 20/5/2010 Subaxnimo khamiisa Sacadu Markii ay ahayd 8.30 Subaxnimo safarkayga ayaa ku wajahnaa Degmada caluula Iyo Degaan Xebeedyada Hoos yimaadaa si aan ugu kuurgalo Xalada Deeganadaasi, Waxaan Raacnay oo aan ku safaray saxiimad ah nooca Dhereeya islamarkaa dadku ay u yaqanan laylo. Meesha aan usocono waa Masaafo fog Badana jawigeedu waa kacsanaa Waxana Xiligaasi jiray Digniino la isu Dirayay Dhanka Mobelada oo ay Diraysay Wasarada Dakadaha iyo Gadiidka bada taas oo loogu Digayay in aan Bada lagu safri karin ilaa Mudo Dhan 3 Bari ah, Sababto ah Wal Wal laga qabay Bada ayadoona Xiligaasi la filayay Duufano ka Dhaca Deegana ka Tirsan Puntland Sidaas oo ay tahay Safarkii Waan Siiwadanay Waxaana aan Safarkii aan kala Kulanay Dabaylo iyo Robaab lama illawaan Nagu Noqotay. Safarkaan waxaan oran karaa Waxaa uu ahaa Mid naxdin badan ilaa markii aan soo Dhafnay Tuula Xeebedka sida Bacaad, Buurgaabo, Buruc, Dhurbo, Murcanyo, Markii aan Soo Garnay Degmada Qandala ayaa waxaa Bilowday Roobka xoogisa baduna waa ay kacaday, xiligaasi waxaa bilaamay in ninkasta uu ka fakaro halka uu xaalku ku damayn doono arintu ayadoo ay sidaas ahayd, waxaan sii wadanay safarkii roobkuna waa sii xoogstay Dabayluhuna waa ay sii laba laabmeen ayadoo arintu sidaas yahay waxaan tagnay tuulada XAABO oo ugu Horayn safarkaygu ku wajahnaa xiligaas waxaa ay ahayd gabal gabad qoraxdana waa ay sii dhacaysay, tulada Waxaa ka da”yay roob xoog badan isgaarsinta tuladana waa ay go’nayd oo wax isgaarsina kama jirin xiligaasi. Markii aan gudaha ugalay Tulada Xaabo ayaa Roobkii Markale Sii Xoogstay Waxaana Xiligaasi Bilaamay in Guryo badani ay Dumaan hanti badana ay Biyaha qadaan. Xiligaas waxaa dhacday in qoysaas badani ay wayaan meel ay gabaad uga noqota qabowga roobka maadaama ay guryahoodi ay dumeen aydoo ay arinta sidaas tahay ayaa Waxaa soo dhacay biya xoogleh oo kasoo rogmaday buuraha ku teedsan tulada, biyahaasi oo u muuqanayay sidii wabi qar qarka jabsaday. Biyahaan ayaa xoogooda waxaa ay kusoo dhaceen meel kaabiga ku Haysa deegaan xeebeedka xaabo oo ay ku xirnayeen saxiimado ay lahayeen kaluumaysatada degaankaasi kuwaasi oo tira ahaan kor u dhafayay 30 saxiimadood. Dadka ayaa bilaabay in ay u istagaan sidii ay hantidaasi biyaha ugasoo reebi lahayeen qaar waa ku gulaysteen in ay biyaha ka soo reebaan qaarna waa ay la tageen. Wararka ka imanayay miyiga tuladaasi ayaa waxaa ay sheegayeen in biyahaasi ay qateen labo caruura oo ay kasoo qateen meel aan sidaasi uga fogayn tulada Xaabo. Tuulada xaabo waa tuula ku taal xeebta bada cas waxaana ay ka mid tahay deegaan xebeedyada hoos yimaada Degmada caluula ee gobolka Bari waxaana ay magaalada Bosaaso ay u jirtaa 84 mile dhanka bari. Tuulada waxaa ku nool dad badan oo ku tiirsan nolosha kaluumeysiga waxaa ku yaala gurya badan oo taariikhi ah, sidoo kale waxaa tuulada dhinac mara tog wayn oo kulmiya biyaha bada iyo xareeda waxana lagu magcaaba jaanka. Intii aan joogay tuulada xaabo ayaan waxaan bilaabay in aan u kuurgalo dhibaatoyinka iyo radadkii ay reeben Robabkii ka da’ay degmada caluula iyo degaan xeebedka hoosyimaada. Dadka deegankaasi ayaa cabsho xoogle ka Muujiyay khasarihii ay rebeen robabkaasi waxaana ay codsiyo u jeediyeen hayada samafalka iyo Dowlada Puntland in ay gurmad lasoo garaan islamaarana ay dhibaatadaan soo fara galiyaan. Deeganada ay roobabkan sida baaxada leh uga da’een ayaa waxaa kamid ah degmada Caluula, Xaabo, Geesalay, Murcanyo, Booli Moog iyo Afkala-Haye, waxaana xiligaan deeganaadaasi ninkii tagaa uu arkayaa burbur Soogaray hantida dadka ku sugan deegamadaasi. Asli waa hooyo aan dadeeda ku qiyaasay 60 sano, waxaa ay ka mid tahay qoysaska ku dhaqan deegaanka Geesalay, hooyadaasi oo roobkaasi iyo dabayluhu ay dhiibaato ku reebeen ayaa Horseed Media u sheegtay in xoolihii ay dhaqanaysay ay sahaydeen robabkii iyo dabaylihii ka dhacay deegaanada saaran xeebaha Puntland ee Deegaanka Geesaleyna ay kamid tahay. Hooyadaasi oo diif ba,ani ay ka muuqanaysay ayaa codsatay in gargaar lala soo gaaro. Deegaanada dhibaatadu ay ku dhacday ee Horseed Media ay socdaalka ku tagtay ayaan waxaa ka muuqan wax kaalmo ah oo ay ka helaan dhan maamul ama hay’ado. Dadka ay guryahoodii ay ku burbureen roobabkii iyo duufaantii saameysay dhul xeebeedka hoosyimada Degmada Caluula ayaa hada waxaa ay jogaan dhul banaan, waxaana ay codsanayaan in cidkasta oo wax haystaan ay gacan ufidiyaan. Dadka deegaankaasi ku dhaqan ayaa ku tilmaamay khasaarihii ay dabaylaha iyo roobaka geysteen sanadkan kuwo u dhigma khasaarihii Puntland kasoo gaaray musiibadii Tsunamiga ee dhamaadkii 2004tii. Cabdisalaan Axmed Shire Horseed Media Quote Share this post Link to post Share on other sites
Hales Posted June 5, 2010 What a mess., may god relieve them Caluula.... my dads birth place, AUN. Quote Share this post Link to post Share on other sites