Sign in to follow this  
General Duke

TFG ambasador meets President of Bulgaria..

Recommended Posts

SAFIIRKA SOOMAALIYA U FADHIYA LIIBIYA OO MADAXWEYNAHA DALKA BULGARIA GUDDOONSIIYEY

TAHNIYAD UU KA WADAYA MADAXWEYNAHA SOMALIA

 

Bulgaria.JPG

Madaxweynaha Bulgaria.................................Danjire Ilkadahab

 

Somaliweyn (Tripoli,Nov. 4 ,2006)

 

Danjiraha somaliya u fadhiya libya mudane MaxamedXuseen Maxamed" Ilkadahab" oo aan xafiskiisa ku soobooqdey Maantay isaga oo ka soo noqday dalka Bulgaria kaddib markii uu guddoonsiiyey

Madaxweynaha dalka Bulgaria mudane:Georgi Parvanov dhambaal hambalyo ah oo uu usoo diray madaxweynaha dalka Soomaaliya Mudane Cabdullahi Yusuf Axmad ,Dhambaalgaas oo Madxweynaha Bulgaariya loogu hambalyeeynayey guushii uu kasoo hooyey tartankii doorashada Madaxweynanimada dalka Bulgaria oo uu si wayn ugu guulaystay markii labaad .

Kaddib markii uu guddoomay dhambaalka hambalyada ah Danjire Ilkadahab iyo Madaxweyne

Georgi Parvanov iswaydaarsadeen hadallo ku saabsan xiriirka labada waddan ee Bulgaria iyo Soomaaliya iyo sidii loo adkayn lahaa .

 

Mar uu ka hadlay madaxweynaha Bulgeria Arrimaha dalka soomaliya wuxuu yidhi somali waxaan u rajeynayaa in xaladeedu ku dhamato nabad ,wuxuuna xusay

heshiiskii hore ay u wada gareen labada dowladood eeBulgeriya iyo somaliya oo ku saabsanaa Baarista macdanta Mijiahan, iyo dhismaha dekadaha wuxuuna ballan qaadey madaxweynaha bulgeria in uu dalkiisu ka qeyb qaadan doono dhismaha dalka Soomaaliya .

Isagoo Danjire Ilkadahab wax ku soo bartay dalka Bulgaria islamarkaana ka ahaa Tikhtar caan ah waxaan waydiiyey wixii uu ka ogaa mashruucii Mijayahan wuxuuna ii sheegay danjiruhu in isagu uu ahaa shaksigii isku Xiray dawladdii hore ee Soomaaliya iyo dawladda Bulgaria oo uu degganaa saaxiibo badanna ku lahaa .

 

 

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Liibiya Danjire Ilkadahab wuxuu soo booqday waxuu soo booqdey maleeshiyooyinkii Dhaawaca ahaa oo ka tiresan ciidamada maxaakiimta

islaamka oo loo keenay dalka libya in lagu daweeyo ciidamadaas oo ku soo dhawacmay dagaladii ka dhacay magaalada muqdisho waxaana dhaawcyadaas dalka Liibiya keenay madaxdii Maxaakimta oo uu hoggaaminayey Guddoomiyaha Golaha maxaakiimta shiikh shariif shiikh axmed oo Liibiya uga qaybgalay sanadguuradii toddobaad ee asaaskii Midowga Africa

Isagoo martiqaad rasmi ah ka helay hoggaamiyaha Dalka Liibiya Mudane Macmar Alqadaafi

 

maleeshida maxakimta oo xaaladooda caafimaad ay gebi

ahaanba wacantahay hada ka dib markii si weyn loo

daweyey

 

 

Saciid Axmed cali Antenno/Liibiya

saciidanteno@yahoo.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this